Noocyada kuwa wax akhriya sida aan ka xiganeyno Sh. Maxamed bin Salih Almunjid waa sadex nooc oo kala ah:

b) Akhriye indhaha uun wax ka akhriya: waa marka akhriyihu uusan dhaqdhaajin xubnaha afka sida carabka iyo faruuryahaba.

t) Mid akhrintiisa ay la socoto nuuxnuuxinta afka: waa marka uu akhriyuhu uu akhriskiisa u adeegsanayo dhaqdhaqaajinta xubnaha afka.

j) Iyo mid ku akhriya la dhawaaqid waxa uu akhrinayo: waa marka akhriyuhu uu la dhawaaqayo lana maqlayo waxa wuu akhrinayo.

 Saddexdaa nooc ee akhristayaasha ah waxaa ugu fiican aqriyaha kowaad maxaa yeelay qaabkaas wuu ka dhakhsiiyo badanyahay labada kale, sidoo kale indhaha unbaa shaqeynaya iyo maskaxda, halka labadakale xubno kale oo jirka ka tirsan la shaqeynayaan.

Haddaan in yar milicsano culumadii islaamka ee hore sida ay ku ahaayeen akhriska waad la yaabi/amakaaki, tusaaale ahaan:

b) Ibnul Qayim Al Jowzi (Alle ha u Naxariistee) wuxuu akhriyey inta uu yaraa 20kun oo kitaab inta uusan caalim noqon,

t) Markii la gubay Maktabadii Ibna Xazam wuxuu yidhi haddii aad gubteen kutubteydii ogaada waan xifdisanahaye.

j) sidoo kale Imam Nawawi (Alle ha u Naxariistee) sadex sano ayuu fadhiyey asagoo akhris uun ku jira.

x) Sidoo akle Imam Bukhari (Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa mid habeenkii soo kaca toban jeer in ka badan, wuxuuna shidan jiray faynuuska/musbaaxa si uu u qoro faa’iido kusoo dhacday, kaddibna wuu damin jiray feynuuska, haddana wuu soo kici jiray wuxuu shidan jiray feynuuskiisii, Wuxuuna qori jiray wixii kusoo dhacay kadibna damin jiray feynuuska, marar badan.

kh) Sidoo kale Ibnu Qayim Al Jawsi (Alle ha u Naxariistee) ayaa wuxu ku sheegayaa kitaabkiisa Rowdatu Almuxibiin “waxaan aqaanaa ayuu yidhi qof qaba Suuxdin (waa cudur uu qofka luminaaya miirkiisa) marka uu soo miiraabo akhriskiisa sii wata, markuu miir doorsoomo kitaabka ayuu ku dhacaa, illaa uu u yimaaddo dhakhtarku kuna yidhaahdo waxa xanuunka kugu sii kordhinaya waa akhriskee iska jooji.

d) Arintaa mid lamida waxay ay qabsatay Sheekh ibnu taymiyah (Alle ha u Naxariistee) isagoo aad u xanuunsanaaya ayuu akhris ku guda jiray, waxaa u yimi dhakhtar wuxuu yidhi Sheekh iska yaree akhriska, beryaahaan iska jooji.

wuxuu Sheekh Ibnu Taymiyah ku jawaabay isaga (akhriska) ayaan caafimaad ku helayaa markaan akhrinayo kutubta ayaan dareemaa caafimaad.

r) Qaar kamida culumada islaamka iyagoo ku maman/jecel akhriska ayey u timi tii Alle (Geeridii), waxaana cadeyn kuugu filan Abu Xaatim(Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa nin akhriya xilliga uu wax cunayo, marka uu musqul aadana dhaha caruurtiisa iisii akhriya, maalinkii adduunka uu ka tagayey asagoo akhrintii gabay oo sakaraadku saaranyahay ayuu amrayey ardeydiisa in ay u akhriyaan isaguna uu dhageysto waxa ay akhrinayaan, si uu ufaa’iideysto ilaa ay nafta ka baxdo, naxariistii alle hasiiyee.

s) Sidoo kale Imam Abuu xaniifa(Alle ha u Naxariistee) isagoo ay heyso Sakaraadka geerida ayuu ardayda kala doodayey/niqaashayey su’aalo Hajka axkaamtiisa ah ilaa ruuxdii sidaa ay kaga baxday.

sh) Waxa kaloo laga sheegay Caqaad (Alle ha u Naxariistee) inuu akhriyey 60kun oo kitaab.

c) Sidoo Kale sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo aad wada garaneysaan Ahna sheekh Soomaaliyeed, waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dadka adduunka ugu akhris ka badan.

Intaas oo dhan iyo kuwo farabadan oo cadeyn kuugu filan, waxay ku tusinaysaa sida ay culumadii hore ay akhriska ku ahaayeen.

Haddaba Umadda islaamka oo lagu magacaabo Umadii Akhriska ayaa inteeda badan aanan waxba akhriyin, waana ayaan darro ku habsatay umadeena, isla markaana og wax akhrisku inuu yahay hab ka mida hababka u kordhiya qofka aqoontiisa, dhaqankiisa, iyo horumar dhan walbaa. Haddaba muhiimadda ay siisay islaamka akhrintu laguma soo koobi karo maqaal kaliya ee waxaan jecleystay inaan inyar ka tilmaamo.

Fikirkaada Waa Muhiim