Maxaan ka ognahay saacadaha aan hurudno iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena?

 Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka iyo hurdada?

Waxaan aalaaba maqalnaa in loo baahan yahay hurdo siddeed (8) saacadood ah, habeen kasta. Haddaba halkey taladan ka timid?

 Cilmi baadhis laga sameeyay daafaha caalamka, oo lagu baadhayay sida cudurrada ay ugu dhacaan dadka kala duwan, ayaa la timid gebagebo la mid ah hurdada sideeda saacadood ah.

 Dadka wakhtiga yar hurda iyo kuwa hurdada ku daaha waxay u badan tahay in ay cudurro ku dhacaan. Laakiin ma cadda in hurdada ay tahay waxa sababa cudurrada ama calaamad u tahay sababta xanuunka iyo nolol aan caafimaad lahayn.

Dadka hurdada yar waxaa lagu tilmaamay kuwa hurda in ka yar lix (6) saacadood, halka kuwa hurdada badanna la sheegay in ay hurdaan in ka badan sagaal ama (10) saacadood, habeenkiiba. Caruurta waxaa laga doonayaa in ay hurdaan 11 saacadood habeenkii, maalinta oo dhanna 18 saacadood. Kuwa toban jirada ah waxaa laga doonayaa in ay hurdaa illaa 10 saacadood habeenkii.

Shane O’Mara, oo ku takhasusay cudurada maskaxda ayaa sheegay in ay adag tahay in la sheego in hurdo la’aantaa ay sababto ama calaamad u tahay caafimaad darro, balse ay jiraan xidhiidho ka dhexeeya.

Tusaale ahaan, dadka aan aad u jimicsan waa kuwa faya qabkoodu yaryahay, taas ayaana sababta hurdo xumo, daal badan, iyo wixii la mid ah.

Waxaan ogaanay in hurda la’aanta xun – ee ah hurdada ka yar saacad ama laba saacadood oo muddo sidaa ku socota- waxaa lala xidhiidhiyay caafimaad darro. Ma ahan in aad afar maalmood ahaato hurdo la’aan oo natiijo xumo aad kala kulanto.

2. Maxaa jirkaaga ku dhacaya haddii aadan si fiican u hurdin?

Hurdo xumada waxaa lala xidhiidhiyay cudurro badan oo maskaxda ku dhaca.

Baadhitaan lagu sameeyay 153 ardey oo ka mid ahaa shan milyan oo qof oo ka qeybgalay cilmi baadhista, waxaa laga helay in hurdo yarida ay si aan caadi ahayn xidhiid ula wadaagto cudurka sokorowga ama macaanka, dhiig karka, wadna xanuunka, iyo cayilka (Buurnida). Daraasadda ayaa muujineysa in dadka hurdi waaya dhowr habeen oo isku xigta ay isku arki karaan calaamadaha cudurka macaanka.

 Hurdo yarida ba’an ayaa waxyeeleyso awoodda jirka uu isaga difaaco heerarka sonkorta. Dadka hurda in kayar toddobo (7) saacadood ay u nugul yihiin qabowga, marka loo eego kuwa hurdo illaa sideed saacadood iyo in ka badan.

Sidoo kale hurdo yaraantu waxay dhibaateysaa shaqada maskaxda taas oo sababi karta asaasaq.

3. Waxaan u baahannahay hurdo kala duwan.

Marka aan hurudno waxaan marnaa marxalado kala duwan, marxalad kastaa waxay ku dhammaataa 60 ilbidhqsi illaa 100 daqiiqo.

Marxalad kastaa waxay leedahay door u gaar ah oo la xidhiidha jidhkeena inta aan hurudno. Marxaladda koobaad waa lulmo, waa marxalad soo jeed iyo hurdo, tartiib u neefsasho, jidhkana uu nasto, wadna garaacana uu yaraado.

 Marxaladda labaad waa hurdo khafiif ah – waxaad dareemi kartaa in aad soo jeedo, mararka qaarna wax ma dareemi kartid. Marxaladda seddaxaad waa hurdo qoto dheer. Way adagtahay in aad si fudud uga toosto hurdadan, sababtoo ah waa xilliga jidhkaagu uu sameynayo dhaqdhaqaaqa ugu yar.

4. Dadka xilliyada kala duwan shaqeeya ee hurdada yar aalaaba way xanuunsadaan.

 Dadka xilliyada kala duwan shaqeeya waxaa la sheegaa inay u nugul yihiin cudurro kala duwan. Cilmi baadhayaasha waxay ogaadeen in dadkan ay halis ugu jiraan cudurrada macaanka iyo cayilka.

 Farqi wayn ayaa u dhexeeya dadka sida caadiga ah u shaqeeya iyo kuwa ay is bedbedesho shaqadooda. Hurdo la’aanta waa sababto saameynta ugu wayn ku yeelata dadka shaqada culus qabta.

5. Badankeenu waxaan dareemeynaa hurdo yaraan. Sida beryahan muuqata, dadka waxay qarka u saaran yihiin in aysan hurdinba. Waxaa sii yaraanaya celcelis ahaan saacdaha dadku ay hurdaan.

Baadhitaan lagu sameeyay 15 dal waxaa lagu ogaaday marxalado kala duwan. Lix waxaa ka muuqatay hurdo yaraan, todobo hurdo badni, labada dal ee kalena natiijo isku dhafan.

Cadeymo badan ayaa muujinaya in saacadaha aan hurudno aysan wax badan iska bedelin jiilalkii ugu dambeeyay. Laakiin haddii aad waydiiso in hurdada ay ku yartahay, waxyaabo kala duwan ayaa kuu soo baxaya. Runtii mawduucani waa mawduuc aad udheer laakiin intaas ayaan kusoo koobay.

Fikirkaada Waa Muhiim