Saynisyahanno ayaa sheegay socodka xawaaraha uu socdo qofka inta ay da’diisu afartameeyada ku jirto ay astaan u tahay xaaladda gabowga degdegga ee ku yimaadda maskaxdiisa iyo jirkiisa.

Saynisyahannada daraasadda sameeyey oo adeegsaday qalabka lagu cabbiro xawaaraha socodka qofka ayaa daraasaddooda la xiriiriyey socodka iyo gabowga xiriirka ka dhaxeyn kara.

Socod gaabida ma keenta oo keli ah jirka qofka oo gaboobo balse waxaa kale oo ay keentaa ayey yirahdeen kuhubarada daraasadda sameysay qofka oo wajiga duq uga ekaado iyo maskxadiisa oo yaraato. Kooxda khubarada caalamiga ah ee daraasaddan sameysay waxay sheegeen natiijada daraasadda ka soo baxday iney ku noqotay “mid layaab iyo fajac leh”.

Dhakhaatiirta qaybta ka ahayd daraasaddan waxay baaritaan ku sameeyeen caafimaadka qofka iyo socdka waxa ka dhaxeyn kara. gaar ahaanna Socodka qofka wixi ka sarreeya 65 ilbiriqsi xawaaraha uu ku socdo, maadaamaa ay tilmaan u yihiin adadkaanta murqaha qofka, sanbabka iyo sida uu u shaqeeyo, adadkaanta dhabarka iyo aragga indhaha. Socod gaabnida qofka marka uu da’da noqdana waxay saaynisyahannadu sheegeen in laga dhaxlo waxyeella maskaxeed iyo gabow.

‘Calaamadaha dhibatooyinka laga dhaxlo’

Daraasaddan waxaa laga qayb geliyey 1,000 qof oo ku nool dalka New Zealand ee dhashay 1970-yadi da’dooduna ay tahay 45 jirro, tijaabada socodkoodana waxaa la qaaday inta ay da’doodu ahayd da’da dhexe ee dhalinyaranimada.

Shaqsiyaadka daraasaddan laga qayb geliyey waxaa sida oo kale loo sameeyey baaritaan la xiriira jirka, maskaxda iyo sida ay u shaqeyso iyo sanbabka xilliga ay da’da carruurnimada ku jireenna waxaa lagu sameynayey sanad walba baaritaan joogta ah.

“Waxaa ugu dambeynti daraasadda lagu ogaaday socodka gaaban inuu yahay astaan muujineyso qofka marka uu weynaado dhibaatooyinka uu dhaxli doono,” ayuu yiri Barafasoor Terrie E Moffitt oo hoggaaminayey daraasadda ay sida wada jirka ah u sameeyeen Kulliyadda King ee London iyo Jaamacadda Duke ee Mareykanka.

Qofka marka ay da’diisu gaadho 45, xawaaraha socodka waa uu kala duwanaan karaa balse xawaaraha ugu wanaagsan ayaa lagu tilmaamay iney tahay qofka inuu halki ilbiriqsiba 2 mitir uu jaro waa isaga oo aan ordeyn.

Guud ahaan waxay daraasaddu sheegtay socod gaabida iney astaan u tahay qofka “gabowga sida uu ugu soo degdegayo” gaar ahaan xubnaha ay ka midka yihiin sanbabka, ilkaha, habka difaaca cudurrada, iwm uu ka dhaxlo, halka dadka socodkooda u xawaaraha yahay dhibaatooyinkaasi ay la kulmin. Waxyaabaha lama filaanka ee daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah qofka socodka gaaban maskaxdiisa marka la baaray iney u muuqato maskax gabowday.

Carruurta yaryar ee socod yarida ku soo barbaaray ee socodkoodu yahay (1.2 mitir halki ilbiriqsi) celcelis ahaan garaadkooda maskaxeed wuxuu gaaraa 12 dhibcood, kaasoo ka hooseeya dadka xawaaraha dheer ku socda (1.75 mitir ilbiriqsigi) oo ay da’doodu 40 jirka tahay.

Habnoololeedka qofka

Cilmibaadhayaasha caalamiga ah ee daraasaddan sameeyey waxay xiriiriyeen habnoololeedka qofka inuu xiriir toos ah uu la leeyahay caafimaadkiisa jireed iyo garaadkiisa maskaxeed (IQ), dadka yaraantooda laga billaaba ku soo noolaa nolal wanaagsan ay ka wanaagsan yihiin dadka kale. Waxay sida oo kale khubaradu sheegeen iney cilmibaadhis ku hayaan qofka oo isticmaala cuntootiyinka kalooriga uu ku yar yahay iyo dawooyinka qaar sida ay noolasha qofka u saameyn karaan.

Ugu dambeyn, khubaradu waxay daraasaddooda ku soo gabagabeeyeen calaamadaha hordhaca ee la xiriira caafimaadka jirka iyo maskaxda inuu la xiriiro habnoolaleedka qofka, marka dadku waa iney habnooleedkooda inta karaankooda ah ay wanaajiyaan inta ay dhalinyarada yihiin ayna caafimaadka qabaan.

Fikirkaada Waa Muhiim