Sannadkii 2017-kii, nin qoraa ah oo madaxa bannaan oo lagu magacaabo, Tom de Castella, wuxuu ogaaday Hooyo iyo wiilkeeda oo ku nool kursi dheer oo ku dheggan waddo marta Koonfurta London. Wuxuu ogaaday in xilligaas uu arkayay in laba sano ay meesha ku noolaayeen. Maxay tahay sababta uusan qofna u sameynin arrin lagu cawinayo?

Maxay tahay sababta uu qof kasta u aqbalay sidan in ay caadi tahay? Markasta oo uu sii baarayba, waxay ku sii noqoneysay la yaab.

Wuxuu sheekada ku billaabay,

Wax wayn oo ku duuban bacaha biyaha celiya oo dhalaalaya. Waxay fadhisaa bartamaha marinka dadka. Waxaan is weydiiyay, ma qalab muusiko oo duugoobay baa?

Alaab reer loo keenay oo in la furo larabo miyaa?. Wax yar ka dib bacdii waxay bilowday in ay dhaqaaqdo, gacan ayaan bannaanka usoo baxday si ay bacda u furto, waxaana ka soo baxay nin iyo haweeney ku duuban bustayaal oo ku fadhiya kursi.

Waxay Afar sano ku noolayeen kursigan ku dheggan dhulka ee dadweynaha loogu talagalay ee waddo mashquul badan oo ka mid ah kuwa London.

Maalintii oo dhan halkaas ayey fadhinayaan iyagoo daawanaya sida dadka iyo gaadiidka isu dabamarayaan. Habeenkiina bacdaas ayey isku duubayaan, ka dibna way seexanayaan. Kusriga ayaa noqday gurigooda.

Markii ugu horreysay ee aan arkay, waxay ila noqotay musiibo kale oo sababtay kororka dadka guryo la’aanta ah, kuwaa oo shacabka ay deyriyeen. Balse markasta oo wax badan aad ka sii ogaato, sheekada way sii adkaaneysaa.

Haddaba Maxay yihiin?

Intii aan baritaanka waday, waxaan ogaaday dadka kursigan ku nool in ay yihiin hooyo iyo wiilkeeda oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Hooyadu waa 70 sano jir, wiilkana wuxuu ku jiraa da’da 30-meeyada in kastoo uu u muuqdo in uu ka weyn yahay.

Waxaa nasiibdarro ah in Golaha Deegaanka ay dadkan siiyeen dhowr guri. Dhammaan way diideen – xittaa iskuma aysan deyin in ay guri raadsadaan. In kursigan ay ku noolaadaan waxay u muuqataa in ay tahay nolol ay iyaga doorteen.

Kor meer uu sameeyay Maamulka Guud ee London iyo hay’adda St Mungo’s, waxay ku ogaadeen in 3,289 oo qof ay seexdeen jidadka London ugu yaraan hal mar, muddadii u dhexeysay October iyo December ee sannadkii la soo dhaafay, Waa tiradii ugu badneyd tan iyo markii uu diiwaankan bilowday. Balse rubuc ka mid ah dadka jidadka London seexda, waxay halkaas seexanayeen ugu yaraan laba sano oo xiriir ah.

Ma noqon kartaa in hooyadan iyo wiilkeeda, ee ku nool waddadan saxmadda badan, in qof kasta oo kale ee jidka ku nool ay iyagu yihiin kuwa ugu waqtiga dheer ee UK oo dhan?

Waxaan sameeyay hubin iyo inaan ogaado sheekadii hore ee labadan qof ee kursiga ku fadhiya. Muddo dhowr sano ah waxay ku noolaayeen guri uu leeyahay Golaha Deegaanka oo ku yaalla Battersea. Balse ka dib markii uu dhintay qof ka mid ah qoyska, waxaa lagu yeeshay deyn badan oo kirada ah. Bishii February, 2014-kii, Golaha deegaanka ee Wandsworth ayaa xoog uga soo saaray gurigii ay ku noolaayeen. Ilo ku dhow Golaha waxay sheegeen in guri ku meelgaar ah la siiyay, maalintii laga soo saaray midkii ay ku noolaayeen, Laakiin hooyadan iyo wiilkeeda maba aysan tagin meeshii loo diyaariyay. Qofna kuma baraarugsaneyn waxa xiga ee dhici karay.

Kursigii ugu horreeyay ee ay ku noolaayeen wuxuu yallay waddo dhowr boqol oo mitir u jirta meesha hadda ay joogaan. Bishii December ee 2014-kii, waxaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu qabow ku dhacay – intii ay cisbitaalka ku jireen, Golaha Deegaanka wuxuu meesha ka qaaday kursigii ay ku dul seexan jireen, iyagoo sheegay inuu yahay mid ay “dib ugu soo noqon doonaan”.

Markii hooyada laga soo saaray cisbitaalka – wiilkeeda wuu ku sii jiray muddo dheer – Waxay toos u aaday kursigii, waxayna aragtay in meeshii uusan oolin. Ka dib waxay u wareegeen kursi kale oo dadweyne oo ku dheggan Balham.

Bishii April 2015-kii, Hooyada iyo wiilkeeda waxay heleen kursi kale oo yaalla bannaanka madxafka Tooting. Halkaasna waa meesha ay ku noolaayeen.

 

____________________________________________

 

Waa galab, maalin shaqo, sacadduna waxay ahayd 2:15pm. Hooyada iyo wiilkeeda waxay isku duubayaan bacda, si ay u nastaan. Bas waddada ciriiri ku noqotay ayaa dhinacooda taagan. Qof kasta oo qeybta hoose ee baska saaran wuu daawanayaan. Waad arki kartaa la yaabka ka muuqda wejiyada dadkaas: “Kaas ma hoy baa? Dadkan ma halkan bay si dhab ah ugu nool yihiin?”

 

Marka kor laga eego waxay la mid tahay in hooyadan iyo wiilkeda aysan la socon waxa hareerahooda ka dhacaya.

London: Maxaa derbi jiif ka dhigay hooyadan iyo wiilkeedan Soomaalida ah?

Wuxuu wiilka aalaba akhriyaa buug ama wuu shanleysanayaa. Hooyadana waxay eegtaa jidadka iyo dadka. Ficil ahaan, way adag tahay in la fahmo. Sidee buu kursigaa yar u qaaday laba qof in ay ku seexato?

Iyagoo fadhiya miyey hurdaan? (Haa waa sidaa. Waxay ku tiirsadaan barkiimo, waxayna lugaha saartaan boorsooyiin.)

Xilliyada qabowga uu aadka u badan yahay, sidey isku kululeeyaan ama xilliga kuleylaha sidey isku qaboojiyaan? Buuqa ka warran?

Waxaa jiro gawaari hoon yeerineysa, sawaxanka basaska iyo buuqa kale ee habeen iyo maalinba jira.

Sida ay ugu dulqaadanayaan waxay u muuqataa in ay la mid yihiin dad guri ku dhex nool ee aan degganeyn meel tallaabo u jirta halka ay dadka maran iyo waddada gawaarida.

Weligood ma aysan tuugsan. Maandooriyeyaal ma isticmaalaan, sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay. Cunto ama bustayaasha ay siiyaan dadka waddada maraya kama aqbalaan, balse way la sheekeystaan.

Waxay haystaan bustayaal badan iyo cunto iyo cabitaan diyaarsan oo yaalla dhankooda, kuwaas oo ay ka heleen maqaayadaha xaafadda. Waxay adeegsadaan musqusha madxafka ama kuwa maqaayadaha yaryar ee xaafadda. Sidoo kale, tagaasida ayaa si bilaash ah ku qaada.

Wiilka wuxuu xilli kasta aadaa masaajidka xaafadda oo uu ku soo tukada. Waxay caan ka noqdeen waddada Mitcham, iyagoo garab ka helaya bulshada deegaanka. Balse maxay ka dheheen khibraddoodan?

Waxay hayd dhammaadkii January, oo ahayd xilli aad u qabow. Xitaa afka qiiq ayaa ka soo baxayay. Qoraaga wuxuu sheegay in uu aad u xiiseynayay sidii uu ku ogaan laha sida ay qabowga ugu dulqaadanayaan.

Waxaa dhexmartay sheekadan:

Qoraaga: Hi, ma wacan tihiin? (way dhoolla caddeeyeen.) waxaan aamini la’ayahy in qabowga ba’an ay dhex fadhidaan. Habeenkii, sideed ugu adkeysataan?

Wiilka: Waa qabow. Mararka qaar waaba saa’id.

Qoraaga: Muddo intee la eg baad halkan ku nooleedeen?

Wiilka: Muddo dheer. sanado iyo sanado.

Qoraaga: Sanado iyo sanado. Sabab? Wargeyska waxaan ku arkay golaha oo dhahaya, waxaa la idiin siiyay guri balse adinku ma dooneysaa inaad halkan ka guurtaan.

Wiilka: Taas ma dhici karto.

Qoraaga: Sabab?

Wiilka: Kuuma sheegi karo… (Bas ayaa soo maray meesha, waana maqli waayay jawaabtiisa oo buuxda.)

Qoraaga: Ma waxaad jeceshihiin in guri aad ku noolaataan, mise kursigan?

Wiilka: halkan baan joogeynaa.

Qoraaga: Halkan miyaad joogeysaan?

Wiilka: Haa.

Qoraaga: Abid?

Wiilka: Ma ogi.

Qoraaga: Dhab ahaan?

Wiilka: Nasiib waan yeelan karnaa. (Inta kale ee jawaabtiisa waxaa qariyay sawaxanka gawaarida. Waxaana la yaab igu noqotay waxa uu ula jeedo.)

Qoraaga: Haddii Golaha deegaanka uu guri idiin siiyo, ma u guureysaan?

Wiilka: hadda kuuma sheegi karo taa, waan ka xumahay.

Markii sheekada ay halkaas mareysay, hooyada waxay bilowday in ay qososho, wiilkeedana wuu dhoolla caddeeyay. Way isu gudbiyeen, waxay ahayd arrin aan macquul ahayn – aniguna waan qoslay.

Waxaan dhihi karaa, xaaladdooda ayaan la yabay, waana dareemi karaa in iyaguna ay la yaabeen su’aaleheyga, sida in jawaabohooda ay yihiin caadi, anigana aan diidanahay.

Waxaan u sheegay in xaaladdooda aan wax uga qorayo BBC-da. Wiilka wuxuu sheegay in uu garanayo BBC. Waxaan u sheegay in aan ka walwalsanahay in ay waddadan ku noolaadaan iyadoo qabowgan ba’an uu jiro.

Qoraaga: Dadka badankooda waxay ku jiraan gudaha dhismayaasha.

Wiilka: haa, Anaga guri kuma jirno.

Qoraaga: Ma rabtaan in aad ku seexataan sariir guri dhex taalla?

Wiilka: Guri waa in la kululeeyo, bannaankanna waa la mid.

Hooyada: Haa! si la mid ah! (Waxay xoojineysay hadalkiisa. Waa soo afjaridda xaaladda, waxay u muuqatay in sidaa ay ula jeeday. Meel kasta waa in la kululeeyo, macno ma sameyneyso in aad guri ku jirto ama bannaan joogto.)

Qoraaga: Waa dhibaato marka uusan derbi dhisneyn, kululeeyana uusan kuu xirneyn?

Hooyada: Haa! waa isku mid!

Waxaan isku deyay in macluumaad badan aan u helo sida ay tahay nolosha kursiga, balse wiilka ma dooneyn in uu wax badan ka dhoho arrinta. “Maya, aad baan uga xumahay,” ayuu yiri isagoo dhoolla caddeynaya. Waan weydiiyay in ay Soomaliya ka yimaadeen, wuxuuna iigu jawaabay ‘haa. Wuxuu sheegay in muddo fog ka hor ay ka soo tageen Soomaaliya.

Waxaan ku kala tagnay isu dhoolla caddeyn iyo ereyo fiican, laakiin mid kasta uu ku wareersan yahay su’aalaha iyo jawaabaha.

Ka dib dhowr goor oo aan la sheekeystay, waxaan is lahaa English-ka si fiican uma garanayaa. Hadda waxaan aamin sanahay in fahamkooda uusan dhib ahayn. Taa bedelkeeda wuxuu walwalka yahay in aysan garaneyn sidii ay xaaladdooda u fahmi lahayeen, iyo waxyabaha diyaarka u ah. Waxay ii sheegeen in nolosha bannaanka iyo midda guryaha ay isku mid yihiin xilliga qaboobaha. Iyo in meel kasta ay qabow tahay xilligaas. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya guri iyo kursi? Yaa u baahan sariir? way adag tahay in taas lagu murmo. Ma ogyihiin in qaabka ay u nool yihiin uu halis ku yahay cafimadkooda, waa walwal kale.

Saacad ka dib waxaan tagay kafateeriyada Al Jazeera oo ku taalla Streatham, halkaas oo Soomaalida ay ku badan yihiin. Kooxo rag ah oo suudad xiran oo qoorta ay maryo u saaran yihiin ayaa meesha fadhiyay. Waxay cabayeen kafee iyo shaah rinji ah. Waxaa la ii diray Cabdicasiis Xaashi, oo ah nin sheekadooda si wanaagsan u garanaya. Wuu u tagay hooyada iyo wiilkeeda, balse wey diideen in ay dhageystaan, sida uu sheegay.

Bulshada Soomaalida waxay dareemayaan in kiiskan uu dhibaato u geystay. Waxay si joogto ah ugu casuumeen in ay guryahooda kula noolaadaan laakiin, si la mid ah wixii ay la kulmeen Golaha Deegaanka, Hooyadan iyo wiilkeeda way diideen.

Waxaa la i tusay warbixin Af Soomaali ah oo laga sameeyay oo la geliyay YouTube-ka. Waxaa lagu wareystay bulshada Soomaalida ee xaafadda Tooting. Mid ka mid ah haweenka lala hadlay waxay tiri: “Aad baan ula murugooday arrintan. Wax kasta waan isku deynay – way diiday in ay dhageysato taladeena.”

Nin dadkaas ka mid ahna wuxuu yiri: “Waa ceeb weyn. Haddii bulshada Soomaalida ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, way xallin karaan.”

Ninkii ila socday madaxa ayuu ruxay. Ma jiro wax badan oo bulshada Soomaalida ay sameyn karto, ayuu yiri. Wuxuu ka walaacsan yahay saameynta qaabka ay u nool yihiin ay ku yeelaneyso caafimaadka maskaxdooda. “Haddii aniga aan ahaan lahaa oo noloshan aan ku jiri lahaa, mar hore ayaan dhiman lahaa. Ma garanayo sida ay ku badbaadaan.” Waxaan weydiiyay, waxa la sameyn karo. Si degdeg ah ayuu u jawaabay wuxuuna yiri: “”Waxay ahayd in halkan laga raro si bini-aadamnimo ah. Dadka way xanuunsan yihiin runtii.”

 

____________________________________________

 

Maxay tahay sababta uu qof guri la’aan ah u diidayo in meel uu ku hoydo la siiyo?

Waxaa suuragal ah in wax yaabaha loo soo bandhigay “aysan buuxin karin bahidooda” ayey tiri Hannah Gousy, maamulaha arrimaha sharciga ee hay’adda Crisis. Waxaa suuragal ah in ay noloshan dhibka ah ka doorbidayaan in guri ay la wadaagaan qof kale oo suuragal ay tahay in walwal ay ku abuurto. Waxaa dhici karta in aysan aaminsaneyn dadka kale ee guri la’anta ah iyo hay’adaha u sheegaya in ay caawinayaan.

In meel ay iyagu leeyihiin ay helaanna, waxaa suuragal ah inay dhib ku noqoto kuwa soo dhoweynaya dad la qabsaday nolosha waddada.

Waa inaad lacagta korontada iyo kuwa kale bixisaa. Waa in bedelkooda aad hesho. Waa in aad u hoggaansanto shuruucda. Tallabada ugu fiican waa in marka hore aad guri dejiso, ayey ku dooday Gousy.

Nin qoraa ah oo madaxa bannaan oo lagu magacaabo, Tom de Castella, wuxuu ogaaday Hooyo iyo wiilkeeda oo ku nool kursi dheer oo ku dheggan waddo marta Koonfurta London.

Su’aal kale ayaa taagan oo ah, Hooyadan iyo wiilkeeda ma sharciga ayey jebinayaan? Qareenno ayaa ka jawaabay, waxa dhici kara haddii aan ku noolaado kursi waddada dhankeeda ku sameysan?

Gary Rycroft, oo ah sharci yaqaan ayaa yiri: Waa xadgudub haddii guri qof kale oo aan laguu fasixin ku noolaato.” Balse kursi dadweynaha ka dhexeeya, ma loo arki karaa hanti uu qof kale leeyahay? “Markasta waxaa jiro qof leh dhulka.

Haddii uu kursi dheer ku sameysto qof kale, waa in uu dareemo in dhulkaas uu xaq u leeyahay. Dhulka ka dhexeeya dadweynaha, wuxuu noqon karaa mid uu maamulka deegaanka leeyahay ama qeyb ka ah waddo dadweyne.

Xeerarka hoyga. Lataliyahooda sharciga wuxuu yiri ma ahan”dembi ama ku xadgudub sharci in aad alaabtaada iyo qoyskaada geyso beer dadweyne ama kursi ku dhex yaalla. Sidoo kale in ad teendho ka dhisato waddada dhinaceeda ma ahan dembi laga galay Golaha Deegaanka – Waxaa dhici karta in uu jiro sharci gudaha ah oo taas mamnuuci kara”.

Ilo ku dhow Golaha waxay sheegeen in xaasidnimo ay noqoneyso in qoyskan laga kexeeyo halkan. Hooyadan iyo wiilkeeda waxaa suuragl ah in si fudud ay u helaan kursi kale. Marka Golaha Deegaanka Wandsworth waxay raacayaan dhabaha dulqaadka in kastoo cashir ay ka barteen kursigii hore ee meeshii uu yaallay ay ka saareen.

Hadda waan ogahay in aysan dooneyn in meeshooda laga kexeeyo, aysanna dhib ku ahayn sharciga. Waxaa jirto su’aal kale oo ah, Ma awoodaan in go’an iyaga u wanagsan ay gaaraan?

Sida sharciga UK uu yahay, qofka maskaxdiisa ma shaqeyneyso haddii uusan raaci karin afartan arrin: Faham, xusuusasho, hadlid, iyo qiimeynta macluumaadka. Waxaan la hadlay laba dhinac oo kala duwan. Waxay sheegeen in qoyskan aanan lagu arak wax halis ah oo la xiriira xanuun dhanka maskaxda ah. Kursigan dadweynaha ka dhexeeyana waxay u arkaan sida guri ay iyagu leyihiin. Golaha deegaanka ee Wandsworth warqad ay xoogaa ka dib soo direen waxay ku sheegeen in hooyada iyo wiilkeeda, “uu Goluhu siinayay meel ay degaan kuwaas oo la qalabeeyay, lana qurxiyay, oo ay ka mid tahay meeshii ay degganaan jireen, way diideen dhammaan xitaa iyagoo aan soo arag.”

“Dhowaan waxaan haynay guri iyaga loo diyaariyay, inagoo adeegsanayna kooxda arrimaha bulshada, waxaan isku deynay in aan ka dhaadhicino si ay u aqbalaan”.

Waa is-mari waa.

_____________________________________________

Aqristoow maxay kula tahay sababta ay u diideen in guri la siiyo hooyadaan iyo wiilkeeda?

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee aan la yeeshay wuxuu ahaa bishii February ee sannadkan. Hooyada way qosleysay iyadoo qoraxda fadhida, waxaana ka wada sheekeysanay cimilada wanaagsan.

Waxaan weydiiyay in ay nolosha halkan ku faraxsan tahay. Wax u eg diidmo ayaa buuxiyay wejigeeda. Dhib miyaan geysanayaa? ayey tiri, kumana aysan hadlin English. Ka dibna waan is macsalameynay.

Waxaan doonayay in xal loo helo waxa nolosha ah ee ay doonayaan, balse way sii adkaaneysay in la fahmo. Waxay u muuqdaan in ay ku faraxsan yihiin nolosha kursigan.

Dhaqankoodu ma ahan mid bulshada dhib ku ah, maamulkana way aqbaleen in halkooda ay deganaadaan, iyo wax kasta oo bulshada deegaanka ay u diyaariyaan in ay noqoto in si wanagsan loola dhaqmo, loo naxariisto, loona dulqaato.

Markii Golaha deegaanka uu meesha ka qaaday kursigii ay degganaayeen 2014-kii, waxay sheegeen in iyaga dartood ay u sameeyeen. Balse hadda waxay ogaadeen in midda ay doonayaan ay tahay in faraha looga qaado sida ay u nool yihiin. Waa xushmeynta go’aankooda.

Haddii hooyada ama wiilkeeda ay aad u xanuunsadaan ama ay dhintaan, waxaa dhab ah in bulshada ay isku eedeynayaan in waxba ay u qaban waayeen. laakiin hadda taas waxay ku kooban tahay dadka meesha ku cusub oo keli ah oo la yaabaya bacda buluugg ah ee ay ku hoos jiraan.

Fikirkaada Waa Muhiim