Doorasho marka laga hadlaayo waxaa lagu macneeyaa in qof kala doorato waxyaalo badan sida walxo, shaqo, dad IWM. Balse doorashada aan ka hadlayno waxa weeye in gabadha muslimada ah ay doorato ninka ay la wadaagayso mustaqbal guur. Waxaa in badan hablaha Soomaaliyeed ku jahwareeraan ruuxii ay guursan lahaayeen, mustaqbalkooda kii ay ku aamini lahaayeen.

Waxaase soowajaha caqabado badan sida in ay kala garan waydo waxa ay ku raacayso ninka. Si aysan ugu wareerin gabadha waa in ay ku raacdaa ninka qodobadaan soo socda.

Waa in uu yahay ruux Alle ku xiran, lana yimaada wixii la faradyeelay iyo wixii laga reebay. Waa in uu yahay nin dad la dhaqan wanaagsan. Waa ruux mar walba qadariya dadka oo dhan mid yar iyo weynba. Waa in uu yahay  ruux leh dulqaad, deganaan iyo samir. Waa in uu yahay ruux leh xirfad iyo xilkasnimo.Waa in uu leeyahay dhaqan suuban oo uu kula dhaqmo qeybaha bulshada.Waa in uu bulshada uu ku dhex noolyahay ku leeyahay qadarin, xushmad iyo magac.

Waa in ay ka muuqataa akhlaaq wanaagsan.Waa in uu yahay nin masuuliyad qaadi kara, sida maamulka reerka, maaraynta haddii ay wax dhacaan iyo sida loo xallinkaro mushkilaaadka yimaada. Waa in uu yahay nin leh karti, awood uu ku maamuli karo reerkiisa. Waa nin mar walba u degdega cibaadada Alle, Rabbi ka cabsi badan. Waa in uu yahay nin ku sifoobay run, ragganimo iyo rabbi ka cabsi.

Waa in uusan ahayn ruux  been badan, khiyaano badan, wax isdaba mariya. Waa in uu san ahayn ruux leh balwad qeybaheeda kala duwan. Sida qaadka, khamrida, sigaarka, xashiishadda, tubaakada, iwm.Waa in uu san ahayn ruux caasi ah, ogow ruux caasi ah barako maleh.Waa in uu san ahayn mid kibir badan, islaweyn, isfaansha.

Waa in uu san ahayn nin tuugsada, dadka barya, ku qaraabta been iyo borabogaando. Waa in uu san ahayn ruux shaxaad ku nool iyo shillimo iidhiib aan ku noolayn.Waa in uu yahay nin shaqeysta, shaqadii doonto ha ahaato marka laga reebo waxkasta oo Alle uusan raali ka ahayn. Ogow shaqadu waa sharafta qofka.

Waa in uusan ahayn ruux macsiilow ah. Waxaad ku garan ruuxa macsida ku sifoobay, markii aad kulataan waxa uu isku dayayaa in uu ku gacmo gacmeeyo, xaaraan ku weydiisto, isagoo kaa dhaadhicinaya been oo leh haddii aad uur qaado anaa kugu qaadan iyo hal mar iidhiib, waxba ku gaarimaayaan. Ogow ruuxa noocaas ah marabo in uu mustaqbal kula yeesho balse waxa uu doonayaa in uu shahwadiisa kugu guto hadhowna cidlo ayuu kaaga tagaya, halaag iyo dhib aday kugu dambeyn.

Waxaa jira rag katagay dhaqankii, labaxay food dheer, jeegada xiirtay, far jartay, dhar ku dhegan qaatay kana tagay dhaqankiisii suubanaa, qaatayna dhaqankii gaalada. Ninka wanaagsan waa midka runta kuu sheega marka uu hadlaayo, isagoo aaminsan in runtu tahay midda keliya ee adduun iyo aakhiro ku liibaanayo. Ninka kaa raba mustaqbal waa midka wanaagaaga kugu xusha, ee aan kugu qaadan dhaqan xumo.Waa nin uheelan in uu ku waaniyo, xumaha kaareeba, wanaaga ku fara.

Mar walba waxa uu ka fakarayaa waxa aad ku sugantahay, haddii aad xanuunsato waa uu kaa welwelaa, haddii uu aragaaga, maqalkaaga midna arki waayo ama maqli waayo waxa uu dareemaa cidlo, welbehaar baa la soodarsa, waxa uu isku dayaa in uu ku sooraadsho si uu u ogaado waxa aad ku sugantahay IWM.

Mar walba uu kula kulmo waa ninaan kuu dhammayn karin arragga, isagoo kacabsanaya in uu dhaafo xadkii loogu talagalay qofka ajnabiga kaa ah. Waa nin ilaasha balanta, wacadka, marwalbana ka fekera sida uu ufulin lahaa wixii uu balanta ku galay. Waa ruux inta badan iska ilaasha in uu buriyo (Fulin waayo) wixii uu ku qowlay.

Waa nin inta badan iska ilaasha in uu sheegto wax uusan lahayn ama uu san ahayn. Waa nin runta ka hadla xataa hadduu ku waayayo, isagoo aaminsan (Qul xaq, walow kaana muraaa). Oo ah {Runta sheeg haba kharaaraatee}.Waa in uu yahay ruux cafis badan, mar walbana dadka ugafa ama wax ugaysta waa mid cafiya, dulqaad badan.

Waa nin naftiisa xakameeya marka uu xanaaqo, caradiisana yareeya. Waa nin aan ku faanin wax uu qabtay, shaqo uu la yimid, sadaqo uu la baxay, wanaag uu sameeyay, abaal uu qof ugalay, arrin uu xaliyay IWM. Waa in uu yahay ruux marwalba kaa wareysta qoyskaaga, jecelna in uu barto, la xiriiro, wanaajiyo.

Waa nin bulshadu tiraahdo hebel waa shakhsi ku sifoobay wanaag oo idil. Waa nin mar walba laga nabad galo afkiisa, adinkiisa IWM. Waa in uu leeyahay aqoon diineed sida qur’aanka iyo axkaamta diinta, waa in uu wax ka yaqaan.Waa in uu leeyahay xirfad uu ku maareyn karo noloshiisa.Waa in uu yahay nin bulshadiisa garabsiiya kan dhiban u gargaara, kan khariban waaniya. Waa in uu yahay ruux mar walba dadka fara wanaaga, kana reeba xumaha xataa hadduusan awoodin waa in uu yahay nin niyadda kanaco.

Waa in uu yahay ruux wax kayaqaan xuquuqda lagu leeyahay sida xaaskiisa, caruurtiisa iyo dhammaan bulshada islaamka. Waa in uu san ahayn ruux ku faana xiniyo uusan lahayn sida hanti uu leeyahay waalidkiis, walaalkis IWM.Waa in uu yahay ruux deeqsi ah, wuxuu baxshana aan galad sheegan.Waa in uusan ahayn ruux gacan adag, qalbi adag, niyad xun.

Waa in uusan ahayn ruux aan lahayn hadaf iyo himilo.Waa in aad leedahay yool iyo qorshe cad oo aad hiigsanayso.Waa in uu yahay ruux jecel dadka wanaagsan, lana saaxiib ah dadka ku sifoobay wanaaga. Waa in uu san ahayn ruux meeshii xunba taagan, waqtigiisa dayaca, aan tukan.Waa in uu yahay nin ixtiraama dadka ka waaweyn kuwa yaryarna tixgeliya, wanaajiya dadka oo idil. Waa in uu yahay nin dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisa difaaca, ilaasha dhaqanka wanaagsan, kana hara wixii xun oo dhan.

Dhammaan sifaadkaan ka soo sheekeynay kama wada helayso dhammaan qofka balse waxaa shardi ah in uu leeyahay qeybo kamida qodobadaa waliba qeybta asaasiga ah sida, Diinta, Akhlaaqda, dhaqanka wanaagsan, dhowrsanaanta, xiriirinta rixinka, ku dhaqanka diinta islaamka, wanaajinta dadka lanool, badqabka mukhaadaraadka IWM.

Ruuxa wanaagsani ma ahan ruux isqariya balse waa ruuxa naftiisa ka hormariya danta caamka ah. Ruuxa hadduu leeyahay diin, kuna dhaqmo xaqiiqdii qofkaas waxa uu ka reebtoonaanayaa waxkasta oo ka hor imaanaya dhaqankiisa wanaagsan. Gabadha muslimadda ah waa in ay san ninka ku dooran Lacag, Qurux, nasab balse ay ku doorato Diintiisa iyo Raganimadiisa. Oraahdaan waxay leedahay (Dadka waxaa ukheyroon qof cimrigiisu dheeraaday, camalkiisuna wanaagsanaaday).Taas macnaheedu waa in aadan eegin hanti waayo hantidu waa dhammaataa, waa la dhicikaraa, waa guban kartaa.

Qurux waa dhammaataa, waayo qofka aad qurux ku dooratay waxaaba soogaari kara dhaawac, il baaba ka dhici karta, wajiga ayaa dhaawac ka soogaari karaa, laf dheer buu ka jabi karaa, waa doorsoomi karaa muuqaalkiisa, IWM. Haddaba  quruxda ruuxa lagu doortaa biri ka maalin waa kaa tagi karaa. Ruuxa aad ku doorato nasab, waxaa dhici karta in raasku wada coloobo, dirir dhex marto lakala irdhoobo, dadku isku soonoqon waayaan. Dhib badanna ay halkaas kaa soo gaarto ruuxii aad nasab ka ku dooratayna uu kaatago mar qudha.

Ruuxa aad ku doorato diin, Akhlaaq, karti, awood, ragganimo waa midka aan kaa tagayn weligiis, haddii la coloobo, haddii hanti la’aan dhacdo, xanuun hadduu yimaado, qadar Eebbe dhacay, IWM. Qofka aad ku doorato diin, dhab ahaan waa ruuxa Alle raali kayahay, waayo qofka leh diin kuna dhaqma waxaa hubaal ah in uu liibaanay ruuxaas. Raaskaasna waxa uunoqonayaa midku sifowday guri lagaga dhaqmo diin iyo Akhlaaq wanaag.

Sareedada adduunka waxa ugu wanaagsan nin diinleh, ku dhaqma, ixtiraama dadka, kan ka sareeya, kan ka hooseeya iyo kan la siman. Horaa loo yiri (Dad waxaa ugu wanaagsan ninkii naagtiisa Dayacaadda ka ilaasha, diinta ku waaniya, deeqdana ugu roonaada, daryeelna ugu dara).

Gabadha wanaagsan waa midda ka fekerta aakhiradeeda balse aan ka fekerin adduunyo.Waxaa dhacda in aad aragto gabar leh ani waxaan rabaa wiil Yoo-Yoo ah, shidan, food dheer, dhexda dhuuqsada, sigis baag leh, IWM.

Waa dhibaato runtii, qof saas u fakaraya mustaqbalkeeda waxay ku idlaan shalayto, waayo ninka foodda dheer, jeegada xiiran, aan haysan dhaqanka wanaagsan kuna dhaqmin diinta islaamka waxa uu dhalayaa awlaad la mid ah.Waxaana hadhow dhahaysaan caruur ma ahan, waa dhib badan yihiin, ciyaal suuq bey noqdeen, suuqey wareegayaan, waa caasiyaal, waxba ma maqlaan, khaati baan ka taaganahay IWM.

Walaashayda muslimada ahay ka feker mustaqbalkaaga, ubadkaaga, iyo aakhiradaada. U samee ilmahaaga Aabbe wanaagsan si aadan biri u shalaayin una oran saas ma malaynayn iyo wax aan xal loo heli karin markaas. Gabadha muslimada ah waxaa ka xaaraan ah, mamnuuc ka ah in ay guursato nin gaal ah. Waxaa soo batay waayahaan dambe In gabdhaha Soomaaliyeed kuwooda qurbaha jooga ay guursadaan nin aan haysan diinta islaamka, iyadoo muslimad ah.

Taas waxaa keenaya qofta dumarka ah oo aan aqoon u lahayn diinta islaamka, sababtoo ah haddii ay garanayso nin gaal ah in uusan guursan karin gabar muslimad ah.

Waxaa lamida ninka islaamka afka ka sheeganaya oo aan tukan, waxaad arkaysaa in aad aragto wiil iyo gabar aan tukan, dadka noocaas ah meherka ma isku qabtaa?

Ruuxa muslimka ah iyo Alle waxa isku xira oo keliya waa salaadda, Alle qur’aanka waxa uu kuleeyahay {salaadda waxay reebta xumaha}.

Qowl kale oo raajaca ayaa dhahaya (Qofkii kataga salaadda waa gaaloobay). Haddaba walaashayda muslimadda ahay ha guursan nin aan tukan, xataa haddii lawaayo rag oo idil dunida oo dhan.

Fikirkaada Waa Muhiim