Noloshu waa halgan aan la garanayn natiijadeeda iyo halkay ku dhammaan doonto, nolosha waa halgan aad yeelankartid hadaf iyo rejo wanaagsan oo ku gaadhsiisa halka aad damacsan tahay.

Noloshu waa halgan horumarkeeda iyo hoos u dhaceeduba aad adigu gacanta ku haysid.

Noloshu waa halgan iyo halkaad is dhigtid.

Haddii aad waddo wanaagsan qaadid waxaad leedahay rejo wanaagsan oo aad arki doontid najiijadeeda, haddii aad waddo qaloocaan qaadidina waa mid aad arki doontid najiijadeeda oo aan farxad gelin cidkasta oo ku jecel.

Markasta ku dedaal inaad qaadid waddo wanaagsan ooo ku geyso meel wanaagsan oo if iyo Aakhiraba ku anfacda.

Noloshu waa halgan aad u halgami doontid nolol aad noolaatid,  aqoon, shaqo, guur, horumar, farxad ka dibna aad guran doontid midho macaan oo farxad geliya cidkasta oo aad la soo wadaagtay ama kula soo rafiiqday.

Sida aanu dab aan xoog badan laheyni aanu waxba u bisleyn karin, rabitaan ama doonis aan xoog badan lahaynina laguma gaadho guul qiimo leh, guul kastoo qiimo leh waxa ka dambeeyey rabitaan xooggan, rabitaanka xooggan lama hor istaagi karo.

Waxa taa kuu caddaynaysa halgamaagii weynaa ee Nelson Mandela waxa uu jeel ku jiray ku dhawaad labaatan sano.

Waxa loo jidh diley loogu cadaawadeeyey wixii uu waday laakiin ugu dambeyntii guushiisii qiimaha lahayd waa gaadhey.

Haddaba shay walba waxa uu leeyahay wax u ah asaas, qufulku waxa uu leeyey fure, guriga waxeynu usameynay albaab laga soo galo lagana baxo, xubnehenna kala duwan ee jidhku mid walba waxey leedahay waxeyna ka maarmi karin sida indhuhu waxey leeyihiin labo baal, dhaguhu waxey leeyihiin timo yar-yar oo ka difaaca waxa soo galaya, sida shay walba u leeyahay waxaanu ka maarmin, innaguna si aan u guuleysanno kama maaranno rabitaan.

Wax wanaagsan ama wax xun qabo waxaad ku qabatay rabitaan adi kaa soo baxay, rabitaan la`aan wax inoo qabsoomayaa ma jiraan, waxay muhiimaddu tahay inaan wanaajinno rabitaankeenna oo uu noqdo mid dhanka togan ah, badankeennu waxaynu sheeganna in aynu leenahay rabitaan haddana inagama muuqdo, inama saameeyo, mana dhaqan galinno.

Maxaa khaldan?

Dhowr qodob ayaa la odhan karaa iyagaa sababey:-

1-Dadka oo neceb isbeddelka: waa cudur ina wada haysta qofkoo aan rabin inuu sameeyo isbeddel , sababna ugu dhigaaya in aanu garaneyn waxa uu la iman doono isbeddelkaasi sheeganayana cudur-daar aan jirin.

2- Rabitaan aan xoog lahayn: qof kasta waxa ku dhex jira rabitaan laakiin ma yahay mid xoogan, mid hore kuu riixaya, mid kaa shaqaysiinya, haddii aanu ahayn intaa aan soo sheegey maaha isbeddelka aynu rabno.

3- Asxaabta qeyb kamid ah: asxaabteenna waxa ay inagu dhiiri galiyaan in aan iyaga la joogno, in noloshaa ay ku jiraan tahay ta ugu wacan, iyo hadallo kale oo dib kuu dhigaya.

Haddaba akhriste qoddobadan iyo kuwa kale oo fara badan oo maskaxdaada ka guuxayaba waa waxa dib inoo riixaya oo rabitaanka xoogan inoo diidaya.

Rabitaanku waa sir aanu qof waliba ogeyn , laakiin haddii aad ogaato kuu sahlaya inaad samayso isbeddel noloshaada wax ka baddala.

Fikirkaada Waa Muhiim