Waxaan horay uga hadalnay calaamadaha lagu garto gabadha wanaagsan,
sidoo kalena waxaan aad usoo falanqaynay dhaqanka gabadha suuban. Waxaan ka sheekeynaynaa gabadha xun, waa tuma ama waa tee?

Gabdhuhu ma wada xuma balse waxaa jira hablo fara ku tiris ah, oo aan
wanaagsanayn. Waa tii horay loo yiri (Baruur baa baruuro qurmisa),
halka gabar ee xun ayaa galaafata dumar badan oo wanaagsan. Haddaba si aad ugarato qofka xun waa inaad ka eegtaa xogta uu xambaarsan yahay maqaalkaan:-

Gabadha xuni waxay wareegtaa suuqyada, meelaha lagu ciyaaro, lagu qabto bandhig faneeyadda.Waxay taagan tahay meelkasta oo lagu ciyaarayo daaniska iyo aroosyada aan laga wicin.Waxay socotaa xilliga ay bulshadu seexato ama gabar wanaagsan xarootay.Waxay mar walba ku afcelisaa waalidkeed, ciso iyo karaamo toona ma siiso.

Waxay darajo moodaa meelaha xunxun sida kalaabyada.Waxay had iyo jeer wareegtaa darisaanta. Gabadha wanaagsan ma wareegto xaafadaha.Waxay saaxiib la tahay kun dhoocilood, waxay shirisaa hablo badan. Waxay had iyo jeer xantaan dadka, aflo gaadeeyaan. Waxay isku diraysaa dad isjecel, waxayna ka dhex riddaa collaad, iyadoo war ukala qaadaysa. Waxay raadisaa war, iyadoo wareegaysa xaafadaha, suuqyada iyo meelaha shaarica ah.

Waxay jeceshahay inay la ciyaarto ragga ajnabiga ka ah, iyadoo garbaha qabqabsanaysa, la qoslaysa, lafara ka ciyaaraysa IWM.Tan baalida ah lama guursado, waayo   waa tii la yiri:

Digta waaga goortii arlada, duul kastaba tooso
Shaqana loo dareere nafluhu, aado danihiisa
Dayacanta ku daahdee hurdada, aan durbaba toosin
Dihaal iyo adoo gaajo daran, dib ula soo laabtay
Duhurkii qadadoon diyaar ahayn, hadday wax doondoonto
Dambaskana dabkii baqtiyay, darif ka afuufto
Doqon moog dahab iyo xariir, diibka lays mariyo
Dushoo bilicsan dumarka, iyagaa loogu dowgalaye
Mar haddaysan dareenkaaga, kicin dooqa himaddaada
Dambas jiifta baalida ah, waa dumarka ceeboode
Ma xishooto gabadha xun, waxay wareegta shaaricyada, iyadoo nin walba la qabsanaysa. Kuma dhaqanto diinta, mana tukato, hadday tukatana ma daa’imto, ma joogteyso sallaadda.Waxay xirataa dharka khafiifka ah, oo jirkeeda laga arkaayo,
dhammaan xubnihii dahabka ahaana banaanka soo dhigta.

Waa tii uu lahaa abwaan C/qaadir Maax:
Weji debecsan hadday, dibnaha dhoosha ka caddayso
Dabandeebka rag doondoon, hadday dockastaba eegto
Diracyada qafiifka ah hadday, dacalka sii laabto
Doolihiyo naasaha hadday degelka ciyaarsiiso
Raggii dawga marayaba, hadday dayrka ka ilaaqdo
Ooy indhuhu ku dararaan markaa, daawashada qoodha
Dubaaqana ka jeceshahay, markay dabato soo aado
Diyaarna ay u tahay wiilkayow, doonis gogol dhaafka
Duqaan badan sigaarkiyo, hadday qaadka dalamlayso
Dugsi malaha damac loo xishoo, lagu dulqaataaye
Waxay caan ku tahay dagaal maalinkasta taagan, waxay is hayaan dariska, afkeeda, adinkeeda midna lagama ammaan helo. Waxay caan ku tahay been, khiyaano, waxay maaweelo uhaysaa  malaayiin rag ah, iyadoo afka ululaysa, cod macaana ku suuq galinaysa. Waxay ragga weydiisataa lacago, iyadoo dhahaysa shoobin iikeen,
biribeyr igu soo shub joogta ah, baarka ina gee aan soo damaash tagnee waana nin ajnabi ka ah.

Hadayin dumarka ragga aan qabin doolar weydiisato
Dan kale iyadoon kala hayn dabo maalkiisa
Damac badan midduu galo waa laga duraantaaye
Dubkeed la naar middaas oo kale, waa laga dareeraaye
Lama soo koobi karo calaamadaha lagu yaqaan dumarka aan wanaagsanayn ee
dhaqanka ku ciyaara, diinta aan lahayn. Waxaana haboon ninka marka uu guursanaayo waa in uu ka fekero mustaqbalka caruuurtiisa, waayo haddii ilmuhu
uusan helin hooyo diinleh oo barbaarisa, ilmahaas waxa uu noqonayaa
banaan joog. Ilmahaagu mar ayuu hiilkaaga baahan yahay waana marka aad hooyadiis udoorayso. Kawaran haddaad ilmahaaga udoorto midda miraafta suuqyada bilaa sabab, tukan, diinna aan ku dhaqmin, dhaqankeedu xun yahay, baali ah, afkeeda iyo adinkeedana aan laga ammaan helin, Muxuu noqonayaa ilmahaas?

Gaduudkeeda haw arag, iney guur ku mudaneyso
Garaariyo iyo laafyaha hadayin galab carawgeeda
Codka laysku suuq gelinaya ha u galiilyoonin
Yaan lagugu soo galin hadday garasho diin weydo.
Horaa loo yiri {saddex waa ku hoddaa, hilaac basari, hogol xoogleh iyo
har  arooryo}
. Gabadha aan wanaagsanayn waxay la mid tahay sida harka
subixii soo dhaca oo barqadiina lawaayo ayay la misaal tahay.

Waa tii la yiri {Nin sanad ma gaartid waa ninka kaa guri fiican, nin
maalin ma gaartid waa nin kaa hor guuray, nina waligaa ma gaartid waa
ninka kaa naag fiican}
. Ma dooneysaa in aad rag la tartanto naftaada
iyo ubadkaaga udoor haween wanaagsan si aad ugu noolaataam nolol
fiican oo farxad leh. Hooyada wanaagsan ubadka waa hanuunisaa Alla wax hanuunshee balse diinteenu waxay na faraysaa midda diinta leh in aan ku dadaalno.

Saddex saddex lagu waan shay waa xun yihiin; {Ciroole dantiis lagu
waanshay, Caalim Alle ka cabsi lagu waanshay iyo Cadrad (Gabar)
xishood lagu waansahy}.
Marba haddaysan gabadhu xishood aqoonin, waxay
doontana ku hadaaqda, baroko maleh gabadhaas.

Sideedaba saddex baa dumarka u fiican, mid markaad eegto ku farxad
gelisa, markaad amartid ku adeecda, markaad maqantahayna nafta iyo
maalka kuu dhowrta
. Dumarka waxaa ugu kheyroon tan ugu kharash yar.

Fikirkaada Waa Muhiim