Shirkadda Microsoft ee dalka Japan ayaa sheegtay in iibka shirkadda uu kor u kacay ku dhowaad 40% intii lagu guda jiray tijaabo la sameeyay oo ay shaqaalaha toddobaadkii shaqeynayeen afar maalmood oo keliya.

Xafiisyada ayaa la xiray maalmaha Jimcaha bishii August sanadkan, iyadoo shaqaalahana la siiyay “fasax gaar ah”, oo lacagna lagu siinayay.

Shirarka ayaa lagu soo koobay ugu badnaan 30 daqiiqo, kala warqaadashada dhanka online-ka ayaa iyaguna lagu soo kordhiyay shirkadda si looga baaqsado kulamada weji-ka-wejiga ah.

Japan ayaa ka mid ah dalalka dunida ee ay shaqalaahoodu shaqeeyaan saacado badan.

‘U naso si raaxo leh’

Qiimeyn sanadkii 2017 la sameeyay ayaa lagu sheegay in ku dhowaad saddex meelood meel shirkadaha Japan ay shaqaalahoodu shaqeeyaan wax ka badan 80 saacadood oo dheeraad ah bishii, kuwaasoo aanan lacag lagu siin.

Intii ay socotay tijaabadii muddada bisha ahayd, isticmaalka korontada ayaa yaraaday 23% daabacaadda waraaqaha ayaa sidoo kale yaraatay 59% marka loo barbardhigo bishii August 2018, sida ay sheegtay Microsoft.

Shirkadda ayaa sheegtay inay qorsheyneyso hirgelinta tijaabo kale, balse aysan bixin doonin isla “fasaxa gaarka ah” sida kii hore.

Shaqaalaha ayaa si kastaba lagu dhiirri gelin doonaa inay qaataan waqti fasax ah, si ay ” si raaxo leh ugu nastaan”.

Lix maalmood

Taas beddelkeed, Jack Ma, oo wax ka aasaasay shirkadda laga dukaameysto ee Shiinaha laga leeyahay ee Alibaba, ayaa ammaanay in 12 saacadood la shaqeeyo maalintii.

Bishii April 2019, xilligaasoo shaqaaluhu ay shaqeynayeen 12 saacadood maalintii iyi lix maalmood toddobaadkii, inay ahayd wax fiican.

Dhanka kale warbixin la soo saaray oo uu maalgeliyay Xisbiga Shaqaalaha ee UK ayaa lagu sheegay in afar maalmood toddobaadkii la shaqeeyo aysan ahayn wax macquul ah.

Dad badan ayaa iyaguna aaminsan in yareynta maalmaha shaqada ay la micno tahay in maalmaha kale ay shaqo badan qabtaan.

 

Xigasho: Bbc Somali

Fikirkaada Waa Muhiim