Qadartu waa waxkasta oo ka baxsan gacan bini’aadam waana awooda Alle. Qadartuna waxay ka mid tahay iimaanka in aad rumayso wax kasta oo kugu dhaca kheyr iyo shar kuu doono ha ahaadee. Qofka muslimka ah waa mid rumaysan qadarta Eebbe iyo wax kasta oo ku dhaca.

Dhibaatooyinka adduunka ka jira kuwa ugu badan waxay ka jiraan caalamul islaam ama dunida islaamka hadday ahaan lahayd dagaalo, abaaro, gaajo, qaxooti, rafaad iyo silic oo dhan. Iyada oo intaas iyo kabadan oo dhibaato ah ay ka jiraan dunida islaamka haddana arki maysid ama  maqli maysid qof la dhahaayo hebel waxa uu hiifay ama nacay qadarta ku dhacday kadibna waa isdilay? Ama waa isgubay? IWM.

Waddamada reer galbeedka waa meelaha ugu badan ee ay isku dilaan dadka bilaa sabab iyagoo wax walba haysta, hoy, hu’ hunguri iyo hanti. Waxaa lagayaabaa dhib yar oo soo gaartay awgeed in uu isku dilo ama murugo yar uu dareemo in uu isku gubo.

Qofka gaalka ah mahaysto iimaan, mahaysto awood nafeed uu ku xakameeyo ruuxdiisa si uu uga badbaado dil IWM. Ruuxdu haddii aysan haysan iimaan waa adagtahay in ay yeelato awood ay waxkasta isaga caabiso, ugu dulqaadato, uguna kalsoonaato.

Waxa jira qof muslim ah oo ku dhacday musiibo teeda ugu daran, tusaale ahaan wuxuu waayay caruurtiisa, xaaskiisa, qoyskiisa iyo dhammaan hantidiisa isaga oo intaas oo dhib ku dhacday haddana qalbigiisu waa mid saafiya, isma dilin, naftiisana ma goyn, cidna dhibaato uma gaysan. Waxa keliya ee afkiisa ka soo baxaya waa Alxamdullilaah. Allaahu akbar. Ma dhib ka weyn baa jirta in aad qoyskaagii, maalkaagii, reerkaagii kulli aad waydo, haddana aad faraxsantahay oo qadarta kugu dhacday awgeed aadan dhib u arag taas beddelkeedana aad Alle umahadcelisay ku siiyay nimcadaas haddana kaala noqday adigoo lagu imtixaamayo oo la eegaayo samirka aad saburtay iyo in aad rumaysay qadarta Eebbe.

Qofka muslimka ah waa mid awood badan xagga diinta, aadna ugu dabacsan dadka, una naxariis badan, wuxuuna kaga soo canyahay ruuxa aan haysan iimaan uu naftiisa ku xakameeyo. Qofka muslimka ah waxaa awoodaas u yeelaya waa islaamtinimada, waana furaha waxkasta.

Waxaad arkaysaa qof dhahaya ani waxaan ahay ma dhalays, wax caruur ah ma dhalin. Looma baahna qofka muslimka ah in uu ka shalaayo ma dhalaysnimo waayo waxaa lagayaabaa in uu kheyr kugu jiray in aan lagu siin caruur taas beddelkeedana wax kale lagugu beddelay. Tusaale ahaan waxaad haysataa hanti farabadan waa qeyb ka mida nimcooyinka Alle baxsho, caafimaad dhamaystiran, iyo lixda lixaad oo kuu dhan.  Alla yaa ka wanaagsan nimcadaas?

Ma ogtahay in ay jiraan kuwa aan haysan awlaad, xaas, qoys, hanti, lixda lixaad oo aysan u dhamaystirnayn? Haddana waa qanacsanyahay oo iskuma arko in wax buuran ay ka maqanyihiin. Ma murugoonaayo kolkasta aad aragto waa dhoola cadaynayaa, haddii lagu dhaho hebel musiibo ayaa ku haysta? Wuxuu leeyahay musiibo iyo imtixaantoona ima haystaan ee waa qadarta Rabbi, wuxuuna ku jawaabaya Alxamdullilaah.

Haddaba haddii aad maalhaysato, lixda lixaadna aad haysato, caafimaad qabto Alle umahadceli ku siiyay nimcooyinkaas. Waxa aakhiro lagu waydiinaayo waa maalkaaga xagee ka keentay? Xageese ku bixisay? Caafimaad qabkaagii maxaad uga faa’idaysatay? Waqtigaagiina xagee kulumisay?

Haddaba jaanis ayaad haysataa oo ka faa’idayso inta dunida joogto ku bixi maalkaaga meelaha loogu talo galay sida in aad sadaqaysato, ku dhisto masaajid, meelaha cibaadada waxna lagu barto, waddooyinka, sakada oo aad bixiso, dadka baahan oo aad u gargaarto, xajka oo aad aado.

Caafimaadkaagana uga faa’idaysto inta aadan xanuunsan ka hor, cibaadayso mar walba oo Alle bari isagana talo saaro. Caafimaadkuna waa nimcooyinka ugu qaalisan oo aynu haysano, waa in aan uga faa’idaysano sida saxda ah Allena raali kayahay adduun iyo aakhiro aanu ku liibaanayno.

Waqtiga waa shay qaaliya waana lagula xisaabtamayaa maalin aan maanta ahayn waana lagu waydiin, waxaad haysataa waqti kugu filan. Sanadkii waxaad haysataa 12 bilood oo u dhiganta 365 maalmood ayna ku jiraan 8760 saacadood una dhiganta 525600 daqiiqo una dhiganta 31536000 ilbiriqsi.

Miyaysan mudnayn in aan ka faa’idaysano waqtigeena wax ina anfacaya nafteena iyo tan bulshada? Waa tahay waana mid waajib ah oo qof walba saaran in uusan dayicin waqtigiisa ugana faa’idaysto sida ugu saxsan uguna macquulsan.

Muhiimada waxay tahay qof kasta oo muslim ah in uu Alle weyne ku kalsoonaado, adeeco, wixii uu ina amrayna aan raacno, wixii uu ina ka reebayna isaga harno.

Ummadda Nebi Muxamed {NNKH} waa ummadda ugu kheyr badan ummadaha kale waxkalena ma ahan ee waxay is faraan wanaaga, waxayna iska reebaan xumaanta.

Waxay kaloo ku wacanyihiin waa dad iyagoo arag Nebigooda rumeeyay, risaaladii Alle weyne usoodhiibayna sideeda ku qaateen. Waana nimco mudan in had iyo jeer Alle looga mahadcesho. Nimcooyinka waxa ugu kheyr badan waa islaamnimada xaqiiqdii.

Alle waxaan ka baryaynaa in uu xaqa nawaafajiyo, khaatumadeena kheyr inoogu khatimo, xaqana nasolansiiyo isagaa qaadiree. Qofka muslimka ahna in uusan hiifin nolosha uu ku jiro, kuna qanacsanaado waxa uu haysto sabur iyo Alle ka cabsina uga dhigo tiirka kowaad. Guushuna waa in yar oo cagaha dhulka lagu hayo.

 

Fikirkaada Waa Muhiim