Meelaha lagu shaaxo ee Caasimada dhaxdeeda ah waxa aad ku arkaysaa dad is heysto oo dagaal ka dhaxeyo, marki aad weydiisan waxa uu dagaal kaan kabillowday waxaa laguu sheegayaa in uu hadal kabiowday, taas waxa ey caddeyneysaa on qofka rabshadda kiciyay lagu yiri hadal aanan u qalmin ama uu dhibsaday laakiin dhanka kale qofkii haladalkaas dhahay ey kaftan uun ka’ahayd.

Arrinkaas waxa aad lasii yaabeysaa marki odoyaal toorreey isku wato aad aragto oo aad isugu careysan, rabaanna in ey isku mudaan, dagaalkooduna uu ku billowday hadal ama kaftan baas oo qallafsan oo uu midi ka carooday. ………….marki laga sootago in ey camal la’aan tahay in ey odoyaashi deegaanka ey isku dagaalayaan jidadka waxa ey saameyn ku yeelaneysaa bulshada iyo deegaanka sida:

1.waxa ey bulshada kagudbinayaan aragti qaldan oo ah in dadka meesheen daggan ey yihiin dad dagaal iyo colaad ah.

2.waxaa laga aqrisanayaa bulshada inteeda badan in ey yihiin dad jecel fadhi ku dirirka sida hadaba nagala aaminsanyahay.

3.waxa ey caddeyneysaa in bushada eysan lahayn dad u maqan oo kafakara aayaheeda maadaama Odayaashii ey halkaan ku fadhi dirirayaan.

Marki aan mowduuceenn ku soo laabanno kaftanka qaraar ee natiijada xun kadhalato kaliya kuma sinno odoyaasha ee xitaa waxa aad ku arkeysaa dhalinyarada qaarkood gaar ahaan kuwa waxbarashada kujira, waxaa caan ka ah meelaha wax barashada in magac lagu dhajiyo dadka cuuryaanka ah ama mardhow baadiyaha kayimaada ama qofki ishiisa laga arko oo kale, rab ama ha rabin fasalada waxaa dhigto arday af-tahanno looga dhax yaqaan laakiin af-miinshaarro ah oo afkooda dhaawac ugu geysto dhallinyarada kale ee ku dhax cusub wax barashada. Marark qaar Macallimiinta ayaa naa neeso xun lagu magacaabaa iyaga oo aan raali ka ahayn.

Haddii aad weydiisto dhallinyartaan waxa ku qasbaayo in afkooda ey erayo caay iyo xumaan ah ku haayaan oo sheeg-sheegaan maalinta oo idil waxa ey kuugu jawaabayaan in eysan xumaan ka ahayn oo ey kaftan uun katahay!!! Bal adiga kasheekee kaftan maantay oo idil dagaal dhalinaayo oo colaad ah?

Kaftanka xun waxaa wanaagsan in lagu badalo aamusnaan iyo wax aqris, in lagu badalo jacayl in loo muujiyo Ardayda ku cusub fasalka si’eysan u nicin wax barashada.

Diinteenna islaamka waxa ey nagu baraarujineysaa in aan aamusno ama aan qeyr iyo wanaag ku hadalno.

Waxa aan kale oo aan talo usoo jeedin lahaa Macallimiinta iyo Maamulayaasha goobaha waxbarashada in ey sameeyaan olole looga gol-leeyahay Joojinta kaftanka xun ee maalinta oo dhan ardayda ku mashquulsanyihiin ee mararka qaar danbi uu kasoo gaaro ardaydoa sameysa kaftankaas.

Waxa aan si toos ah ula hadlayaa dhallinyarada Bulshada waa unug isku xiran haddii ey nusqaan kujirto kuweenna wax barto waxa ey culeys ku tahay dalka oo dhan!!

Maxaa ka xun adiga oo waxbarasho laguu diray, haddii uu arday kale waxbarashada u naco daraaddaa??

Aniga waxa aan kamid ahay Macallimiinta Soomaaiyeed waxaana cinwaankaan igu dhaliyay in aan qalinka u qaato waa arrin aan arkay aniga waliba marar badan, waana arrin loo baahanyahay in lasuuliyo ama laciribtiro, Aqristow adiguna ka qeyb qaado sida uu dhaqanka bulshadeenna u toosi lahaa, waliba adiga oo naftaada iyo qoyskaaga ka billaabayo??

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim