Qoraaga: Axmed Cali Garas (Maqaloochse)

Buugga SHANDARALEY waa dhigane kooban oo gudbinaya sheeko dhab ah oo dhacday xilligii dawladdii askarta ee Siyaad Barre. Dhab ahaan buuggu waxa looga dheefi karaa dhawr siyood oo Intuba akhriyaha faa’iido buuran u bursidi karaan.

Mar waa sheeko-jacayl aad la qiiroonayso sida caashaqu micno u lahaa waayo hore, iyo saxariirta loo mari jirey si loo dadab-dhigo qoys qorfe-joog ah.

Markale waa carrabjilqiye iyo xusuusiye, Wuxu carrabka ku leylyayaa ereyo gebi ahaanba gabaabsi ku dhow oo dibnuhu illoobeen adeegsigooda, bal intan eeg, «Awrka baarqab waa ina qoton, waa neef laga cawdibilaysto muuqaalkiisa oo sida heego daruur ah, cirka jeex kaa qarinaya. Waa neef marka uu dhoollaha is mariyo sida ciyowga ugaga dhawaajiyamiciyaha.

Haddii uu doobta ridona waxa dhulka ka hinqada haadda iyoshimbiraha, taas oo uu kula baxay naanays caan ah oo la yidhaahdo
goray-kiciye. Awrkii goray kiciye, markii uu geela ku dhex arkay goodaad
ayuu khoof muujiyey oo uu dhoosha ka jiriqsaday, dhibidana dhabarka saaray».

Bal intaas eeg, maxaa kaaga baxay boowe?!

Marna waa casharro dhigan iyo dhito mug leh oo ay tahay inay ka faaideystaan dhalinyaradu.

Inkasta oo aanan ku mammanayn akhriska sheekooyinka ku dhigan far-soomaaliga oo aalaaba u badan kuwo cishqi, haddana wuxu buuggani i jeclaysiiyey inaan fakaag siiyo akhrinta buugagga jaadkan ah, oo ilaalin dhammaysa u ah ereyada soomaaliga badhaxa ah ee aad haysato, kuna xasuusinaya ereyo kale oo aad illowday.

Buuggani wuxu idhex joojiyay meelo dhawra waayo kala duwanna leh, mar wuxu si toos ah ii tusay noloshii awoowyadeen iyo aabbayaasheen nooga sheekayn jireen ee libaaxu tifta ahaa, haddana wuxu idhex keenay hargeysa Xilligii dagaalkii xabashida iyo xaaladdii raafka ee aynu waayeelka ka maqalno aalaaba!

Sow raafkuba kaan maqli jirey maaha, kan aan buugga ka dhex arkay aadbuu uga duwanyahay. Intaas Iguma dayn ee uu haddana wuxu idhex geeyay badhtanka xeryihii tababarka ee Xamar, kuwii kamaandowska iyo noloshii adkayd ee taallay.

Wuxu buuggu huluul yar iga tusay bilowgii jabhaddii SSDF ee uu hoggaankeeda ahaa col: Cabdillaahi yuusuf ee waagaa koonfur kula diriraysay ciidamadii siyaad barre.

Halkaa markaad soo aragto sida aan usoo arkay wuxu buuggu ku tusayaa sida jabuuti looga irdheeyey soomaalida kale ee ilaa xilligaa (dawladdii dhexe) qofka soomaaliga ah ee jabuuti jooga laga soo mastaafurinayay iyadoo aan loo tixgelinayn dhibka eryaya qofka iyo wuxu tabanayo toona. Ninbaa laga hayay karis xun iyadaa ku wax la’. Haye kasoco boowe!

Bilowgii xaqul dirirkii ururkii dhaqdhaqaaqa soomaaliyeed (Somali national movement SNM) ayaa kugu dul bilaabmaya inta aanay dhammaan cashaladdani, waxaad dareemaysaa dulmiga lagu hayay bulshadii rayidka ahayd ee soomaaliyeed siiba Intii woqooyiga ku noolayd, dad loo jidh-dilayo qoon la’aan, loo xidhxidhayo sabab la’aan oo weliba loo qudh jarayo iin la’aan, runtii waa dareen qiiro leh oo laga yaqyaqsoodo! Waxayna ku baraysaa cidhib xumada dulmiye kasta ku danbeeyo, waxayna ku dareensiinaysaa halgankii iyo geylankii lagu helay hadhkan qabow iyo laantan barakaysan -soomaalilaan. Ilaahay ha ilaaliyo.

Ugu danbayn; Waxaad ogaanaysaa sida noloshu giraanta u tahay ee waxaad dadka gashato maalmaha aad roontahay ay kugu soo noqon doonaan maalmo aad rafaadsan tahay oo cidla ciirsila’ aad taagan tahay.

Bal intan buugga ku jirta ila dhugo, «Kornayl Sayruukh, wuxuu ahaa ninkii qalinka ku duugay ee saxeexay xukunkii dilka ahaa ee Balayax iyo saaxiibediisii aan iyagu badbaadin.

Kornayl Sayruukh, wuxuu ahaa ninkii hadana Balayax ka badbaadiyey dilka, isaga oo iska aamusiinaya baroorta ooridiisa, kornayl Sayruukh, markii uu Balayax dilka ka badbaadinayey oohinta Cudbi iskaga jooji mooyee, isma lahayn cid kale ugu xeer dhigo, waayo marna muu filayn, sheekadana kuma darsan waxaad muddan doontaa Balayax. Hadiise maalintaa lagu darilahaa 22-kii nin ee la dilay, maanta Cudbi iyo ninkeedu, may heleen cid-away ugu noqota Dirirdhabe oo way ku qadi lahaayeen.

Balayax, hadii aanu Sukhra qabin ma xil baxeen oo Dirirdhabe cidna kuma
casuumi kareen. »

ALLE koreeye oo weynaaye waaka inna leh:
{ وهل جزاء الإحسان إلّا الإحسان }

Fikirkaada Waa Muhiim