Laga soo bilaabo yaraanteydii, waxa aan ku fakeri jiray goorma ayaad tagi doontaa Muqdisho?

Caasumadda Soomaaliya, Muqdisho inkasta oo qalalaasihii ka bilowdey maalintii u danbeysay sanadkii 1990-kii uu illaa iyo hadda raadkiisii jiro hadana qofkasta oo aan booqan, waxa uu jecelyahay inuu maalin uun tago.

Waa caasumaddii waddanka, waa magaalo soo martay ilbaxnimo iyo maamullo kala duwan illaa iyo waqtigii la aasaasey, illaa hadana raadad la taaban karo leh. Waa magaalo leh cimilo aad u wanaagsan, waa goob ay isugu yimaadeen Soomaali meel ay joogtaba.

Bilowgii 1991 ayaa laga kala cararey, haddana waxa ay u egtahay magaalo soo kabaneysa. Muqdisho waxa ay ku taalaa bartamaha Soomaaliya, dhinac koonfur bay u yara durugsan tahay, waxa ayna kaabida ku heysaa magaalada Afgooyo ee uu maro wabiga Shabeelle.

Dhammaadkii 2016ka ayey ii soorta gashey in aan safar ku tago Muqdisho. Si kastaba ay ahaataba waxa aan niyadda ku hayey magaalo rifrifan oo burbursan kana daashey dagaallo iyo rabshado aan dhammaad lahayn.

Digirtaan yaryar ee sawirka kaaga muuqdo ayaa salbuko la yiraahdaa. Aqristoow wali horey ma u cuntay digirtaan?

Hargeysa baan diyaarad ka soo raacay, ka dibna waxa aan ka soo dagey garoonka diyaaradaha ee aadan Cabdille, waxaa isoo dhaweeyey saaxiibkey Maxamed Yaasiin. Waxa uu i geeyey xaafad ku taal degmada Waaberi. Habaynkii anaga oo joogna xaafadda, saaxiibkey Maxamed, waxa uu igu yiri “Salbuko ma cuneysaa” waxa aan ku iri “saaxiib salbuko waa maxay?”

Waxa uu igu yiri “isaga oo qoslaya ogna in aanan aqoon Salbuko “waa digir yaryar”, waxa ay ahayd wax cusub oo aan bartay.

Waxa aan dhex imid bulsho la mid taan ka soo tagey, qof kasta noloshiisa ayaa uu iska wataa. Waa magaalo iska faaftey oo aan iyaduba isgoyn waxa gadiga kale ka socda. Runtii waxa ay ahayd magaalo ka duwan saan u maleynayey, inta aan safarka ahaa cabsi baan dareemayey hase ahaateen markii aan dhex tagey bulshadii iyaga oo kale baan noqdey.

Maalintii ku xigtay, waxa aan booqdey xeebta Liido, waxa ay ahayd maalin khamiisaad, dad badan oo dhowr kun lagu hilaadin karo baa halkaas joogey. Waxyaabihii iila yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa, waddooyin waawayn oo halbowle u ah bulshada iyo gaadiidkaba oo ay xirteen safaarado, degmaada Cabdicasis, waxa aan dheehdey safaarado badan oo jidgooyo ku sameeyey waddooyin halbowle ah sida safaaradda Turkiga, iskasta oo ay amni dartiis u xirteen hadana xaq umalaha in ay bulshada jidgooyaan.

Waxa aan booqdey istibitaalkii loo aqoonjiray Digfeer oo loo dhisay, loona haagijiyey si heer sare leh.

Markii aan lix degmo oo Xamar ka mid ah booqdey (Waaberi, Xamar jajab, Xamarwayne, Shangaani, Cabdicasiis iyo Hodan), maalin anaga oo fadhina maqaaxi dhinaca qorax ka soo baxa kaga beegan waddada Maka-almukarama, waxa aan maqley gaari PL ah oo Kirishboygii leeyahay Afgooye Afgooye, waxaa igu soo dhacay dhul qurux badan oo beeraley iyo wabi qaro wayn oo aan ka maqli jiray aabahay iyo dad kale oo xiligii dowladdii dhexe joogey dhulkaan, sawiro iyo muuqaallo aan ka dheehday warbaahinayada.

Saaxiibadey ayaa aan weydiiyey, sababta gaariga PL-ka ah uu magaale kale u yaboohinayo in dadku aadaan. Waxa ay iisheegeen in gaarigaan gaarayo Afgooyo, waxa aan majeertay in aan soo arko goobo muddo badan aan xogtooda dhag-maal ka ahaa.

Waxa aan talo ku goosaney in aan maantay halkaas waqti ku soo qaadano. Waxa aan raacney gaarigii, goortii aan magalada ka sii baxayno, waxa aan galney goob kale oo deegaan ah dhismayaal badana ka dhisan yihiin, laamigana waxaa kaabiga ku hayey bakhaaro waawayn, waxaa la iisheegay halkaas in ay tahay Ceelasha Biyaha, waxbadan ayaan maqlay Ceelashabiyaha laakiin waxaa ii sawirnaa goob qaxootiyeed oo ay adag tahay in ay nolol ka suurto gasho, goob ay isugu yimaadeen bulsho soo qaxdey oo waabab tiro beel ah laga yagleelay balse maanta sawir kale baan dheehday.

Gaarigii aan saarnayn inyar buu dhex istaagey Ceelasha Biyaha, aniga oo daaqadda madaxa kala baxay, waxa aan arkey haweeney sidda biyo yaryar oo qabow, inta soo jeediyey baan weydiiyey, “intee weeye” waxa ay iigu jawaab celisay “Ceelasha Biyaha waaye”, waan yaabay, aniga oo yaaban rabana inaan su’aasha u badalo, ayaa qof dumar ah oo iga danbaysay, tiri “biyuhu meeqa waaye ayuu ka wadaa”.

Su’aashaydu ma dhamays tirnayn inkasta oo Afguri kayagu kala duwanaa, laakiin anigu meeshaan ka imid sidaas baa leygu fahmayey!

Safar muddo yar qaatay ka dib, waxa aan caga dhiganay magaalada Afgooye, sida magaceedu u dheer yahay uma wayna laakiin waa goob u qaabeysan si cajiib ah, wabiga ayaa bartanka ku dhufta, waxyaabaha aan la yaabay, waxaa ka mid ahaa, beero waawayn oo magaalada ku gadaaman, mooskii sagaalka kun Gaalkacyo ka ahaa oo aad xirmo (gacan) dhan lacag yar siisaneyso iyo qudaar kale oo aan qayb magacooda garanwaayeyba. Baar baan galney oo ka qadeyney, ka dibna waxa aan u huleelney dhinaca wabiga Shabeelle, waa maalintii iigu horeysay ee aan indho saaro wabi.

Webiga Afgooye. Waa mid kamid ah webiyada ugu quruxda badan Soomaaliya.

Niyaddeyda wax kale baa ku sawirnaa illeen wabi waa tog yara wayn.

Xaruntii dowladda hoose ee magaalada, shalay oo kale ayaa la weeraray oo hilfaha loo qaadey, magaalada dhexdeeda qayb dhan ayaa dayd wayn ku gadaaman yahay oo aan macnaheeda fahmi waayey, waxa aan arkey beer wayn oo dayd dhagax ah ku teedsan yahay, dhinaca horena waxaa ku quran in Imaaraatka laga leeyahay.

Wabiga dhinacyadiisa waxaa ku hareeraysan dhir waawayn oo ku gandooda wabiga iyo hareerihiisa, qayb dhan oo wabiga ka mid ah waxaa ka qariyey dhirta baalka dhigatay, waxaa aan tagney oo sawiro ku galney buundada wabiga ee baabuurta iyo dadku maraan.

Fikirkaada Waa Muhiim