Cuntooyinka aan cunno waxa ey isugu jiraan nuucyo kala duwan, sidaas oo ey tahay waxaa jiro cunnooyin haddii aan cunno aan jirkeenna wax nafaqo ah aanan ku tarayn sida Jalaatada ama mac-macaanka. Waxa aan ubbaahannahay in aan ilaalinno cuntooyinka aan cuneyno si aan u noqonno kuwo caafimaadkooda aad uu sarreeyo.

Hadaba si’arrinkaas u hirgalo waa in cunto waliba aan cuneyno ey ka koobnaataa illaa 6 shey

  1. Cuntooyinka tamarta laga helo ee afka qalaad lagu yiraa carbohaydrates cunnooyinkaas oo ey kamid yihiin canjeelada ama laxooxda, rootiga, biriiska iyo baastadaba.

  2. Cuntooyinka borotiinka leh sida hilibka malaayga qukuqnta iyo digirta.

  3. Cunqtooyinka fitimiinka laga helo sida qudaarta cagaaran oo kale

  4. Cuntooyinka macdanta laga helo sida miraha isbaandheeska canbaha babaayga iyo guud ahaan miraha fawaakihda ah.

  5. Dux intabadan jirkeenna duxda badan waxa ey ku keentaa caafimaad darro sidookalena jirka kama maarmo duxda.

  6. Biyaha ugu yaraan maalinkii waa in aan 8 galaas oo biyaha cad ah aan cabnaa si uu jirkeenna u sii ahaado mid leh caafimaad dhammeystiran.

Cunnada Oo Aan Ka Dhigno Mid Dheeli Tiran Maxay Noo Tareysaa?

  • In Jirkeenna muuqaal ahaan uu aad uquruxbadnaado, kana ilaalsamo jajabka IWM.
  • In caafimaadkeenna uu xooganaado.
  • In jirkeenna awood uyeesho iska difaacidda cudurada.
  • Iyo in kabadanbo

Waxa aan ku talineynaa in cunnooyinka la dheelitiro, haddii uu qofka awoodo.

Dhibse malahan haddii uusan qofka heli Karin, dadaalku waa inta aad awooddo.

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim