Cabsidu waa in aad ka baqdo wax muuqda iyo wax aysan ishaadu qaban karin. Waxa muuqda waxay noqon karaan bahal aad ka argagaxdo, qof aad ka cabsato, duufaano dhacaya, dabaylo, dagaalo IWM. Halka waxa aan muuqan noqon karto hadaf aad lahayd oo aad ka cabsato in aad gaadho, in aad samaysato ganacsi oo istiraahdo waan khasaaraya ma samayn karo, buug aad rabtay in aad qodho oo cabsi kaa soo wajahday.

Cabsida ugu fiican ee adduun iyo aakhiro lagu liibaano waa tan Alle looga cabsado, waynaantiisa, ciqaabaadkiisa IWM. Waana mid ubaahan qofka in uu had iyo jeer maskaxda ku hayo in ciqaab adag jirto, qofkii aan guulaysana ay udambayn doonto halaag, jirkiisuna ay cunayso cadaabta. Alle hanaga najeeyo cadaabtaas.

Mida usocono waxay tahay in qofka bini’aadamka ah uusan marnaba ka cabsan hadaf iyo yool uu degsaday ka miro dhalinteeda, waxaana qof kasta laga rabaa in uusan isdhiibin xataa haddii uu soowajaho guuldarada ugu weyn.

Imisaa aragtaa shakhsi guul daraystay in ka badan toban jeer oo haddana guulaystay? Imisaa aragtay dad badan oo noloshoodii hiifay oo mar dambe guul gaaray? Imis ayaad aragtay dad badan oo guulaystay oo haddana dib udhacay? Noloshu waa meerto maalin walbana qof bay deris latahay qofna waa calool  xumaadaa, qofna waa muusoodaa.

Guusha ugu fiican waa midda aad gaadho adoo rafaad badan usoomara, waxaad garan karaysaa in aad tahay shakhsi hal adayg udhashay oo aan la loodin karin, aadna u adagtahay in uu gadaal unoqdo. Shakhsiga aan cabsan, gadaalna eegin, hadalna aan isku kurbayn xaqiiq waxaa ah in uu liibaanayo, guushuna ay xagiisa tahay.

Bini’aadamka waxa looga soocay xayawaanka wax kale ma ahan waa caqliga iyo garashada Rabbi siiyay in ay wax kula fahmaan, waxna ay ku dhistaan. Sidoo kalena ay isku maamulaan iyagoo caqligooda ka shaqaynaya, kana fekeraya halka ay joogaan iyo meesha ay usocdaan. Walow ay Soomaalidu dhahdo {Maan dad waa muducyo caaradood} oo ay ula jeedaan dadka waa shanta farood oo isku jiho ma ahan isku caqli ma ahan isku garashona ma ahan.

Meel dhariin ah oo sida ceelka usamaysan ayaa waxa ku dhacay dhowr xabo oo Rah ah, waxayna isku dayeen in ay ka soo baxaan balse waa kariwaayeen in ay ka soo baxaan ilaa ay isdhiibaan. Waxaa jiray koox kale oo Rah ah oo taagan dhariinta korkeeda waxayna ku qaylinayeen war meeshu waa khatar ma soo bixi kartaan dib ugu noqda waxayna keentay in mid walba cabsado uu ka baqo in uu ceelka banaanka uga soo baxo. Waxa jiray hal xabo oo Rah ah oo ku dhiiraday in uu soo baxo, banaanka ayuuna yimid, waana loo sacabo tumay, kadib ayay kuwii banaanka joogtay dhaheen sidee ku soo baxday, waxayse ogaadeen in Rahu yahay dhagool, qayladii ay maantoo dhan shubayeena uusan maqlayn.

Waxaan uga goleeyahay kolka aad leedahay hadaf iyo yool marna haka biqin shakhsi gadaashaada ka tuna durbaan oo dhaha iska jir waa dhib, hasamayn IWM oo waa tii la yiri fulayahow guuli kuu dhawaa oo geesinimadu waa in yar oo cagaha dhulka lagu adkeeyo.

Noqo qof qorshe leh oo meeli ucadahay haddii kale waxaad noqonaysaa ninkii reer Bini’israa’iil oo la dhahay waxa Alle kuu aqbalayaa Saddex duco ee ku ducayso. Waxa uu garan waayay meesha uu ka bilaabi lahaa iyo waxa uu dhihi lahaa, gooruu wareersanyahay ayaa waxaa soo agmartay xaaskiisii waa uu eegay mise foolxumaa inta gacmaha kor utaagay buu dhahay Allahayow xaaskayga xuural cayn camal ka dhig. Alle ducadii waa u aqbalay gabadhiina waxay noqotay waxaan la arag oo la maqal.

Inta gabadhii is eegtay bay tidhi ar qurux badanidaa waxaad uqalantaa in aad guursato nin boqor ah ama nin maal qabeen ah. Inta ninkii ku jeesatay tiri ifur haddii kale nabad kuwada joogi mayno.

Qeylo iyo muran badan kadib, ninkii waxa uu yidhi naa anaa Alle kuu baryay in aad xuural cayn noqoto balse  waxaas oo dhan gaashaanka bay ku dhufatay. Inta uu xanaaqay ayuu dhahay Allow islaanta Ey u ekaysii, Alle ducadii waa ka aqbalay halmar ayay Suurad Ey yeelatay. Allaahu Akbar.

Hal mar baa caruurtii qeylo iyo sawaxan isku dareen iyagoo qaylinaya oo ku haya Aabbe waa maxay waxaan? Waan baqaynaa iyo ereyo kale. Ninkii wax uu sameeyo buu garan kari waayay. Ugu dambeyn wuxuu dhahay Allow sideedii hore ku celi, waana laga aqbalay. Saddexdii jaanisna waa kalumay.

Haddaba mar walba oo aad rabto in aad talaabo qaado qorshe yeelo si aad uguulaysato oo u hanato yoolkaaga. Cabsadaa ma guulaysto, ha cabsan guushu waa cagahaaga.

Haddii aad noqoto qof bilaa qorshe ah waxaad la mid noqonaysaa ninkii faqiirka ahaa ee boqorka waydiistay hanti, boqorkiina uu dhahay inta aad socotid oo dhul ah ayaan ku siinayaa. Ninkii faqiirka ahaa waxa uu bilaabay in uu socdo ilaa uu jaray dhul aad ubadan, wuxuuna mar walba niyadiisa siinaysay in uu horay usocdo si uu uhanto dhul aad ubalaadhan uu isagu leeyahay. Waxa uu socdaba waxa uu jaray caro edge iyo dhul aad uweyn, nasiibdarose waa caqday, biyihii iyo sahaydiina waa ka dhammaatay. Ugu dambayna waxa uu udhintay haraad iyo biyo la’aan.

Haddaba waxaan kaaga digayaa in aad saas oo kale noqotid, qorshe cadna yeelato, cabsidana meel laguma gaaree aad meel iska dhigtaan Insha Allaah. Hees ayaa ahayd Inkastoo la raagsado lagu sugo rafaad badan riyadii la dhowraa mar un bay rumowdaa.

 

Fikirkaada Waa Muhiim