“Aragti-gaabnida waxa aabbe iyo hooyaba u ah safar la’aanta”.

Safarka iyo socdaalku waa laba dhaqaajiye oo ruxa maanka iyo maskaxda qofka. Waa awood xooggan oo caawisa fekerkaaga si uu u dhalo fekerro la mahadiyo oo lagu badhaadho.

Aniga Mustafe ahaan, fekerkaygu waa uu dhaqaaqaa marka aan safro ama aan socdo, waxa aan dhalaa fekerro la yaab leh oo aan noloshayda kuu qaabeeyo kuna dhiso, taasi waa waxa aan u jeclahay inaan safro, oo aan daawado abuurka Alle ee iimaan-laawuhu aanu rumaysan karin, waa sababta aan u doorbido in aan kaligay socdo oo lugta aan maalo, ee aan u necebahay in ay cid kale igu weheliso socodkayga. Run ahaan; waxa socodka iyo safarka ba ku jira falsafado iyo midho aad loogu badhaadho.

Safarka waxa lagu sifeeyaa maanka, oo waxa lagaga tirtiraa aragtiyaha aan suura-galka ahayn ee aad aaminsantahay, waa hab-dhaqanka kaswaannada iyo fekeraayada.

“Wax kasta waa inaan barto, oo wax la iga weydiin karo timaaddada!”, waa odhaahdii aan naftayda kula shawri jiray waayo badan, waxa aan garawsaday inaan noolaa qarniyo hore, qarniyadii qaasaaligii hore, ibn siinaa ibnu rushdi, iyo aqoonyahannadii waayadaa hore noolaa, iyaga ayaa aan jeclaa oo aan la yaabi jirey sida ay weel kaliya ugu dhaamiyeen dhinacyo aqooneed oo badan, diinta, fanka, falsafadda, taariikhda iyo qaar kale, waxa aan si qumaati ah ii gashay fekradda ah inaan maankayga ku shubi karo wax kasta oo nolosha ah, taas ayay ahayd sababtii aan ugu fiicnaaday maadooyinka qaar aan kasoo taagnaan jiray oo aan aaminsanaa in aanan baran karin, waa aan ku dedaalay maaddo kasta oo manhajka dugsiga ka mid ahaa, ilaa aan gaadhay heer ay isku kay mid yihiin maaddooyinka oo dhammi.

Aragtidaasi waxa ay ahayd mid aan saxsanayn! , nolosha na waa in aad kala shaandhayso aragtiyahaaga adiga oo la kaashanaya casharrada waayaha iyo waayo-aragnimadaada aad helayso. waxa aan uga socdaa waa aan tirtiray aragtidaa , oo waxa aan ku beddelay aragti cusub oo nolosha iyo waayaha la noolaan karta isla jeerkaana la jaanqaadi karta.

” Wax kasta ma baran kartid si aad uga war-celiso wax kasta, balse wax kasta waa aad akhrisan kartaa si aad uga war-celiso wax kasta” , haddii aan kuu sharxo aragtidaydan, waxa aan uga socdaa, in ay hal-bacaad lagu lisay ay ahayd aragtidii hore ee ahayd « wax kasta baro» ; si kale haddii aan u dhigno, wax aan noolnahay caalamkii takhassuska “عَالَم التَّخصُّصات” ” The world of especialition” , waxaa se jira beddel kale, si aad xog uga hesho inta badan aqoonta dunida lagu hayyo , waa in aad akhris samayso , oo aad akhrido wixii kasoo hadhay takhasuuskaaga.

Aqoon kasta oo aadujmuhu yaqaanno waa la dhigay oo la dhiteeyey , waxa aana lagu keydiyay mid kasta ba buugag aad kaga bogan karto , hadba inta aad doontana aad ka qadhiidhan karto.

Ugu danbayn; ma doonaysaa inaad isbarato , oo aad naftaada ogaato?! , xikmad caan ah ayaa tidhaahda “guriga waxa aad ku barataa dunida , safarka na waxaa aad ku barataa naftaada” ,  ee safar oo socdaal si aad isu ogaato.

Fikirkaada Waa Muhiim