Nafaqo-daradu waa xaalad halis ah oo dhacda marka uu qofku cuno cunno, taasoo aheyn xaddiga nafaqada saxda ah ee jirka u baahan yahay. Nafaqo-darada waxaa loo qey-biyaa labbo qeybood oo kale ah:

1-Nafaqo-daro jirka uu waayo nafaqo ku filan (Under-nutrition).

2-Nafaqo-daro jirka uu helay nafaqo ka badan xaddigiisa (Over-Nutrition).

Tusaalle qofka da’diisa ay tahay 20sano waxaa laga rabaa in uu noqdo 60kg, kawaran haddii uu noqodo 35kg, waxaa ku dhacay qofkaas nafaqo-daro uu jirkiisa waayey xaddiga nafaqada ku filaneyd, halka haddiii u noqodo qofka 20sanno jirka ah 200kg aan dhaheeynno waxaa ku dhacday nafaqo-daro uu jirkiisa helay nafaqo ka badan xaddigiisa. 

Hay’adda Caafimaadka Adduunka  waxa ay sheegtey 463Milayan oo dad waaweyn ah oo waliba ku nool daafaha caalamka in ay ku dhacdo nafaqo-daro, halka 159milyan oo caruur ah, kuwaas oo ku kale nool daafaha caalamka ay saameyso nafaqo-daro caafimaadkooda.

Waddamada soo koraayo waxa u badan oo ay u dhintaan waa nafaqo-darada nooca jirka uu waayo nafaqo ku filan, halka waddamada hormaray ay ka cabanaayaan nafaqo-dardada nooca  jirka uu helaayo nafaqo xad dhaaf ah.

Caalamadaha Nafaqo-darada lagu garto waxaa kamid Ah;

  • Culeeska qofka qaangaarka ah  oo ka badan 180kg ama ka yar 35kg.
  • Qofka oo ku yaraato rabitaanka cunnada.
  • Qofka oo lagu arko sara u kaca cadaadiska dhiigga.
  • Qofka oo timaha daataan.
  • Qofka oo socodka ku adkaado.
  • Qofka oo murug ku furmato,sababo la xariiro hadaladda Bulshadda ay ku yiraahdaan, sida in ay dhahaan oo kale waad buuran tahay.
  • Qofka oo neefsiga ku adkaado.

Siddee ayaa looga Hortaggi Karaa Nafaqo-darada?

1-Cunista  cunno dheelitiran waxa ay ka qeyb qaadataa ka hortagga nafaqo-darada.

2-Jimicsi joogta oo qofka sameeyo waxa ay ka qeyb qaaddataa ka hortagga nafaqo-darada.

3- Qofka in uu badsado  cunista qudaarta cagaaraan.

4- Qofka oo cabbo biya badaan maalin waliba.

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim