Waxaa jira astaamo aad ubadan oo lagu garto ragga xun-xun. Waxaana ka mid ah;-
Marka uu kula hadlaayo waxa uu kaa dhaadhicinayaa been iyo boranbogaado. Waxa uu marwalba ku faanaa in uu yahay halyay, geesi, deeqsi, codkar, hal-adayg.Waxa uu mar walba ku dhaartaa been, aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxa uu ku celceliyaa aniga adduunka oo dhan baa iyaqaan, waxaan ahay nin hantiile ah, hantidaydu waxay buux dhaafisay bangiyada caalamka. Waxa uu labaxaa dhoor dheer sida shimbir dhoorta oo kale, waxa uu xiirtaa jeegadda iyo dhinacyadda madaxa.

Ma tukado salaadaha faralka ah, waxa uu la saaxiibaa inta xun, waxa uu socod wadaag la yahay rag ay isku ayni yihiin, oo aan Rabbi iyo Rasuultoona aqoon. Waxay ku hadlaan hadalo aan sharciga baneyn.Wuxuu cunaa balwadda qeybaheeda kala duwan.Waxay necebyihiin shaqada, bedelkeedana ka doorbida shaxaad iyo tuuganimo.Waxa uu inta badan fariistaa meelaha fadhi ku dirirka, mukhaadaraadka lagu cuno, suuqyada mana tago goobaha cilmiga, diinta lagu barto.Waxa uu kaa codsadaa mar walba wax aadan raali ka ahayn.

Waxa uu kaa codsadaa in aad u soodirto sawiro qaa-qaawan IWM. Ma fuliyo balamaha uu kula galo, mar walba waxa uu ka fekeraa sidii uu kugu sooxero galin lahaa isagoo aan dan iyo ehelotoona kaa lahayn.Waxa uu caayaa oo wax ka sheegaa dadka wanaagsan, culimadda iyo ahlu sharafka. Waxa uu ammaanaa dadka xun xun, dilaagga, mukhaadaraystaha iyo qab-qablaha.Waxa uu furtaa dadka, waxa uu galaa jidadka si uu u dhaco hantidooda.

Lama soo koobi karo astaamaha aad ku garan karto ninka xun si aad
isaga ilaaliso, ugana hortagto dhagartiisa iyo in uu ku gasho debin
aadan ka soo kaban karin.

Bal ila eeg abwaan Maax oo la dardaarmaya gabar uu dhalay,
wuxuuna yiri:-

Siddeed iyo toban si wacan, markaad sanadda guur gaarto
Seegseegyadiyo kula marabo iyo suuqya joogyada’e
Saranseerka shaqo la’i raggaas silic maryaadaaya

Seddex-labo sinjigoodu xun yahoo, saaka wada liita
Summad laawayaashaas silloon, ee suuqa saranseera
Saqajaan saqraan iyo, kuwaas seegay marinkooda

Saqda dhexe raggaas soconayiyo, saamileylyadaba
Saaruqa islaamaha furtee, laga saliilyoodo
Sariig laawayaashaas, maandhaay sinaba haw eegin.

Markii aan dhuxno gabaygaas, waxa uu abwaanku ka digayaa ragga aan shaqaysan, kuwa suuqyada wareega, kuwa dhaqanka ka tegay, tuugadda dadka dhacda, cabtoyda cabba xashiishadda, sagaarka, tubaakada iyo qaadka. Dhammaantood markaad eegtana waxay daliil u yihiin cadaynayaan in gabadhu ka feejignaato raggaas noocaas ah si ay sharafteeda iyo sumcadda qoyskeeda u ilaaliso.

Markale waa tuu lahaa abwaanku:-

Sanadihii tehay ee soomalidu, seero dhaaf noqotay
Ee sida idaha sunsuma, soohdimaha yurubta
Sanbacyaa ka soo baxay, soomaalidii saafiga ahayde
Saf baa ceebta saami u helay, oon sebigu moogeyne
Sawirkooda annigaa ku siin saad u garataaye
Saaqidiinta noloshii ka haray, sinaba haw eegin.
Tixdaan waxa uu abwaanku kaga hadlaya, markii dowladii dhexe dhacday
meeshana ka baxday waxaa dhalintii u haajireen waddamada reer Yurub. Markii ay tageen dhulkaasna waxay kala kulmeen dhibaatooyin badan sida
dhaqankii oo lumay.

Dhalintu waxay ukala bexeen kuwo rag rag dhaafay oo dhexda xirtay
shaqo iyo nolol cusub ka bilaabay dhulka ay tageen, iyagoo ilaashanaya
dhaqankooda iyo diintooda. Qeyb kamida dhalinta waxay doorbideen in ay mucaawino ku noolaadaan, aysan shaqeysan.Waxay katageen dhaqankoodii, waxay ku deydeen dhaqanka dadkaas.

Waxayna guur la soo doontaan gabdhaha waddankii ku haray, iyagoo cayr
ku nool ayay ugu sheekeeyeen hablihii in ay haystaan nolol shaqo iyo
guryo ay leeyihiin, si ay uga dhaadhiciyaan dumarka aan waxka ogayn
waxa ay ku nool yihiin raggaas.

Mar uu abwaanku ka hadlaayay ragga dhexda siriqsada oo dumarka
khatala, ayna ka helaan dharkiisa, qaab la biskiisa, iyo isqaad qaadka
aan meelna jirin. Abwaanku waxa uu tixdaan ku cabiraya ragga dhexda
xirta, jeegada xiirta, dhegaha durta, aleelaha xirta, socodka hablaha
leh oo suuqa wareega.

Waxa uu yiri isagoo ka hadlaya arrintaas:-

Dhexda wiilashaas siriqsadee, madaxa soogsoogan
Dhegahana aleelaha surtee, timaha seyrseyrsha
Ee soortiyo bataatiga la solay, suuqa ku cunaaya
Ee sida haweenkii sinjaar, sinta ka laafyooda
Sal iyo baarna socodkoodu yahay, ceeb la salagleynta
Sinji dhaanyadaas dhaqankii lunshee, samada heehaaba
Saaqidiinta noloshii ka haray, sinaba ha u eegin.
Haddaba gabadha wanaagsani waxaa laga doonayaa in ay ka fekerto
ubadkeeda aysan ka fekerin dhalanteedka maanta. Bal kawaran ninka qaadka cuna, xashiishada caba, beenta badan, khiyaanoolaha ah, aan tukan, soomin, jeegada xiirtay, dhaqankii ka tagay seebuu noqonayaa ilmaha uu dhalay? Ma waxaad doonaysaa in wiilkaagu noqdo kan oo kale mise kuray wanaagsan?

Maanta waxaad haysataa labo waddo, tii aad raaci lahayd waa in aad ka
fekerto, ilmahaaga waxa uu kaaga baahan yahay hiil, waana markii aad
udoorayso aabbe.

Haddii aad doonayso ilmo wanaagsan udoor aabbe fiican, leh sifaadkii
aan ka soo sheekeyney. Hooyadu waa udub dhexaadka qoyska, waana
warshadda soo saarta ubad tayo leh oo Alle raaligashay iyo kuwo Alle
iyo aadaneba naceen.

Gabaray ma waxaad rabtaa in lagu dhaho heblo ninkeedu waa tuug, waa
daroogayste mise waxaad rabtaa in lagu dhaho Alla heblo waxay heshay
halyay, waa nin wanaagsan, Alle ka cabsi badan, dadka xaqdhowra,
dhaqan wanaagsan?

Fikirkaada Waa Muhiim