Ma’ogtahay biyaha aan cabno maalin walibo in ay kamid yihiin nafaqda jirkeenna uu baahan yahay, sidda maalin laha ah. Dhammaan falgallada ka dhex dhaco jirkeenna( Body reactions) Tusaalle dheefshiidka oo kale, waxa ay u baahan yihiin biyo.

Biyahu waxa ay ka kooban yihiin kiimika ahaan 1 haydrojiin iyo 2 oksijiin  waxaana loo soo gaabiyaa HO2. Biyaha waxaa lagu latilyaa qofka in uu cabbo maalinkii siddeed galaas iyo inka badan.

Halkaan waxa aan ku soo gudbin doonnaa faa’idooyinka biyaha ay u leeyihiin jirkeenna:

  • Biyaha aan cabno maalin waliba waxa ay  naga caawiyaan isku dheelitirka dheecanada jirka. Jirkeenna 60% waxa uu ka koobanyahya biyo. Dheecanada jirka shaqooyinka ay u qabtaan waxaa kamid ah: Dheefshiiska, Nuugida cunnada(absorbtion),wareega dhiigaga ,iyo sameynta candhuufta,sidoo kale dheecanada jirka waxa ay ka qeeyb qaataan  joogteenta  heer kulka jirka Aadanaha.

  • Biyuhu waxa ay murqaha siiyaan tamar, waxa ayna ka hortagaan daalka badan ee  la dareemo xilliga jimicsiga.Waxaa lagu la taliyaa  qofka waliba in uu cabbo biyo marka uu jimicsi sameeynaayo, sababta oo ah waxa ay badalayaan booskii uu dhididka ka soo baxay, murqahana waxa ay siinayaan tamar.

  • Biyaha waxa ay naga caawiyaan  maqaarka in uu noqdo muqaal ahaan mid aad qurux badan, qofka marka uu fuuq-baxo waxa aad ku arkaysaa in maqaarkiisa u yeeshay miin miin iyo sidoo kale qaleyl maqaarka xagiisa ah.

  • Biyaha waxa ay kor u qaaddaan caafimaadka killiyaha, killayaha jirka waxa ay u qabtaan howl badan sida: sifeenta dhiigga, qashin saarka jirka qaab kaadi ahaan ah. Haddi  ay cabistaada ay yartahay waxa aad halis ugu jirtaa killiyahaada in ay ku sameysmaan dhagaxaan.

  • Biyaha waxa ay hormariyaan shaqada mindhicirrada waaweyn,waxa ayna ka hortagaan calool fadhiga (Constipation).

Waxaa wanaagsan mar waliba in aan badsanno cabista biyaha, haddii ay kugu adkaato cabitaanka biyaha, waxa aan kugula talineynaa in aad badsato cunista qudaarta cagaaran sidoo kale waa in aad badsataa miraha laga helo biyaha sida ; Qaraha, Babaayga IWM.

Fikirkaada Waa Muhiim