Maqaalkan qoraaleed waxa aan ku tibaaxi doonaa hakadkii dhawaan lagu sameeyey madaxdii hore ee dalka Soomaaliya, hakadkaasi oo ahaa safar ay masuuliyiintan doonayeen in ay ku booqdaan fatahaadaha ka jira magaalada Baladweyne.

Waxaa mudo dhowr saacadood ah lagu xanibay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sh. Axmed oo labaduba ah madaxdii dalka soomaray ee 8deedii sano ugu dambeyay xukunka wadanka majaraha u hayay waxaana buuq iyo is jiid-jiid daba dheeraaday ka dib loo fasaxay madaxdan in ay tagaan magaalada Baladweyne hadana inta ay diyaaraddaasi hawada ku jirtay waxaa dhacday in duuliyihii diyaarada waday lagu amray in uu dib usoo laabto sababo markaasi la rabay in looga qanciyo madaxdan kaasoo ahaa in gudaha garoonka magaalada Baladweyne biyo buux dhaafiyeen.

Hadaba waxaa dhacday in duuliyihii diyaarada uu go’aamiyay in uu dib ugu laabto Muqdisho misna waxaa la sheegay in dood ay dhexmartay Xasan Sheekh Maxamuud iyo duuliyihii diyaarada waxaana markii dambo la go’aansaday in diyaaraddu ay si nabad leh kaga degato magaalada Baladweyne.

Sida ay sheegeen dad ku sugnaa garoonka Baladweyne waxa ay xaqiijiyeen in garoonku aysan wax biyo ah lahayn, taasoona labadan masuul u sahashay in ay kulan la qaataan ugaas Khaliif oo ah wax garadka beelaha dega halkaasi.

Xasan Sheikh iyo Shariif ayaa galinkii dambe ee maalinkii Axadda dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana labadan masuul ay shir jiraa’id ku qabteen Muqdisho ayagoo markaasi si kulul kaga hadlay hakadkii lagaga sameeyey duulimaadkii ay ku tagi lahaayeen magaalada Baladweyne ayagoona dowlada federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku tilmaameen in ay tahay mid ku tumaneyso sharciga wadanka.

Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in dowlada hada jirta ay wado nidaam kaligii talisnimo ah asagoona ku sifeeyey in qof walba oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in aanan lagu caburin fikirkiisa siyaasi iyo in aanan laga hor istaagi karin socdaalkiisa uu ku tagi karo gobolada dalkiisa.

Wuxuu kaloo Shariifku ku hanjabay in magaalada Muqdisho dhowr kooxood lagaga adkaaday islamarkaana laga saaray wuxuuna ku daray in dowlada hada jirta ay ka saari doonaan wadanka, markuu intaasi afkiisa ka sii dhamaan waxaa qosol iyo sacab la daba mushleeyey siyaasiyiintii madasha kula sugnayd oo uu ugu weynyahay ex madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Aan u sii guda galo dulucda qormadan taasoo ciwaankeedu yahay “FURSAD RAADIS IYO FUDAYDNIMO”.

Soomaaliya waa dal in ku dhow 30 sanadood la daala dhacayey arrimooyin is biirsaday kuwaasoo maanta lays oran karo in laga soo kabtay, waxaana muuqata intii dowladan hada talada haysa ee Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu xididka u haayey ay gaartay guulo yar yar oo wax ku ool iyo iftiiminba u ah qaranimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed inkastoo dowladani ay la kulantay mucaaradkii ugu darnaa abid taasoo markii dib loogu laabto mucaaradkaasi ay iskugu soo biyo shubanayaan kuwa wax qabadkooda la mahdin iyo kuwa dano shisheeyo u adeegaya.

Dowlada madaxweyne Farmaajo, marar badan waxaa lagu dhaliilaa in ay ku fududaato ficilada qaar ee ay fuliso waxaana taas lagu micneeyey in dowladu ay habka wax u maamushaa uu yahay nidaam hal aragti ah, halkaas aragtina cidii ka hor timaada ay u aqoonsadaan in ay la jaan qaadi karin habka ay wax u maamulaan.

Sidoo kale eedaha ugu badan ee dowladani la kulmeysaa ayaa ah in dowladani aaney dulqaad ahaan u yeelan karin weerarada afka ah ee ay u adeegsadaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Halka siyaasiyiinta mucaaradka ay ahayd dhawaan madal ay ku sheegeen in ay tahay midowga xisbiyada qaran inkastoo isku biirista midowgaasi ay ka muuqato damac weyn oo siyaasiyiintan ay ka qabaan hoggaanka dalka ee la filayo in loo tartamo sanadka 2021ka.

Hadaan dib ugu soo laabto caradii ka dhalatay xanibaadii labada masuul la saaray ka dibna la ogolaaday. Aragtiyan anigu waxaan qabaa in dowladu mararka qaar aysan ku deg-degin fikradaha iyo ficilada gaar ahaaneed sababtoo ah waxaa jirta dhowr oraahyo oo ka hadlaya sal fudeydka iyo degdega dhankan kalana mucaaradka danleyda waxaa jira fursad ay ku raadinayaan marwalba oo ay dowladu fikradeheedu noqdaan mid lid ku ah shaqsiyadooda in ay u sahlanaato duulaan ay ku qaadi karaan madaxda hada talada dalka haysa ayagoo markaasi halkaasi ka muuqato “Aqal dumay aqal dhisan kama naxo” oo la mid ah markii hoggaamintoodii shacabku mahdinin maantana ay arkaan in dadka hoggaaminta wadanka haya ay ka muuqato dadaal iyo in ay nidaam dowladeed wax ku maamulaan.

Ma joogno maantay in aan dib u laabano oo aan dhalinteena u horseedno in dowladnimada hada garbaha lagaga jiro daaqada laga tuuro dowladuna ma’aha in ay awoodeedu u adeegsato dadka diidan aragtideeda oo waxaan ku qeexi karnaa “Dab kulmay iyo duunyo Abeeso dushu ka wada siman”

WAXWALBO OO NABAD LAGU HELI KARO WAA WADA NOOLAANSHO IYO IN LAYSKU IXTIRAAMO ARAGTIYADA IS DIIDAN EE SIYAASADA IYO IN DULQAAD LAYSKU MUUJIYO MAR WALBA OO AY WAX QALDAMAAN.

 

Fikirkaada Waa Muhiim