Ugu horayn waa maxay waxbarasho? Ereyga waxbarasho wuxuu ka koobanyahy 10 xaraf wax-waa waxkasta oo lagu tilmaami karo inuu yahay shey, barasho-waa raacid (Daraasayn) waa wax qof uu ku gaadhay go’aan inuu kubixiyo wakhti iyo hanti.

Waxbarashada soomaaliya waxay soo martay heerar (Marxalado) kala duwan taaso ah;

  1. Qofka waxbarta lala yaabo oo la yidhaahdo wuuxuu doonaya inuu gaaloobo!
  2. Wakhti loo mari jirey masaafo (socod dheer) si loo helo qof leh in yaroo cilmiya!
  3. Xilli ay wax baran jireen dadka ladan 《lacagta haysta, dowlada ushaqeeya》
  4. Wakhti dadka marka lasiiyo waxbarasho lacag la’aana (Scholarship) ay yidhahdaan dadkayaga yaan nalaga gaalaysiin!, Weliba waxay ka dhacday gobolo kamida Soomaaliya oo iminka markaad eegtid ay kaaga bidhaamayso halka ay aqoon la’aantu ka marayso.

Afar (4) Su’aalood oo muhima inuu iswaydiiyo qofka waxbaranaya;

  1. Maxaan wax ubaranayaa?
  2. Maxay faa’iido ii leedahay waxbarashadu?
  3. Maxaan dadka Jaahilka ah kaga duwanahy?
  4. Maxaa la ii gelinayaa kharashka iyo Dadaalka intaa le’eg?

Waxaan uhubaa sidaan geeridayda uhubo in qofka su’aalahan uga jawaaba sida saxda ah inuu ka aflaxayo (gungaadhayo) waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisa kusoo foodleh.

Horumarku wuxuu ku xidhanyahy waxbarashada!

Waxa la yidhaahdo horumarka micnihiisu waa shaqo aan dhammaanayn oo weligeed soconaysa, haddii la yidhahdo horumarkii waan dhameynee aan ka nasano wuxuu ku noqon halki aad markii hore kaso ambaqaaday.

Horumarku waa dad ku heshiiyey inay socodsiiyan(hore uwadaan) waxyaabahan hoos ku xusan:

  1. Xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo deegaankooda (Ecology)

  2. Dhaqankooda (Culture)

  3. Dhaqaalaha dalka (Economy) iyo

  4. Siyasada (Political).

Waxyaalahan aan kor kusoo xusay intuba waa waxyaabo la barto oo kamida waxbarashada laguna dhigto macaahida Institutions) iyo jaamacadaha (Universities), dhammaan Afartan waxyaabood waxaa tiir dhexaad u ah oo aanay kamaarmayn waxbarashada, waxabarashada la’aanteed lama socodsiin karo lamana horumarinkaro.

Fikirkaada Waa Muhiim