Kalsoonidaradu waxay dhaawacdaa aragtidaada, aqoontaada iyo meheraddaada nolosha. Waxay saameyn ba’an ku reebtaa xidhiidhkaga bulsho.

Buuggaan waxaa qoray Axmed Cabdi Qurbaawi. Indho Habeenno waa buug ka hadlaayo dhiirogelinta nafta iyo dhisida kalsoonida nafta. Qoraaga buuggaan qoray waxaad kala xariiri kartaa lambarkaan ama WhatsApp-kaan +91 96522 04611

U istaag Naftaadda

Haddii dareenkaaga kalsooninimo hooseeyo ma ahan mid aad ku dhalatay adigu waxaad ka dhaxashay bulshada iyo deegaanka aad ku barbaartey. Waa marxalad qof walba oo maanta la mahadiyo soo marey.

Wax ka qabashada dhibaatooyinka kalsoonidaradu sababto waa hawl adiga kuu taal, in aad ka kortana ay sandule kugu tahay. Anigu waxaan kula wadaagayaa qoddobo biyo kama dhibcaan ah, fudud oo aad sameyn karto si aad kor ugu qaaddo kalsoonidaada isla markaana aad u wanaajiso caafimaadkaaga maskaxda.

Waxaan xiganayaa buugga “Indho Habeenno”, war-baahiyaha iyo tiro buug ah laga qorey dhibaatooyinka ku saabsan kalsoonidarada. Waxaan gudinta la dultagayanaa sababaha ugu badan ee keena is-tixgelin la’aanta naftaada iyo sida looga gudbi karo.

 

8 qodob oo fure u ah kalsoonidarada

  1. Naftaada neceb tahay

In kasta oo ay jiraan wakhtiyo aan dhammaanteen neceb nahay cidda aannu nahay; anigu sidee u necebaan karaa nafteyda?! Haah, waa naceb tahay waayo necaybka fikradahaaga iyo ficilladaadu waa astaan lagu garato kalsoonidarada.

Is-necaybka nafta waxaa lagu gartaa dareenka xanaaqa iyo jahwareerka ku saabsan oo aad sixi la’dahay qofka aad tahay iyo awood la’aanta ku haysa heer aad iska cafin kariwayso xitaa khaladaadka yar yar ee kaa dhacay.

Waxaad wali iska riman tahay khalad aad gashay shan jirkaagii! Waxaad wali u xanaaqsan tahay waalidkaa oo dhintay! Waxaad wali faruur yahay qaniintaa toddobo sanno ka hor hadal uu ninkaagu/gabadhaadu ama saxiibkaaba kugu yidhi! Intaas iyo in ka badanba waxay muujinayaan is-necaybka naftaada.

 

Siddee is-necaybka naftayda ugu rogi karaa is-jecayl?

Beddel wadahadalkaaga gudaha. Iskula hadal adigu erayo togan oo nadiif ka ah is-dhaleeceyn iyo hanfar. Dhaleeceynta gudahaaga waxay sii hurineysaa is-necaybka naftaada, sidaa darteed tallaabada koowaad waa in aad cod badhax tiran ku tiraahaa naftaada” haah waan u qalmaa”, ma jirto sabab aan ugu cadhoodo nafteyda”, anigu markaan aniga raali galiyo ayaa dadku iyo Eebbe raali iga noqonayaan”. Adigu madaxa isku rux oo isku garaab. Isa siih adigu su’aalah iyo jawaabaha.

Waa maxay sababta aad u dhaleecayso naftaada?

Ka cafi naftaada khaladaadkaaga ma jiro qof weligiis wanaagsanaada ama wanaag loo abuurey un. Khaladaadkagu kaama dhigayaan qof xun, toobada iyo istiqfaarku Eebbe macano uma sameeyeen haddaadan khaldamin adigu. Eebbe dantu waxay ugu jirtaa in aad khadanto oo u toobad keento. Sidee marka naftaada ugu dhaleeceysaa gafka yar ee ka dhacay?

Isku jawaab adigu.

Ka hortag fikradaha xun ee kuu sheegaya in naftaada Shaydaan ku adeegto ayna mudan tahay in lala diriro. Waxaa tahay qof nool oo dareenkiisa iyo waqtigiisu xaadir yihiin, waa laga soo gudbay xilli aad marti uga noqtid naftaada cid kale.

Ha ka baqin in aad dib u qorto noloshaada. Waa noloshaadii, cidna marti ugama noqon kartid naftaada.

 

  1. Waxaad ku dadaashaa in aad noqoto qof qumman mar walba

Kaamilnimadu waa mid ka mid ah dhinacyada ugu xun ee sababa is-hoosaysiinta naftaada. Qumanaantu waa qof ku nool dareen taban mar walba. Marna ma dareemo wanaag iyo rajo wanaagsan. Uma rajeeyo naftiisa badhaadho iyo nolol cosob leh.

Ma jiro dunida qof dhamaystiran, adigu malaa’ig ma tihid sidee ku fikirtay in aad qumanaato mar walba? Isku jawaab adigu.

 

Sidda loola dagaallamo kaamilnimada

U samee naftaada filasho macquul ah. Si taxaddar leh uga fikir sida ugu macquulsan oo loo maareyn karo himilooyinkaaga nolosha. Adigu sida kugu wanaagsan u dhowrsanow dhan walba. Waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeya ku guuldareysiga wax aad qabatid iyo in aad qof ahaan ku guuldaraysato.

Ha isku khaldin labadaas. Dadku inta badan waxay guuldareytaan qof ahaan in ka badan intay ku guuldaraystaan waxay qabanayaan. Xasuusnow si guud in aanu jirin qof kaamil ah.

 

  1. Naceybka jirkaaga

Muuqaalka jirka ee taban wuxuu badanaa xidhiidh la leeyahay isku-kalsooni la’aanta naftaada. Ahmed ahaan waxaa jirey xilli aan muuqaalkeyga dadka kala gaban jirey. Tan macnaheedu ma ahan in aad foolxun tahay ama qurux badan tahay. Immisa qof oo qurux badan baa ku dhiban ka hor hadalka dadka?

Muuqaalka jirkaagu wuxuu saameyn xoog leh ku reebaa kalsoonidaada. Aamin jirkaaga iyo caafimaadkaaga. Marna ha ka shakin buurniaada, dhuubnidaada, madowgaaga, cadaankaga iyo si walba oo Eebbe u naqshadeeyey jirkaaga. Sirtu waa caafimaadka.

 

Sida loo jeclaado jirkaaga

Iska ilaali in aad naftaada barbar dhigto dadka kale. Isbarbar dhiggu waa tuug u nool in uu xaddo farxadaada. Wuxuu kuu horseedaa nabadgelyo darro. Aqbal in qof walbaa ka duwan yahay kan kale. Adigu Ahmed ma tihid, Ahmedna adiga ma noqon karo. Xasuusnow halka ay awoodaadu jiifto.

Wanaaji caafimadkaga, cun cunto caafimaad qabta iyo nidaam jimicsi. Jimicsigu kaama dhigayo kaliya in aad dareento awood jir ahaaneed, laakiin wuxuu sidoo kale kuu horseedaa siideynta hoormoonada welwelka, walbahaarka leh. Ka taxadar muuqaalkaaga.

Dadka leh muuqaalka jirka ee liita ayaa inta badan u nugul kalsoonidarada iyagoo aamminsan in ay san jirin wax micno ah oo ay leeyihiin. Samee saddex waxyaabood oo aad ku wanaajineyso jirkaaga. Adiga ayaa iga badiya hormarka naftaada.

 

  1. Waxaad aamisan tahay in aadan waxba ku soo kordhin karin naftaada, dadkaaga iyo deegaankaga

 

Waxaan dhamaanteen shaki ka qabnaa awooddeena. Waxaan liidnaa qeybo kamid ah nolosheena. In aad isku aragto wax-matare laga tagay waxaa ka imaanaya dareen qoto dheer oo aan qiimo laheyn. Waxaad imaaneysa in aanu aamino in aan ka qiimo liidano dadka kale.

Haddii tani tahay mushkilad aad la dhutineyso, waxaa muhiim ah in aad fahamto in ay san jirin sabab dadka kale aad uga liidato. Way kaa lacag badnaan karaan, waase gaari kartaa heerkooda. Way kaa aqoon badan karaan, waase kordhin kartaa aqoontaada.

Way kaa fursad badan karaan, laakiin waa abuuri kartaa noloshaada. Way kugu jees jeesi karaa, ku xaman karaan, kugu qosli karaan, laakiin kaama joojin karaa hadafyadaada nolosha. Adiga un baa isku haya guusha iyo guuldarada. Miyaadan mudneyn nolosha aad rabto in aad ku noolaato? Isku kawaab adigu.

 

Sida aad kalsooni ugu qabi karayso awoodahaaga tiro beelka ah.

Aqbal in aan dhamaanteen la nimid waxba ee wax walba baraney kolkaan uunka nimid. xirfadaheena gaarka ah, hantideena iyo magaceena intaba waxaan ugu nimid dhulka.

Barbaarinta nafta waa lagu kala horeyn karaa iyo magaca, laakiin ma jirto qolo gaar ah oo guushu iyo magacu u xidh xidhan yihiin.

Waad istaahishaa nolol kasta oo aad ku riyooto. Jooji in aad ka fikirto in kuwa kale ay kaa fiican yihiin. Ha kallifin adiga naftaada ma jirto cid kaa fiican. isku-kalsoonaanta ayaa ah furaha waxaad rabto nolosha.

 

  1. Waxaad tahay qof damac badan

Damacaaga badan waa mid ka mid ah dhinacyada ugu xanuunka badan kalsoonidarada. Wixii macquul u ah shaqsi kale marmar badan baysan adiga suurtagal kuu ahayn. Ha ku lumin tamar, sugo waqtigaaga waxaad gaari doontaa birito.

 

Sida loo yareeyo damacaaga badan

Ku qanac korintaankaga maalin laha ah iyo hadafkaaga. Joogteeh oo hormari xirfadahaaga inta aadan go’aansan u hanqal taaga waxa dadka kale haysto ee aadan haysan fiiri kuwa kaa tabar liita adiga oo ku riyoonaya noloshaad hiifeyso adigu. Xerada aad geediga u tahay ayaa mar walba ka hodan san halka aad joogto maanta.

 

  1. Waxaad tahay mid cabsi iyo welwel la nool

Cabsida iyo aaminaadarada naftaada aad ka qabto waxay abuuraan is-aamin waaga naftaada. In aad awood u leedahay wax ka badalka dunidaada hoose ayaa ah furaha aad ku khaarajin karto cabsida iyo welwelka.

 

Sida loola dagaallamo walaaca iyo cabsida

Kala sooc cabsida dhabta ah iyo mid aan sal iyo raad toona lahayn ee aad adigu taswiiratey. In aad biro subax lug ka jabi doonto ama wax xun kugu dhici doonaan waa cabsi aan jirin ee aad aamintay adigu. Sideeba cabsidu waxay jirtaa marka aad qirto in ay jirto adigu.Tusaale, waxaad dareemi kartaa in ay macno darro tahay in aad ka cabsato wax aan jirin.

Sidee bay run u tahay in aad biri subax lug ka jabi doonto? Isku jawaab adigu. Dhis kalsoonidaada adigoo wajahaya cabsida. Habka ugu wacan ee cabsida looga takhalusaah waa in aad wajahdo waxaad ka cabsooneyso ilaa ay ka noqonayaan wax aan mar danbe ku cabsi galin.

 

  1. Had iyo jeer waad xanaaqdaa

Cadhadu waa caadifad caadi ah basharka oo dhan, laakiin waa mid ku badan dadka aan kalsoonida buuxda ku qabin naftooda. Markaad naftaada, fikradahaaga iyo qofnimadaada isku kalsoon tahay waxaad bilaabeysaa caadada hayinnimada. Waxaad awoodeysaa in fikradahaaga iyo dareenkaaga aad adigu u maamusho sidaad rabto.

Xanaaqa iyo cadhadu waxay ka dhashaan kalsooni daro aad ka qabto naftaada iyo fikradahaaga.

 

Sida loo abuuro jawi xasiloon

Mid ka mid ah qaababka ugu wanaagsan ee looga hortago xanaaqa ayaa ah in aad aqabasho naftaada iyo khaldkaaga. Haddii aad khadan tahay waajib uma lihid in aad xanaaqdo, haddiise aad saxan tahay uma baahnid in aad saxnaanshahaahaga ku xiiqdo.

Naftaada bar dhagaysiga dadka kale. Dhagayso in ka badan intaad hadasho. Waxaad ogtahay waad ogtahay waxaad u baahan tahay in aad ogaato waa wax aadan ogayn hadda.

 

  1. Waxaad tahay mid dadka raaligaliya

Qodobkaan waxaan uga hadalay dhiganaheenii hore “Saddex Siyaabood Oo Noloshaada Burburin Kara Iyo Sagaal Dariiqo Oo Looga Hor Tagi Karo”. Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee kalsoonidarada keenna. Waa in aad dareento in aad tahay mid farxad isku haya isagu, is- jeclaado isagu, is-xushmeeya isagu, isku haya guusha isagu, iskuna saxiixa guusha isagu.

 

Sida loo raaligaliyo naftaada

Bar carabkaaga in uu karo “maya”. Qiimayntaadu kuma xidhna oggolaanshaha dadka kale – dadku waxay kugu jecel yihiin qofka aad tahay, maahan waxaad u sameyso in ay kugu jecel yihiin. Noqo mid is-ah mararka qaarkood. Waxaan ula jeeda mid ka fikira baahiyihiisa dhabta ah iyo isbadaladuu samaynayo. Dadka isku kalsooni farxad kama raadiyaan raaligalinta dadka kale.

Xad u yeel dareemadda taban iyo fikradaha kaga imaanaya asxaabta iyo qoyskaga oo aad shakhsi ahaan dareemayso in aan la aqbali karin. Bilow in aad xad u yeeli kartid naftaada doorashadaadana aad masuul ka tahay adigu. Xor baad u tahay wax aad samayn doontid; dadku talo waa ku siin karaan go’aanka’se kulama wadaagi karaan.

Ma garan karo talo ka qiimo badan oo aan kula wadaagi lahaa. Mahadsanid.

Fikirkaada Waa Muhiim