Qoraaga: Dr Sh. Cabdiqani Xuseen Beder.

Alle ayaa mahad leh, milgo iyo muunad waxa leh ergaygiisii Maxammed -NNKH.

Buugga HALBEEG waa dhigane buuran oo  tiro ahaan ka kooban in kabadan 300 bog, waxa uu xambaarsanyahay farriin mug leh oo ay tahay inay dhugmo u yeeshaan bulshada soomaaliyeed.

Buuggu qoraal ahaan iyo qaab ahaanba waa mid soo jiidasho leh oo uu qoraagu ku fara-yaraystay, waxaanad dareemaysaa judhiiba hilow iyo hammuun aad u hayso sii wadista buugga ilaa dhankiisa midig.

Jaldiga buugga iyo magaciisa ayaad aad ula dhacay runtii, sida uu qoraagu isu waafajiyay, oo si fudud ugu ogalaanaysa akhristaha inuu xog badan helo isla marka koobaad ee uu isha qac ku siiyo.

Buuggani waa buug hirdiyaya fekradaha khawaajaha (reer galbeedka), isla jeerkaana bannaanka keenaya xaqiiqada dhabta ah ee kooxaha magacyada indho-sarcaadka leh la huwiyay, dhanka kale;  waxaan odhan karnaa Buuggani waa mid jaadkiisu ugub yahay waxa uuna ku darsaday goorta iyo geyiga buugga lagu gardaadiyey oo halkiisii ah. Xikmadduba waa intaa. Buuggu waaba xikmaddii oo soconaysa.

Dhanka kale, buuggani wuxu dhiiri-gelinayaa in ay wadaaddadu qoraalka danayn gaar ah siiyaaan, oo culimadu dhaxal la taaban karo – qoraallo dhigan – u reebaan bulshadooda iyo dadkooda , si lamid ah sida muxaadarooyinka iyo nadwooyinka ba ay innoogu dhiteeyaan.

Wixii la qoraa quruumo hadhee,
Muxuu hadal qiimo leeyahay.

Waxa uu qoraagu daaha ka faydayaa kooxaha iyo ururada magacyada islaamka sita ,isla jeerkaana reer galbeedka iyo maraykanka u qaabilsan fulinta danahooda si uu laf dhuun gashay ugu noqdo muslimiinta isbeddel-doonka ah.

Mar kale wuxu qoraagu si waafi ah badka u keenayaa hawlaha la qorsheeyey si gebi ahaanba loo kala geeyo muslimka iyo diintiisa suubban iyada oo la durayo arrimaha qeybka ee Iman doona sida geerida, xisaabta iyo maalinka danbe, iyada looga dhigayo sheeko baralay lagu sabaaleeyo kuwa nolosha ka quustay isla jeerkaana ay tahay arrimo lagu curyaaminayo tartanka lagu tiigsan lahaa dunida kale ee dayaxa tagtay. Waa sida ku mudan calmaaniyiinta caqli xumada iyo cilmi yarida isku darsaday!

Ugu danbayn, waxaan aad ugu bogaadinayaa qoraaga dhiganahan Dr…. soo saarista Buuggan iyo hawsha badan ee uu galiyay baadhista iyo baadi-goobka xaqiiqooyinka ku duugan. Waxaan markale iyo mararba ku hanbalyaynayaa sida farshaxanimada leh ee uu u qaabeeyey dhiganahan raandhiiska leh.

Aniga ahaan waxaan aan aad ugu faraxsanahay inaan nasiib u helay goor horeba inaan si qoto ah u maquurto xogta buuran ee buuggu xambaarsanyahay.

Fikirkaada Waa Muhiim