Qoraaga: Yuusuf Maxamad Xayd
Tarjumaha: Boodhari Warsame

Buugga “Kalahaadkii Muqdisho” waa xusuus qorkii qoraha kaasoo uu innagula wadaagayo wixii uu dhaayihiisa ku arkayay ee dhacayay muddo laba wiig ah; Haa! Laba isbuuc oo keli ah, balse u dhigma bilo iyo weliba sannado.

Qoraagu wuxu si dadban kuu dhex joojinayaa bu’da Xamar waxaana uu ugu horreynba ku siinayaa khariidadda magaalada si aanad ugu lumin inta aad martida ugu tahay qoraaga labadaas isbuuc ee aad la joogto.

Maalinta koobaad si deggan oo nabdoon ayuu ku bilowmayaa jawiga magaaladu iyadoo sidii caadada ahayd suuqyada iyo magaaladuba u cammiran tahay, nasiib darro se maalinba maalinka xiga xaaladdu wey kasii xumaanaysaa oo waxay kusii durkaysaa huluul madow oo aan laga soo dabbaali karin, sida dhagax kasoo shalwanaya buur dheer oo ay adagtahay in la joojiyaa!

Inta aanad gaadhin kala badhka wiigga koobaad waxa uu qoraagu ku geynayaa madaxtooyadii Soomaaliya waxa uuna kula fadhiisinayaa Gen. Siyaad Barre oo laga yaabo inay kuu soo baxdo fekrad aanad hore uga haysan, adiga ayayse kuu taal inaad yeesho amase diiddo.

Wuxu qoraagu si qayaxan kuu tusayaa dheegashadii dhaayaha la’ayd ee aragtiyihii shuuciyadda, kaarl maarks (Karl Marx), Lenin iyo faylasuufyo kale, ilaa ay ka gaadhay heer laga dhigay halbeegga lagu cabbiro heerka aqooneed ee qofka.

Inta aanu dhammaan wiigga horeba waxa aad ogaalka ku darsan kartaa badawnnimada askariga xukunka daaqadda ugasoo dhacay, waxaad arki kartaa in qalad-kasta oo dibloomasiyadeed oo ay samaysay soomaaliya ay si qumman uga faa’ideysey cadawgeeda jaarka la ahi(itoobiya), si kale haddaan u dhigno soomaaliya iyada ayaa gacanteeda ku soohaysay xadhiggii lagu daldali lahaa!

Buuggu dhab ahaan waxa uu xambaarsanyahay dareenno xiise iyo xanuunba leh, oo uu jidhku cabsi iyo naxdin is galayo marka aad sawwirato! marmarka qaar waxa aad is odhanaysaa ma iskaga hadhaaba qoraaga! sida uu udhiirran yahay ee uu u lugaynayo jidadka juuqda iyo jaaqda ba jaray ee Maydku u wadhan yahay sida quruuruxa; haddana waxa aad is odhanaysaa haka hadhin’e lasii jir, waxa ku dhacana waad la wadaagi doontaa’e.

Waxaanad muran ka keeni doonin markaad qoraaga labadaas wiig la jirto xanuunka qabyaaladda ee ku dhex milmay dhiigga soomaaliga, bal eeg, kacaankii aasay qabyaaladdu isaga ayaa haddana si hoose xukunka dalka cid gaara u kooteeyey’e. miyaanay ka dhignayn kuwo sidan u hadlaya? ” haayoo aasnay, dee haatanna waanu soo saaraynaa’e; weydinkaa!”. Rabbi Yasir.

Ugu danbaynna, xog fara badan ayaad kasoo xaabxaabi inta aad joogto gudaha xamar, adigoo waxyaabaha qaar si toos ah u arkay oo qoraaga madaxa u ruxaya; kuwo kale oo uu kaaga warramay intaad la socotayna aanad lasoo arag aad liqi kari la’dahay is weydiinayso!, maskaxdana ay ka guuxayaan weydiimo dhawr ahi isla jeerkaana aad go’aansatay inaad raadiso xogo kale oo dheeraada oo arrimahan meel iska hor-iyo-danada ah dhan u rida meelna ku tiiriya.

Intaas kaddib adiga iyo qoraagu waad kalahaadi doontaan;  isagu Xaggaa iyo kismaayo , adiguna xaggii aad markii horaba ka tagtay.

Fikirkaada Waa Muhiim