Waa luuqad ay isticmaalaan bulshada maqalka la’, tiro badan oo ka mid ah dadka adduunka ku nool ayaan awood u lahayn inay wax maqlaan ama hadlaan, waxaana la dhiraandhiriyey qaab dadkaan bulshada uga mid noqon lahaayeen. Waa farsamo ay ku soo bandhigaan aragtidooda ugana mid noqdaan bulshada. Maqal la’aantu dadka qayb ayaa dhaxal ahaan u hela, qaybna wey ku dhashaan; qaybna waxaa ku sababa jug ku dhacda.

Afka calaamadda waa luuqad adduunka oo dhan laga isticmaalo balse kala duwanaansho ay jirto, waxaa la aaminsan yahay in lix kun oo sano ka hor la aasaasey, waxuuna isugu jiraa mid cilmiyeed iyo mid guud. Qaab kasta iyo cillad walba oo aad ku dhalatid ceeb maaha balse waxaa habboon inaad falkisid sidaad noloshaada u hormarin lahayd.

Haddii aad ku dhalatid cillad sida maqal la’aan, gacmo la’aan amase mid kale; ha ku mashquulin iintaas, derbi adagna yeysan kugu noqon inaad hormar gaartid, inkastoo ay tahay caqabad wayn hadana dadaalaa wuu gaaraa, aqoontu waa baritaarka ugu wanaagsan ee hormarka shaqsiga iyo waddankaba si guud. Adigoo maqal la’ baad noloshaada heer-sare gayn kartaa, waxaana noqon kartaa halyeey umaddu ku hirato. Markaan ku soo noqdo luuqadda suul-dhabaalaha, waxay fudeyneysaa isdhexgalka bulshada kuwa maqalka leh iyo kuwo aan lahayn.

Dalkasta waxuu leeyahay is-afgaasho gooni ah, inkastoo waxbadan laga siman yahan, tusaale; waxaa jira Afka calamadda Mareykanka, afka calamadda ee Ingiriiska, Afka calamadda ee Kiinya iyo Afka calamadda Soomaaliya(iskastoo aysan hormarsanayn). Waxyaabaha laga siman yahay waxaa ka mid calaammadda lagu garto xuruufaha sida shaqalka iyo shibanaha. Waddan kasta dadaal dheer buu ku bixiyaa siduu u hormarin lahaa afkaan, si uu wax ubaro dadka uu ku adagyahay maqalka iyo hadalka.

Afka Suu-ldhabaalaha iyo Soomaalida

Afrika miyaa laga isticmaalaa? Afka Suu-ldhabaalaha iyo Soomaalida waa side?

Inkastoo aysan jirin dadaalo ay dowladihii Soomaaliya soo maray ku bixiyeen hormarinta is-afgarashadaan iyo wax baridda dadka maqalka la’ hadana Soomaalidu waxay lahayd is-afgarasho Suul-dhabaale, qof ku dhashay baadiye, cidna aysan wax barin ayaa ku dhexnoolaan jiray bulshadaas iyagoo kuwada xiriiraya suul-dhabaalaha, xigmaddii Soomaliyeed waa tii ahayd “Suuldhabaale waa hadal hadane waa si gooni ah”.

Si kastaba ha ahaatee mararka qaar nolosha ayaa ku bareysa sidaad ugu noolaan lahayd deegaan qalafsan iyo jawi cakiran. Ilmo yar oo ku dhex dhashay umad afka wada nuuxnuuxinaysa, uusanna awoodin inuu fahmo, daryeel iyo waxbarashana aan helin, runtii waa nolol dhimashada dhaanta.

Burburkii dowladdii dhexe ka dib, Soomaalidu waxay fahantay in dadka maqalku ku adag yahay wax la bari karo, iskuulo gaar ahna loo samayn karo, meeshii ugu horeysay ee laga furo oo Soomaali joogto waxay ahayd magaalada Wajeer, oo Kiinya ka taliso, dad badan oo Soomaali ah baa ku xoomay oo meelo kala duwan ka yimid.

Dugsigii ku xigay ee la furo waxaa laga furay magaalada Boorame sanadkii 1997dii, macalimiina Kiinya baa looga keenay, kadib Soomaalidii oo dhan baa fahantay in ay jirto qaab gooni ah oo dadkaan wax loo bari karo.

Gu’gii 2001 waxaa la furey iskuulka dhagoolayaasha ee Hargaysa, kadib 2003diina magaalada Muqdisho waxaa laga furey iskuul dadka xaaladdaan ku nool wax lagu baro.

Kadibna Soomaiya oo dhan waliba magaalooyinka waawayn baa laga furey iskuulo noocaan oo kale ah. Muddo yar ka dib waxaa bilowdey kacdoonno iyo dadaalo dhiirri-galineed, waxaana la aasaasey ururro hormariya una dooda waxbarashada dadka ku dhasha marxladaan amase ku nool.

Dadka qayb ayaa jirta hadli karta balse aan wax maqli karin, kuwaas ayaa badana fududeeya barashada afka suuldhabaalaha. Ururada la aasaasey waxaa ka mid ah Somali Deaf Union (SODO), Somali National Association for the Deaf (SONAD),Deaf Youth Organisation (DYO) iyo Hargeisa School for the Deaf Parents Committee (HSDPC).

Dugsi dhexe ama sare marka laga soo tago, dadkaan waxay u baahan yihiin jaamacado iyo machadyo kale ee ay kusii kordhiyaan aqoontooda iyo farsamada. Tan kale shacabka Soomaaliyeed waa inay bartaan Afkaan, haddii ay san bulshadii Afkii aqoon dee yey kula hadlayaan. Runtii waa dad firfircoon oo caqli badan, rabana inay ku noolaadaan nolol qurux badan, waxaan rajeynayaa inaan ka qayb qaadano isdhexgalka bulshada.

Fikirkaada Waa Muhiim