Ka hor inteysan deegaan noqon, Xarfo waxey ahayd Balli ku habboon daaqa xoolaha lagana heli jirey cowsas kala duwan. Waxaa kaabi jirey biyaha ka soo rogmada buuraha ka xiga qorax kasoo baxa. Magaca Xarfo waxuu muujinayaa inuu balligaas ahaan jirey dhul qabow. Degistii ugu horeysay waxey ahayd sanadkii 1900, inkastoo si teel-teel ah loo soo dagayey hadana kala barkii qarnigaas ayaa dad xoogleh ku soo xaroodeen. Dadkii ugu badnaa waxay Xarfo soo dageen muddadii u dhaxeysey 1980-1997.

Waxey ahayd deegaan xiriir la leh gobolka ay ka tirsantahay iyo gobolka Nugaal. Boqortooyadii hobyo ee ka talineysay gobolkaas, waxay Xarfo ka aasaastey xarun tababar ee la oran jirey Abqaale, oo sadex kiilo miter(3km) u jira Xarfo. Xeradaas oo la aasaasey bilowgii qarnigii 20aad, ayaa ilaa hadda ah akadheemiyad lagu tababaro ciidanka Puntland iyo Soomaaliyaba, sanadkii 2006-2007, waxaa xaruntaan lagu tababarey ciidan loo wadey dowladda dhexe ee Soomaaliya si ay u garab istaagaan dowladdii dhexe oo Cabdulaahi Yuusuf madaxwaynaha ka ahaa.

Abqaale waa goob istiraatijig ah, waxyaabo kala duwan loo isticmaali jirey marka laga soo tago xarun tababar, waxay ahayd goob ciid wanaagsan, har-wanaagsan lehna Quracyo waawayn, waxey ahayd xarun lagu qabsado caleemo saarka isimada, waxaa lagu doortey Suldaan Ahmed Hurre iyo Suldaan Maxamed Maxamud Cilmi. Sanadkii 2015kii ayaa lagabadaley magacii Abqaale loona bixiyey xarunta Jeneraal Tukade,Waxayna noqotey xarun u go’an akadhemiyad tababar.

Xarunta J. Tukade iyo xarunta Carmo waa labada xarumood ee ugu waawayn Puntland ee lagu tababaro ciidamada.

Dhammaadkii qarnigii tagey Xarfo waxay ahayd magaalo kobceysa, Waxay lahayd maqaaxiyo caan ah oo ilaa Boosaaso baabuurtu uga soo hirato. Maqaaxidii Middiyocad waxay ahayd baar ay wadayaasha baabuurta ay niyadda ku hayaan markey caasumadda Garowe soo dhaafaan. Gu’gii 1998dii ee la unkayey Puntland, Middiyocad waxay ahayd baar caan ka ahaa gayiga Puntland.

Magaalada Xarfo waa deegaan ka mid ah deegaanada gobolka Mudug, waxay Magaalada Galkacyo u jirtaa 70km, waxayna kaga beegan tahay dhinaca waqooyi bari ee xiga gobolka Nugaal. Xarfo waxaa degmonimada loo magacaabay sanadkii 2007dii, waxii ka horeeyey waxay ahayd deegaan hoos yimaada degmada Gaalkacyo. Maalin ba maalinta ka danbaysa Xarfo waxay qaadeysaa talaabo hormarineed, haddana waxay ka mid tahay degmooyinka laf-dhabarta u ah dhaqaalaha gobolka Mudug.

Degmada Xarfo illaa intii degmada loo magaacaabay, waxaa yaalla kastamka canshuuraha gobolka mudug, waana goobta lagu canshuuro gawaarida isaga gooshta gobolka Bari illaa Baladweyne.

Degmada Xarfo horumar badan sameysay illaa iyo intii la deegaameeyey. Horumar kasta iyo jaanqaad kasta waxaa ku dahaaran caqabado iyo fursado, bulshada reer Xarfo waxay u soo joogeen caqabado badan oo la xiriira waxbarashada, ciyaaraha, ganacsiga, maamulka iyo arimaha kale bulshada, waxaana ku lammaannaa fursado. Adduunka oo dhan ayaa ka sameysan caqabado iyo fursado, bal aan xuso qayb ka mid ah caqabadihii iyo fursadihii reer Xarfo la kulmeen iyo kuwa haddaba ku gudban.

Waxbarashada

Waxbarashada diiniga ah aad ayey ugu fiicnayd Xarfo, macalimiin aqoon durugsan u lahaa ayaa Xarfo soo marey sida Shiikh Cabdi, Macalin Carab, Macalimad Xaliimo Aw-Cabdi, macalin Xasan, Macalin Farxaan iyo kuwo kale oo aan qoritaan lagu soo koobi karin. Caqabadaha ugu badan reer Xarfo waxay kala kulmeen waxbarashada maadiga ah, sanadkii 2003da, Xarfo waxay lahayd hal iskuul oo hoose/dhexe ah oo ka koobnaa afar qol iyo waab. Fasalka labaad iyo fasalka todobaad, afartaas fasal bay isku ciriirsanayeen.

Fasalka kowaad waxaa wax lagu bari jiray waabka. Sanadkii 2004ta ayaa la dhisey iskuul hoose dhexe oo ka koobnaa lix qol, culayskii fasaladana wuu yaraadey inkastoo uusan wali ku filnayn. Markii loo soo wareegay iskuulka hadda loo yaqaan Horyaal, waxaa curtay caqabado cusub, maamulihii iskuulka iyo waaridkii ardeyda waxay isku afgaran waayeen lacagta iskuulka.

Maamulihii waxuu codsadey in lacagta la kordiyo, waaridkiina culays bay ku noqotey. Macalin Farxaan oo ahaa maamulihii iskuulka xiligaas, waxuu ahaa maamule hawl-kar ah, kuna ad adag shaqadiisa, aadna u yaqaaney sida loo maareeyo caqabadaha ku yimaada iskuulka. Is-afgaran-waa ka dib, maamulihii wuu isaga huleelay baladka, waxuuna aadey magaalada Gaalkacyo. Iskuulkii hoose dhexe waxaa la waayey maamula u hogaamiye si togan, waxuu la darsey khilaaf iyo is-heysasho gooni ah, sidii dowladdii baa dhowr jeer la afgambiyey, waxaan ku wareernay waxbarashadii iskuulkaas, heer waxay gaartay ardeyda qayb ka mid ah macalimiin is-heysata ay dhex dhexaadiyaan.

Ugu danbayn waxay arintani sababtay niyad jab wayn oo ardeydii iyo waaridkii ka qaadeen iskuulkaan. Dhibaatooyin badan kadib iskuulkii wuu naga xirmey, inyar oo fara ku tiris ah ayaa ka badbaaddey ardeydii todobada fasal ahayd, badi waxay ka leexdeen dowgii waxbarashada. Aniga iyo saaxiibadeydii niyadda ku hayey inay waxbarashada heer ka gaaraan waan is kaga huleelney Xarfo, qofba meel buu u irdhoobay.

Sanadyadaas(2003) waxaa Xarfo laga dhisey Xarunta waxbarashada nabadda iyo horumarka ee Galkacyo(GECPD), qaybti labaad ayaa halkaa laga furey se’ waxuu ahaa iskuul u gaara gabdhaha, ma ahayn iskuul wiilasha fursad u siinaya waxbarasho.

Xarunta GECPD waxaa aasaasey Xaawa Aadan Camey, waa maamo dadaal wayn u hurtay haweenka iyo shacabka kale ba, waxay soo saartey jiilal kala duwan, waxay gabdhaha bari jirtey waxbarashada aasaasiga ah iyo farsamooyinka kala duwan. Waxay Xarfo ka yagleeshey xarun wayn oo ku fadhida cabir ku simman labo boqol oo mitir.

Waa xarunka ka kooban tahay dugsi hoose/dhexe oo dhisme ahaan ka kooban toban qol oo wax lagu barto, fasalka kowaad illaa kan sideedaad. Tobanka fasal waxaa dheer qol kayd ah, hool shirarka ah, hal Libreeri, afar suuli iyo madal lagu ciyaaro kubadda basketka. Xaruntu waxaa kale oo ku dhex yaal iskuul lagu barto farsamooyinka kala duwan, waxuuna ka kooban yahay afar qol oo wax lagu barto, hal xafiis, hal hool oo shirarka ah iyo sadex suuli. Marka intaas laga yimaado xaruntu waxey leedahay iskuul hoosteel ah oo ardey laga keeno goobo kala duwan lagu xareeyo halkaasna ay ka helayaan, qolalkii hurdada, hoolashii cunada, jikooyin iyo masaajid yar.

Marka laga tago waxbarashada xaruntaan waxaa kabaxa oo lagu beeray qudaar kala duwan iyo dhir cagaar; waxaa ka baxa Qare, Liin-dhanaan, batiiq iyo Moos(inkastoo aan la isticmaalin), waxaa kale ee laga beeray dhirta hooska leh. Ahmiyaddii hore ee loo dhisay waxay ahayd kobcinta aqoonta gabdhaha balse hadda waxaa ka furan dugsi hoose dhexe oo umaddu u siman tahay, kharash ahaan wuu ka raqiisi sanyahay iskuulada kale.

Caqabado kasta hasoo maraan waxbarashada degmada Xarfo, iskuulkii naga xirmey dib baa loo furey, sanadkii 2014kiina waxay yeelatay dugsi sare ee ay garab wayn ka ciyaareen qurba joogta iyo dal joogtaba. Hadda waxaa ka furan Xarfo afar dugsi, sadex dugsi hoose dhexe oo wasaaradda waxbarashada Puntland ka diwaangashan, sanad walbana ardey badan u fariisato imtixaan sideedaadka iyo sadex dugsi hoose oo aan diwaan gashanayn laakiin ardey soo saara. Intaas waxaa u dheer digsiga sare ee Suldaan Hurre Secondary iskuul.

Ciyaaraha

Marka laga soo bilaabo bilowgii qarnigaan aan ku jirno, reer Xarfo waxay soo mareen xilliyo ka kala duwan. Xilli waxaa jirtay Mudug laga hadal hayn jirey horumarka kubadda cagta ee ay reer Xarfo gaareen. Inkastoo aysan jirin sooyaal kaydsan oo buug ama waraaqo ku duugan balse dadkii naga horeeyey waxay nasoo gaarsiiyeen mahadhooyin iyo xilliyo qurux badan oo ay u soo joogeen, reer Xarfo na ay horumar xirfadeed kubadeed ay soo bandhigeen. Isku soo duub oo waagaas horumar fiican bay muujiyeen. Xiligii labaad ee aan u soo joogey waa muddadii u dhaxeysay 2003tii illaa 2008dii, waxaa degmada waagaas u soo kacay rag dhallinyaro, isku jiil ah, isna fahansanaa.

Naadi Mudug jooga kuma dhicin waxay se’ u barbar dhigi kareen xulka Mudug, inkastoo xilliyadaas magaalada Bursaalax ay lahayd naadi adag, oo ay adkayd si looga adkaado. Shacabka reer Xarfo waliba ganacsatada, waxay si wanaagsan u garab istaageen dhallinayaradii ahayd ciyaaryahanada, maal iyo moodba wey garab taagnaayeen, shacabka inta soo hartayna taageero bay muujin jireen, waxay lahaayeen heeso dhiirri-galineed, waxaana ka xasuustaa;

Xarfo waa Baladka wayn
Banooniga wey taqaan
Bishaan bisheeda kale
Burcay la ciyaarayaan.

Dhallinyaraad waxaa ka mid ahaa Yaasiin, Miimi Salaad, Cabdiqani Salaad, Faarax Khaliif, Qaye, Cabdifitaax Guutaale, Maxamed S. Qodobey iyo rag kale oo badan. Waxay guul badan soo hoyiyaan ba, dhallinyaradii waxaa dhex galay dhiqle(qabyaalad), meel dhiqlahaas galana ma fayoobaato, sidaas baa jiilkaasna ku tagey.

Jiilkaas waxaa ku xigay jiilka hadda jira, Xarfo hadda waxaa ka dhisan afar naadi oo waawayn iyo lix kooxood oo ku xiga. Kooxa waawayn waxay safaro ciyaareed u galaan ilaa Boosaaso, Ayl, Qardho, Garowe, Sheerbi iyo degmooyinka kale ee gobolka Mudug. Runtii waxay muujiyaan dadaal, Xarfo waxaan laga aqoon in naadi u yimid gar eexa laga galo—markey u safraan gobolada kale waxaa laga yaabaa amase ay u badan tahay in Garsoorahu uu la jirsado kooxda gurigooda joogta; garbiyana kooxda timid. Waxaa ilbaxnimo lagu amaani karo degmada Xarfo, cidna laguma dulmiyo sida badan. Xarfo waxay leedahay garoon wayn, kuwo dhex-dhexe iyo garoon casri oo roog ah habaynkii iyo galabtii lagu ciyaaro.

Maamulka

Illaa iyo intii degmonimada ay qaadatey Xarfo, waxaa soo marey shan gudoomiye, gudoomihii ugu danbeeyey bil ka hor baa la doortey, afarta soo hartay, gudoomiye kasta meel buu wax soo gaarsiiyey, sanadkii 2014kii waxaa Xarfo loo doortey aqoon yahan Cabdifitaax Guruu, horumar bay ahayd balse nasiib darro, aqoonayahankii siduu wax u wadey dadkii wey la fahmi waayeen sidaas daraadeed waqtigiisii muusan dhammeysan. Guruu degmada waxuu u soo dhiciyey isteeshin heer sare ah, Puntland waxay nasiib u yeelatay in loo dhiso afar xabsi oo waawayn iyo afar maxkamadood oo dadka lagu dhiirri-galinayo inay dhistaan.

Afartaas mid kamid ayeey Xarfo ku guuleysatay, waxuu ahaa Xabsi si heersare ah loo dhisey, waxuuna ka koobnaa labaatan iyo kow qol oo maxaabiisa lagu xiro iyo qolal kale oo isticmaal kala duwan leh. Waxuu u qaybsan yahan qeyb dumarka ah iyo qeyb ragga ah.

Qorshaha waddooyinka magaalada (town plan) waxuu ahaa qorshe laga falkiyey shirar iyo tababarro ay qabatay hey’adda DDG, oo mashruucaas Xabsiga iyadu fulineysay, Puntalandna afar magaalo buu qorshahaas ka socdey.

Markey noqoto waxqabad, labo gudoomiye baa ugu waxqabad fiicnaa, waa Cabdulaahi Faarax Bayle iyo Bashiir Macalin Daahir, labaduna waxay soo kordhiyeen wax-qabad aan indhaha laga qarsan karin. Gudoomiye Cabdulaahi waxuu magaalada u diyaariyey hanaan dowladeed, isagoo u dhisey xarunta dowladda hoose una soo dhiciyey xaqii ay ku lahayd maamulka Puntland. Bashiirna shaqadii ugu muhiimsanayd ee uu reer Xarfo u qabto waxay ahayd isagoo magaalada u diyaariyey qorshaha waddooyinka una furey waddooyin habboon. Golaha deegaanka degmada Xarfo waxaa la aasaasey sanadkii 2014kii, waxuuna xiligaas ka koobnaa todoba iyo toban balse hadda waa sagaal iyo toban, waxaana lagu qaybsadaa sida qabiiladu magaalada u kala daggan yihiin, inkastoo markasta oo qabiil wax lagu qaybsado ay tabasho jireyso.

Degmada Xarfo oo ka kooban afar xaafadood oo waawayn, waxaa hoosyimaada deegaano gaaraya sodomeeyo. Degmada Xarfo, dadka ku nool waxaa lagu hilaadiyaa labo iyo toban kun(12000) oo qof. Noloshada dadku waxay ku tiirsan tahay biilasha laga soo diro wadamada reer galbeedka iyo ganacsiyo yaryar. Qoysaska noloshooda badi waxaa tiirdhaxaad u ah hooyooyin, dadaalo badan ayeey u huraan caruurtooda si ay wax u baraan amase u barbaariyaan. Xarfo waxaa ku yaalla afar huteel oo loogu tala galey dadka martida ah iyo ciddi kale oo timaadaba. Degmada Xarfo in muddo ah, waxay lahayd hal MCH oo aan kaafin karin baahida caafimaad ee degmada balse 2017kii ayaa loo dhagax dhigey isbitaal wayn, isla sanadkaanna waxay heleen qalabayn heer sare ah.

Waxii ka horeeyey sanadkii 2006dii, Xarfo malahyn shirkad koronto, waxay ku xirnayd Matoorro shaqsiyaad leeyihiin oo xilligii ay rabaan ay daartaan ama dansadaan. Sanadkii 2006dii waxaa Xarfo timid shirkadda Golis ee lagu yaqaan isgaarsiinta, bixisana adeegyada Korontada. Golis waxay magaalada galisey Koronto, Sidii hore waa laga roonaadey balse waxaa la galey gumeysi hor leh, saacado tirsan ayaa la siidayn jirey korontada, bulshadii waxay dareentay in ay cadaab yar ama gumeysi ku jiraan.

Golis iyadoo maamul xumadeeda bulshadu la dhibanayd ayey soo kordhisay gumeysi koronto. Bulshada lacag qaali ayeey ugu dhufan jirtay waxii saacaddu soo saarto, intaas waxaa dheeraa in bulshada la luggooyo, ciddii durugsan oo u baahata adeeg koronto waxay ku khasbayeen inay baalal iyo agabkii kale soo gataan ka dibna loo galiyo, arintaasina bulshada dhib bay ku ahayd.

Iyadoo dhibkaas lagu jiro, ayaa bulshada waxaa u hilaacay shirkad la yiraahdo Ilays oo kasoo maaxatay maskaxda qayb ka mid ah qurba-joogta reer Xarfo. Bilowgii 2017ka ayaa dhidibada loo taagey shirkadda Ilays, oo ka kooban qayb Koronta ah iyo qayb qaabilsan biyaha sifeysan. Markii Ilays shaqadii bilowdey, Golis waxay isku duleysay bulshada, goobaha ganacsiga sida badan waxay gashadeen Korontada Ilays, waa shirkad ay maalgashadeen bulshada reer Xarfo oo lacagtii ay bixiyeen si dedban ugu soo noqoneysa halka lacagta Golis waddanka laga dhoofinayo. Waxgaradkii aasaasey Ilays lacag yar ayeey bulshada uga dhigeen, hardankii labadaas shirkadood waxuu sababay in sanad dhan Korontada Xarfo laga dhigo bilaash. Afar iyo labaatanka saacna aan ilbiriqsi maqnaanayn.

Sanad ka hor reer Xarfo iyagoo lacag badan hurayey ayaa sidii larabo laga yeelayey, Korondana nin baa ag fariisan jirey oo markii ay waqti gaarto dansan jirey. Waa arin dhiirri-galin mudan, dadna lama gumeysto illaa iyaga laga arko.

Fursadaha ugu sareeya ee degmadaas leedahay waxaa ka mid ah labo riig oo aan biyahoodu gurin. Baahiyaha biyaha waxay ka mid yihiin baahiyaha ugu waawayn ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan dhulalka durugsan. Xarfo waxay nasiib u yeelatay inaan dadkeedu marna haraad iyo biyo dhaamis galin, halka magaalooyinka ku hareereysan ay u soo aroori jireen Xarfo. Dhawaan waxaa magaalada laga hirgaliyey Biyogalin, inkastoo uu soo daahey mashruucaas hadana hadda waa laga guul gaarey.

Fikirkaada Waa Muhiim