Waligaa ma aragtay ruux matagaayo dhiigg? Adiga wali ma isku aragtay matag dhiigg. Badanaa dadkeenna Soomaaliyeed waxa aad ku arkaysaa matag dhiigg, haddaba maanta waxa aan gorafeyn doonnaa wax-yaallaha sababo matag dhiigga iyo calaamadaha halista ah ee qofka Qatar galin karo xaladiisa haddii uu heli waayo caawinaad.

Matag dhiigga waxa uu dhacaa badanaa marka ay dhaawac gaaran xubnaha ku jira gudaha jirka (Internal Organ), sidoo kale waxa uu dhacaa marka uu qofka dhaawac ka gaaro Afka markaas uu  ruuxa laqo dhiigg, sidoo kale qof oo qabo san-gorarka waxa uu ku sababa mararka qaar in uu qofka matago dhiigg.

Waxa aan u qeybineynaa Matag dhiig labbo qeybood annagoo u firineeyno midabka dhiigga uu ruuxa matagay:

Qofka dhiigga u matagay haddii uu midab ahaan yahay gaduud madow xigeen ah,taas waxa ay noo tilmaameysaa in uu ka imaaday dhiiggaas Caloosha. Dhinac kale midab ahaan dhiigga la matagay haddii uu noqdo gaduud  ifaayo, taasi waxa ay noo tilmaameysaa in uu ka imaaday dhiigga dhuunta iyo agagaarkeeda.

Maxaa Sababo  In Uu Ruux Dhiigga Matago?

Wax-yaallaha  sababo ruuxa in uu matago dhiigga waa ay badan yihiin waxa aana kamid ah:

  • Xiddida dhuunta oo ku imaado xoqitaan waxa ay keentaa ruuxa in uu matago dhiigg.
  • Dhaawac in uu gaaro dhuunto sababo la xariiro qufac iyo matag waqti badan socday, waxa ay ruuxa ku keeni kartaa in uu matago dhiigga.
  • Daawooyinka qaar waxa ay keenaan ruuxa in uu matago dhiigga marka waqti badan la qaato sida kaniiniga loo yaqaano Aasbiriin.
  • Gaaska oo ah caabuqa ku dhaca caloosha waxa uu ka qeyb qaataa ruuxa in uu matago dhiigg.
  • Caabuqa ku imaaday ganaca(pancreatitis).
  • Cudurada ku dhaca beerka mararka qaar waxa ay keenaan in uu qofka matago dhiigg.
  • Kansarka dhuunta ku dhaca waxa uu keenaa ruuxa in uu matago dhiigga

Qofka dhiigga matagay haddii aad ku aragto calaamadahaan soo socdo fadlan xarun caafimaad meesha kuugu dhow geeyo , waxa ay cadeeynayaa xaaladahaan qofka in uu ku jiro xaalad Qatar ah:

  • Wareer

  • Qofka oo wax walbo oo uu arko la noqdaan labbo labbo(Blurred vision).

  • Qofka oo sida uu neefsanaayeey ay is badasho sida in ay ku yaraato neefashada ama ay badato .

  • Qofka oo isku dhex yaaco.

  • Maqaarka qofka oo qabow noqdo.

  • Qofka oo istaaga ka dhaco.

  • Qofka dhaawac markaa gaaray la matagay dhiigg, taasi waxa ay cadeyneysaa jug xoog leh in uu gaarsiiyeey xubanaha jirka.

  • Qofka oo aad ku aragtay calool xanuun aad u daran.

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim