1940-kii mid ka mid ah boqortooyooyinkii caalamka ugu xoogga badnaa waxaa ka guuleystay shaqsi xidhan dharka caadiga ee dhaqanka u ahaa dalkaasi. Ninkaasi waa Mohandas Karamchand Gandhi oo loo yaqaanno Mahtama uu micnaheedu yahaa ‘Ninki maskaxda badnaa’.

Xilligaasi Hindiya waxay ka mid ahayd dalalka ay guumeysato boqortooyada Ingiriiska.

Gandhi oo ah xubin siyaasadda u ololeeya, wuxuu u soo dagaallamay xuriiyadda Hindiya iyo sidi dalka Hindiya looga xoreyn lahaa Gumeysiga Britain, iyo iney dadka saboolka ee dalkaasi ay xuquuqdooda helaan.

Iyada oo ay hadda ku beegantahay sanad guuradi 150-aad ee dhalashadiisa ka soo wareegtay dalka Hindiyana Arbacada looga dabbaadagayo waxaan eegeynaa 8 arrimood oo muhiim ah oo noolasha Gandhi xiriir la leh.

1. Caannimada u ku dhashay

Mahtama Gandhi taariikhdu markay ahayd 2-da October ayuu ku dhashay gobolka Porbandar oo ku taallo waqooyiga-galbeed ee Hindiya. Waaliddiintiisuna waxay ahaayeen kuwa caan ah, aabbihiina wuxuu xilligaasi ahaa wasiirka gobolka Porbandar.

Hooyadiina waxay ahayd mid sumcad weyn ku lahayd bulshada Hinduuga dhhexdeeda, waxayna ku soo tarbiyeysay akhlaaq, edeb iyo dulqaad isla-markaana uu ku noolaado noolal iska caadi ah.

2. Ka maqnaashaha Geerida aabbihii

Gandhi marki ay da’diisu ahayd 13 jir wuxuu guursaday gabar lagu magacaabo Kasturba oo ay isku deegaan yihiin da’deeduna ahayd 14 jir. Dhalinyaranimadiisina wuxuu si weyn uga horiman jiray diinta hinduuga mayalka adag ee ay waaliddiintiisu haystaan, isaga oo weliba waxyaaba ay diintoodu aaminsaneen sameeynayey sida inuu hilib cuno, iwm.

“Waxaan galay dembi, laakiin ilaahay naxariistiisa xad dhaafka ah ayaa ilaalinaysa naftayda” ayuu marki dambana qoray.

Aabbahii marka ay geerida ku soo xaadirtay wuxuu isagu ku maqnaa xaaskiisa, wuxuuna sidaa kaga maqnaa daqiiqadihi ugu dambeeyey noolasha aabbahii. Taariikh noololeedkiisa badanaa marka la akhrinayo waxa laga soo qaataa hadal uu yiri: “Waxaan dareemaa inaan ahay qof ceebeysan murug badanna waan dareemayaa, qolki uu aabbahay ku jiray ayaan orod ku galay, balse aabbahay xilligaa waa uu dhintay.”

Xaaska Gandhi marki ay uureysatay oo ay ilmihi ugu horreyey ay dhashay uu markiba ka dhintay, ayuu Gandhi u arkay dhimashada ilmahiisa tahay mid uu rabbi kaga aar goosanayo maqnaashaha uu ka maqnaa geerida aabbihii.

4. Ballanta uu u qaaday inuu keligii noolaado

Gandhi iyo Xaaskiisa Kasturba, 1915-kii

Isaga oo London ka dhiganaya culuunta sharciga, Gandhi wuxuu la kulmay xubno ka tirsan bulsha diinta Hinduuga ku adag, waxay ku dhiirrageliyeen inuu aad uu ugu soo dhawaado diinta Hinduuga waxay ayna ku dhiirrageliyeen gaar ahaanna kitaabkooda Bhagavad Gita ee ay aaminsan yihiin.

Wuxuuna marki dambe sheegay inuu aad uga helay buugaagta qadiimka ee Hindiya.

Wuxuuna aad uu u jecleystay habka Hinduuga, wuxuu sida oo kale uu billaabay inuu diimaha kale uu ku dhawaado si uu u fahmo.

 

5. La dagaallanka midab takoorka Konfur Afrika

Mahtama Gandhi marka uu soo qalin jabiyey, wuxuu ku laabtay dalka Hindiya si uu culuunta sharciga uu soo bartay uu ugu shaqeeyo. Balse kiiski ugu horreyey oo uu gacanta ku qabtay waa uu ku guul darreystay waxaana sidaa looga eryey xafiis ay dowladda britain lahayd oo uu ka shaqeynayey.

Gandhi isaga oo hoos iisu dhigayo, wuxuu oggolaaday shaqa uu ka helay Koonfur Afrika wuxuuna u dhoofay April 1893, muddo 21 sana ayuuna dalkaasi ka shaqeynayey. Marka uu dalka Hindiya uu ka safrayey waxaa laga reebay tareen uu rabay inuu safarkiisa u adeegsado midabkiisa Hindiga awgii.

Gandhi oo sharci yaqaannimo ugu shaqeeynaya Koonfur Afrika

Isaga oo la yaabban sida loola dhaqmo dadka Hindiya u dhashay ee dalkaasi martida ku ah, wuxuu sameeyay Golaha Kongareeska Hindiya ee Natal si ay ula dagaallamaan midab takoorka lagu hayo dadka Hindiga oo ay u sameeyaan mudaaharaadyo nabadeed oo aan rabshado wata.

Waxaana loo taxaabay xabsi isaga oo lagu eedeeyey inuu abaabulay shaqa joojin looga soo horjeedo canshuurta lagu soo rogay dadka asal ahaan Hindiya ka soo jeeda, Britain waxay ku qasbanaadeen iney canshuurta ka noqdaan Gandhina xabsiga laga sii daayo.

Warka ku saabsan guusha uu Gandhi gaaray ayaa noqday mid dalka England si weyn looga hadal hayo isaga oo noqday nin caalamka magac iyo sumcadba ku yeeshay.

6. Waxaa lagu soo dacweeyey inuu hadalla xanaf leh jeediyey

Gandhi wuxuu ku laabtay dalka Hindiya wuxuuna halkaasi uu ka billaabay halgan nabadeed oo ku addan sidi uu Hindiya uu cadawga uga xoreyn lahaa, xilligaasi oo ku beegneed xasuuqi ka dhacay magaalada ay barakeystaan bulshada Siikha xasuuqaasi oo 400 oo qof lagu dilay 1300 oo qof oo kalana lagu dhaawacay.

Baaqyada uu shacabka Hindiya uu ugu yeeray iney kacdoonno nabadeed ay sameeyaan waxaa si weyn ula dhacay oo ka jawaabay shacabka Hindiya qaybahiisa kala duwan diintey doonaanba ha aaminsanaadaane.

Gandhi marki xabsiga laga sii daayey kaddib cuntada ayuu ka soomay

Wuxuuna shacabka ku dhiirageliyey isla-markaana uu shacabka Hindiya ugu baaqay inay u hoggaansamin shuruucda Britain ayna iibsanin waxsoo saarka dalka Britain.

Dowladda Britain oo tallaabbooyinka uu qaaday Gandhi ka cadhootay jawaabna uga dhigeyso ayaa xabsiga u taxaabtay Gandhi wuxuuna xirnaa muddo laba sana ah.

Guumeystaha Britain wuxuu 1870 uu soo saaray sharci adag oo ujeedkiisu ahaa inuu kaga hortago dhaqdhaqaaqyada gumeysi-diidka ee socda.”Sharcigan waxaa loo diyaariyey in lagu hor istaago xorriyadda muwaaddiniinta” ayuu yiri Gandhi mar uu sharcigaasi ka hadlayey.

Sharcigaasi ciqaabta oo ah mid ilaa iyo hadda ka jira Hindiya waxay dowladdu u adeegsataa iney dhalinyarada, wariyeyaasha, aqoonyahannada, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo dadka dhaleeceeya dowladda.

7. Wadahadalladi guuldarrada ku dhamaaday

1931-kii Gandhi wuxuu u safray London si uu uga qayb galo wadahadal miiska la isugu imanayey isaga oo matalaya golaha qaranka Hindiya (INC) oo xornima doon u dhaqdhaqaaqa. Wuxuuna kulankaasi uu ku gudbiyey farriin cajiib ah isaga oo soo xirtay dharka dhaqanka ee caadiga ah oo laga xirto dalka Hindiya.

1931-kii Gandhi oo ku sugan London si uu wadahadal halkaasi ka dhacayey uu uga qayb galo

Balse wadahadalkaasi guul darro ayuu ku soo dhammaaday, Gandhi oo ay xilligaasi da’diisu ahayd 62 jir.

Guumeystaha Britishku diyaar uma ahayn inuu Hindiya xornimadeeda oggolaado, qaar ka mid ah Muslimiinta, Sikh iyo Xubno kale oo kulankaasi ku matalayey diimaha kala duwan ma taageersaneen himilada Gandhi ee ah inuu dhiso Hindiya mideysan, iyaga oo weliba aaminsanaa inuusan Gandhi u hadli karin shacabka Hindiya oo dhan.

Xaalka marka uu halkaa marayo Gandhi kaalinta siyaasadda iyo doorki uu ku lahaa INC waa uu yareeyey, balse wuxuu sii waday inuu u ololeeyo sinnaanta arrimaha bulshada wuxuuna dhisay koox uu ugu magac daray ‘lamataabtaan’.

Guumeystaha Britishku diyaar uma ahayn inuu Hindiya xornimadeeda oggolaado, qaar ka mid ah Muslimiinta, Sikh iyo Xubno kale oo kulankaasi ku matalayey diimaha kala duwan ma taageersaneen himilada Gandhi ee ah inuu dhiso Hindiya mideysan, iyaga oo weliba aaminsanaa inuusan Gandhi u hadli karin shacabka Hindiya oo dhan.

Xaalka marka uu halkaa marayo Gandhi kaalinta siyaasadda iyo doorki uu ku lahaa INC waa uu yareeyey, balse wuxuu sii waday inuu u ololeeyo sinnaanta arrimaha bulshada wuxuuna dhisay koox uu ugu magac daray ‘lamataabtaan’. Halgankiisa uu sida nabadgalyada ah uu ku waday iyo taageerada shacab oo uu helay ayaa markale Britain ku qasabtay iney wadahadal la galaan Gandhi.

8. Guul-darradi boqortooyada

Dalka Britain marka uu awooddeeda uu wiiqay dagaalki labaad ee adduunka boqortooyada wax kasta oo ay Hindiya ka wadday waa ay joojisay, waxaaa sidaa ku hirgalay hadafki Gandhi uu lahaa. Sanadki 1947-kii dalkiisi uu jeclaa wuxuu helay xornimadi uu ku taamayey.

Balse rajada uu ka lahaa iney bulshooyinka Hinduuga iyo Muslimiinta iney dal mideysan ku wada noolaadan ayaa suuragelin weyday wuxuuna dalki Hindiya uu u qaybsamay labo: Hindiya iyo paakistaan.

Kala qaybinta dalka Hindiya ayaa waxaa ka dhashay rabshado. Gandhi wuxuu u soo laabtay Hindiya si Muslimiinta garab uu u siiyo si ay Hindiya uga sii mid ahaadaan wuxuuna marar badan uu cuntada uga soomay si ay muslimiinta xuquuqdooda u helaan.

Lix bilood oo keli ah marki ay ka soo wareegtay, Gandhi oo ku sii jeeda munasabad duco oo magaalada lagu qabanayey, marki uu toogasho ku dilayey wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda bulshada Hinduuga ee mayalka adag. Ninkaasi oo ka carooday Gandhi isaga oo HInduu ah sida uu garab u siiyo Muslimiinta.

Waxyaabaha kale ee Gandhi ku saabsan ee la iibiyay

April 2012 : waxaa la iibiyay ciiddii iyo badiil tiilay halkii lagu dilay Gaandhi, waxaana lagu kala iibsaday illaa £10,000

February 2013 : Warqad uu qoray Gandhi oo xabsiga Ingiriiska ku jira ayaa lagu kala iibsaday lacag dhan £115,000

May 2013 : Warqad kale oo uu ka qoray dhaxalkiisa ayaa lagu iibiyay £55,000.

May 2013 : Qalabkii tarashka ee uu Gaandhi xabsiga ku isticmaali jiray ayaa lagu iibiyay £110,000.

March 2009: Ookiyaalayaashii Gandhi uu caanka ku ahaa, saacad uu jeebka ku wadan jiray, kabo, saxan, iyo baaquli ayaa lagu iibiyay lacag dhan $1.8 milyan.

July 2007 : Warqadii ugu dambeysay ee uu qoray Gandhi ayaa lagala wareegay carwo ku taala London, waxaana la wareegtay dowladda Hindiya.

July 1998 : Waraaqo uu qoray Gaandhi ayaa lagu kala iibsaday $30,000 carwo ku taala London.

 

Xigasho: https://www.bbc.com/somali/war-49887573

 

Fikirkaada Waa Muhiim