Qoreyaasha: Saama Qudbi iyo Maxamuud Khaliifa.

Buuggani waa mid ka mid ah kuwii u danbeeyey ee noociisan suuqqa soo gala, muddaba in sagaal sanno ah ayuu akhristayaasha la jaal yahay, tirada bogaggiisu waa laba boqol in ku dhaw, oo ka kooban hordhac iyo shan cutub oo mid kastaba xog badan aad ka xantoobsanayso.

Inta aanad gaadhin mucda iyo miidda ku jirta buugga, waxay labada qore kusii beerayaan akhristaha milgaha iyo muunadda ay baristu leedahay, nusuus sharciya ayaa judhaba lagu soo hordhigayaa! suugaanta carbeed ee barista dhiirisay iyo dhambaallo kooban oo baraha/macallinka kusocdaana kama madhna.

Waxa kamid ah farriimahaas kusocda bareyaasha intan ” inaad bare tahay, waxay ka dhigan tahay inaad tahay farriin-side, waxaad la dhaqmaysaa caqliyo iyo arwaax kala duwan, si aad usoo saarto qof wax garanaya, fekeraya isla markaana wax ufiirsanaya, haddaba si aad ula jeeddadaa uga dhabayso waxa lama huraana inaad noqoto barbaariye edebsan. halkaa ayuuna la dirirka naftu ka bilowmayaa “jihaadu nafsi”.

Si aad u noqoto intaas oodhanna, waa lama-huraan inaad ka bilowdo barista naftaada, laylinteeda iyo edbinteeda ba si aad ugu dallacdo heerka dadka farriin-sideyaasha ah -اصحاب الرسالات-“.

Waad kusii yara durugtay bar-bilowga, inta aanad hordhacii ba ka gudbin, waxaad la ashqaraaraysaa aragtiyaha ay qoraayadu udhigeen sidii ugu wacnayd ee loo dhigi lahaa, taasoo kaa dhigaysa inaad durbadiiba jeclaato wax-dhigidda. Bal eega farriintan kale,

” Walaalkayga/shayda baraha ahoow/eey, waxaad tahay sababta guusha bulshada iyo gaadhista milgaheeda, waxaad tahay cinwaanka horu-kaca umadda, imaamu qaasaali wuxu yidhi”

xaqqa baraha ayaa ka weyn ka labada waalid, waayo labada waalid waxay sabab u yihiin inaad joogto noloshan dhammaanaysa, baruhuna/macallinkuna wuxu sabab u yahay nolosha waaraysa ee aakhiro , markaa aabbaha waxlaga dheefayo ayaa ka mudan ka ku dhalay”. Waxa ay qorayaashu ku xasuusinayaan, in wax-dhigiddu tahay shaqo la rabo qofka gudanayaa inuu si gaar ah ugu diyaar garoobo; sababta oo ah waxay shaqadani la xidhiidhaa aadame la samaynayo oo aayihiisa la toosinayo.

Suubbaneheennii Maxammed NNKH bare ayuu oo waxaaba loo aqoonsanyahay “barihii ugu weynaa”, waa meelaha marag maddoonka ah ee xujada cad u ah xogta uu buuggu ka hadlayo.

Cutubka koobaad waa Astaamaha shakhsiyadeed ee baraha [سِماتُ الشّخْصِيَّة للمُعلِّم].
Cutubkan waxay qorayaashu ku qaadaa-dhigayaan sifaha ay tahay inuu macallinku yeesho.

Sifaha baraha la jecelyahay ayuu ugu horreyn akhristaha ku kedinaya dhaayihiisa, sida aqoon-baadhayaasha reer maraykan daah-fureen waxa macallimiinta ardaydu ka hesho loo qeybinayaa saddex kooxood, waana kuwan; Kooxda koobaad, macallinkaasi waa inuu leeyahay astaamahan:-

  • Ardayda si aad ah u kaalo/caawiyo.
  • Casharka uu gudbinayo si fiican u sharxo.
  • Adeegsadaa tusaalooyin marka uu casharka sharraxayo.

Kooxda labaad iyana waa inuu macallinkaasi leeyahay astaamahan: –
• Inuu yahay mid edeb-san.
• Yahay macallin soo jeeda.
• Inuu fasalka ku faafiyo jawwi kaftan.

Kooxda saddexaad macallinka la jecelyahay astaamahan ayuu leeyahay: –
• Ardaydiisa u tudha.
• Dareema waxay ardaydiisu dareemayaan.
• Wuxu ardaygu dareemaa inuu saaxiibkii yahay.

Diraasado badan oo ay aqoon-baadhayaal kala duwani sameeyeen ayaad ku arkaysaa inta aanad ka gudbin qodobkan; astaamaha macallinka la jecelyahay oo aad moodayso inay qorayaashu aad ugu tiigaaleen oo ay ugu talax-tageen, ayaad hoosta uga odhanaysaa “Baga!”, Alleylehe wuu istaahilaa in lagu tiigaalo oo weliba cutubbo gaar ah iyo buugagba laga qoro -laga ba qorye-.

Diraasadahaa uusoo qaadanayo waxa kamid ah tii Robben, laamson haart iyo kuwo kale. Oo mid kastaaba aragtidiisii iyo natiijadii baadhistiisa kuusoo dhigayo.

Intaa markaad kasii socoto, waxaa kusii xiga sifaha macallinka muslimka ah waxaana ay qorayaashu taxayaan sifooyinkaa kuwanbaa kamid ah: –

1-sifooyin ruuxeed oo akhlaaqeed, sida iimaanka dhabta ah , qiyamka wanaagsan , ka fogaanshaha xumaha oo idil IWM.
2- Sifooyin caqliyeed: sida maskax-badnida iyo kartida xallinta dhibaatooyinka .
3- Sifooyin muuq oo jidheed , sida fayo-qabka iyo qaab-wanaagga (حسن الهيئة).
4- in ula jeedada dhigistu ka tahay macallinka inuu aqoonta gudbiyo ajarna ugu helo. Waaka suubbanuhu yidhi NNKH ” Waar iga gaadhsiiya aayad qudhana ha ahaatee”.

Bogagga ku xiga waxaad ku arkaysaa arrin muhiim ah oo ay tahay in barayaashu ku baraarugsanaadaan, waxa ayna tahay inaadan ardayda uga sheekeyn arrimahaaga shakhsiyeed iyo kuwa qoyskaba. Waxyaabaha baraha laga rabo waxa kamid ah oo uu buuggu xusayaa inuu baruhu ahaado mid dimuqraaddi, fasalka maamuli kara oo leh kartida uu kusoo jiidan karo ardaydiisa.

Gebagabada cutubkan nasteexooyin wax ku oola ayay qorayaashu usoo gudbinayaan barayaasha, waxaana ugu muhiimsan kuwan: –

1- Ka fogow inaad ardayda u bixiso magacyo iyo naanayso ardayda, siiba kuwa duruufaha gaarka ahi heysto, sida gaabnida, dhererka aadka ah, aragtida oo liidata iyo haghagada/gaangida marka uu hadlayo, taasoo keenaysa inay saaxiibbadood ugu yeedhaan, ardaygina dareemo gubasho iyo yaxyax.

2- Ha badsan qosolka mararka aanay habboonayn, waayo falkaasi wuxuu yaraynayaa haybadda baraha, balse wax diidayaa ma jiraan kaftanka gaagaaban ee dhalinaya farxadda iyo qosolka mararka qaar.

3- Sinaba been ha u sheegin, si aanad u waayin rumeysiga ardayda.

Inta uusan dhammaan cutubku, toban talo oo dhaxal gal ah ayaad kusoo afmeeraysaa, waana kuwan.

1- Ciqaabta haku degdegin , balse isku day inaad xal keentid oo aad tirtirto mushkiladda.
2- Ha ciqaabin ardayga adigoon haynin wax cad oo la xusi karo.
3- Haku adkayn ardayga inuu gartiisa dhiibto, waxay ubadan tahay inuu been sheego’e.
4- Ardayga xiisadda haka saarin adigoo ciqaab uga dhigaya, waxa maangal ah inuu ardaygu iskaba daayo xiisaddaada.
5- Haku degdegin ciqaabta jidheed marka ay ka fursan weydo mooye’e, carabtu waxay ku maahmaahdaa ” Aakhiru dawaa’i al kayyu” , oo ka dhigan marka u danbeysa ayuunbaa dabka wax lagu daaweeyaa.
6- Wajiga haka dilin ardayga, waayo waa xaaraan.
7- Ha caytamin, si aanad ugu muuqan shakhsiyad taag daran.
8- Fasalka oo idil haku ciqaabin danbiga ay badhkood faleen.
9- Ha u hanjabin maamulka marka ay lama-huraan noqoto mooyee.

10- Haku ciqaabin waxyaabaha yaryar.

Fikirkaada Waa Muhiim