Su’aal ay in badan ka dooddeen waxgaradka adduunku, ayaa waxay leedahay: waa maxay mowqifka dowladda ee ku aaddan akhlaaqda dadku? Haddii si kale loo yiraahdo: waa maxay xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo akhlaaqdu? Maxaase ka run ah in sababaha muslimiintu ugu baahan yihiin helitaanka dowlad islaami ahi ay tahay si dowladdu muslimiinta ugu ilaaliso akhlaaqdooda islaamiga ah?  Xilka dowladdu waa in la helo bulsho nidaam iyo kaladanbayn leh. Waayo, nidaamka iyo kala danbayntu waa furaha nabadda iyo horumarka. Sidaa darteed, dowladdu waxay taageertaa wax allaale wixii xoojinaya deggenaanshaha iyo isku xirnaanta bulshada, waxayna la dirirtaa wax alle iyo wixii dhaawacaya arrimahaas. Sidaa darteed, dowladdu waxay danaysaa akhlaaqda guud ee bulshada, laakiin ma danayso akhlaaqda qofka.

Tusaale ahaan, haddii qofku khamri ku cabbo gurigiisa dhexdiisa isaga oo aan cidna wax dhib ah u gaysan, dowladda islaamka ahi hab-dhaqanka qofkaas dan iyo hello kama gasho, oo waxba uma raacato, waayo qofkaasi dantii guud ee bulshada wax uma dhimin. Laakiin si taa ka duwan, haddii qofku maalin ramadaan biyaha samsamka ku fiiqsado meel fagaare ah, lagana baqayo in falkaasi isku dhac iyo buuq uu bulshada ku dhex beerayo, dowladda waxaa la gudboon in ruuxa sidaa yeela ay tillaabo ka qaaddo.

Waxaa tusaale noogu filan qisada qabsatay Cumar Ina Khaddaab (RC) ee oranaysa: Cumar oo habeen xaafadaha magaalada middood dhexmaraya ayaa wuxuu maqlay guri ay ka socoto sheeko qaraami ah oo uusan u bogin. Cumar intuu caro isla hayn waayey ayuu aqalkii u dhacay, wuxuuna ugu tagey wiil iyo gabar baashaalaya. Markuu caradii kula dhacay oo uu damcay inuu ciqaabase waxay ku yiraahdeen: Annagu hal denbi baan galnay, laakiin adigu waxaad gashay saddex denbi; Kow: Alle wuxuu yiri: “Ha is jaajuusina”, adiguna waad samaysay. Labo: Alle wuxuu yiri: “Guryaha albaabka uga imaada”, adiguna derbigaad ka soo booddey. Saddex: Alle wuxuu yiri: “Guri aan kiinna ahayn ha gelina jeer aad idan weydiisataan”, adiguna idan la’aan baad dalaq iska soo tiri.” Dabadeed, Cumar oo ahaa caaqil fiiro dheer, durbana wax fahma, inta garwaaqsaday gefka uu galay ayuu shanqar la’aan aayar iridda uga degey.


Kaalinka Aqoon-yahanka

Soomaalidu waxay tiraahdaa nin baa wuxuu yiri: “Haddaan hadalno waa af salax ku dheg, haddaan aammusnana ariga sida laga deynmaayo!” Run ahaantii, ma jiro ruux keligi yiri weedhaas, balse weedhu waa mid ka soo fushay maskax wadareedka bulshada. Weedhana waxaa xasuusta qof kasta oo khalad cad oo u muuqda, aan siduu dawga u arkayey uga hadli karin, isaga oo arrimo kale xeerinaya darteed. Maantana waxaad mooddaa in aqoon-yahannada iyo guud ahaan wax-garadka Soomaalidu ay xaaladdaas oo kale ku sugan yihiin. Waayo, marka labo labo loo sheekaysanayo waxaa muuqata in khaladka iyo dhibka isku si loogu wada jeedo, haddana lama hayo cid ku dhiirrata inay khaladka si bareer ah afka iyo qalinka ugu ballaariso. Taa awgeedna, waa muuqataa in cid waliba ka cararayso af salax ku dhegga, laguna ducaysanayo: Allow duul na furta noo bixi! Waxaa cad oo marag madoonto ah in aqoon-yahanka Soomaaliyeed uu maanta kaalinkiisii gabay, oo iyaga la hago halkii ay iyagu bulshada ka hagi lahaayeen.

Tusaale ahaan, barlamaan tirada xubnihiisu tahay 550 ayaa waxaa loo keenay dood oranaysa dalka shareecada islaamka ha lagu dhaqo. Xubnahaasina iyaga oo aan wax dood ah yeelan ayay si fudud, oo aan loo kala harin u ansixiyeen qoddobkaas. Haddaba, su’aasha meesha taal waxay tahay barlamaanka sharafta lihi shacabka ma u sheegi karaa waxa loola jeedo shareecada aan horay loogu dhaqmi jirin ee hadda la rabo in qaranka lagu dhaqo?

Xubnaha baarlamaankeennu waxay maanta garan waayeen arrin uu Maxamed Cali Jinaax gartay sannadkii 1946kii. Waxaa la wariyey in Maxamed Cali Janaax oo loogu yeero aabbaha Bakistaan ay wadaaddo u soo jeediyeen inuu ku dhawaaqo in shareecada islaamka waddanka lagu dhaqayo. Janaax wuxuu wadaaddadii dib ugu celiyey su’aasha ah: Waa Shareecadee? Dooni maayo in aan arrinkaas faraha la galo. Isla marka aan baddaas galo ayaa culumadu talada la wareegayaan iyaga oo ku andacoonaya inay hawshaan khubaro ku yihiin. Hubantidiina diyaar uma ahi in aan wadaaddada talada faraha u geliyo.” Intaa ka dib, Janaax wuxuu la hadlay shacabka reer Bakistaan wuxuuna ku yiri: “ Xor baad tihiin; xor baad u tihiin in aad aaddaan macbadka, xor baad u tihiin in aad aaddaan masjidka iyo meeshii kale ee aad ku cibaadaysanaysaan oo Bakistaan ah. Waxaad ka tirsanaan kartaa diinta, dabaqadda iyo caqiidada aad doonto,. ..taasi ma aha shaqo u taal dowladda …mabda’a aasaasiga ah ee aan ka duulaynaa wuxuu yahay in dhammaanteen aan nahay muwaadiniin muwaadinnimadoodu siman tahay oo ku abtirsada hal qaran.”

Doodda oranaysa shareecada halagu dhaqmo ama shareecada hala isku xukumo, waxay gudbinaysaa farriin nuxurkeedu yahay in qawaaniinta Soomaalida iyo waddamada kale ee islaamka badankoodu ay ku dhaqmaan badankoodu ama gebi ahaanba ay liddi ku yihiin islaamka, ayna yihiin wax diinta islaamku ay diidayso. Dooddaasina waa mid caqliga iyo waaqica dhabta ah labaduba ay diidayaan.

Run ahaantii, meesha laguma hayo shareeco aan horay loogu dhaqmi jirin oo hadda la doonayo in la isku dhaqo, duulka ku celceliya shareecada ha lagu dhaqmaana waxay isugu jiraan dammiin duunyadoo kale ah iyo damiir laawe danayste ah. Shareecada islaamka ha lagu dhaqmo ma waxaa loola jeeda wiilal gacmaha laga jaro, gabdho dhardhaar lala dhaco, duqey garka maxaad u xiirteen lagu karbaasho iyo habro masaakiin ah oo loo diido dariiqyada qorraxda iyo habaaska badan ee ay yaanyada ku iibsadaan.

Maxaa la isaga indhotiraa qaacidada islaamka ee nafaraysa in “Shubhada lagu buriyo xadka “ iyo midka qaanuunku qabo ee sheegaysa in “ Shakiga loo fasiro danta eedaysan aha” iyo in “ Eedaysanuhu beri yahay jeer denbigu ku caddaado.” Xad ha la fuliyo iyo shareeco ha la dabaqase ma isku macnaa? Goorma ayaa xad iyo sharci isku mid noqdeen? Nebi Muxamed (CSW) ma wuxuu ku mashquulay inuu akhlaaqda wanaagsan baahiyo mise wuxu ku habsaamay inuu suuqdaya meeraysto isaga oo seef jeeni-qaaran oo raadinaya cid uu ciqaabo? Ruuxda sharciga iyo shareecadu ma in wax la ciqaabaa mise waa in wax la hagaajiyo? Aalaaba marka aan arko meel lagu hadal hayo ku dhaqanka shareecada, waxaan isku dayaa haddii ay ii suurogasho in aan dadkaas weydiiyo su’aasha ah: War hebelow/heblaayoy marka aad maqasho shareecada halagu dhaqmo, maxaa maskaxdaada ku soo dhaca ama aad sawirataa?

Caadi ahaanna waxaan helaa jawaabo isu dhaw oo ah: Waxaan sawirtaa iyada oo culumo Alle waxbaray, oo kutubtii islaamka haystaa, ay ummaddaas wax walba oo dhexmara uga baarayaan oo ku kala xukumayaan, cid cid dulminaysaana aysan jirin. Haddii si kale loo yiraahdo, dadku waxay sawirtaan wadaaddo ku hubaysan hub culumo, oo kutub kilkilaha ku sita, oo waddooyinka u fadhiya inay xalliyaan khilaafaadka dadka dhexmaraya. Yeelkadeede waxaa habboon in la ogaado in madaxtooyada oo wadaad ka soo toosaa aysan macneheedu ahayn in sharci Alle la fuliyey, aysanna keenayn in janno la galo ama cadaab laga badbaado.

Dhanka kale, marar badan oo kala duwan waxaan dhakhaatiir Soomaaliyeed weydiiyey su’aasha ah: “Dottore, sidee u aragtaa xadiiska sheegaya in diqsigu labadiisa baal/garab mid jeermis ku sito, kan kalana daawo?” dhammaan dhakhaatiirtii aan su’aashaas weydiiyeyna waxay rumaysnaayeen in arrikaasi yahay mid ka hor-imanaya aqoontii ay barteen, oo aan la qaadan karin10. Taasoo jirta, dhakhaatiirtu maalin walba waxay maqlaan doodo lagu taageerayo xadiiskaas iyo boqollaal kale oo la mid ah, haddana weli ma hayno dhakhtar keliya oo marin habaabinta bulshada ka xumaada. Haddii culumada caafimaadku aysan meheraddooda difaacin yaa u difaacaya. Mararka qaarkood, waxaan iskula sheekaystaa malaha waxaa jira heshiis qarsoon oo u dhexeeya wadaaddada iyo dhakhaatiirta, oo dhakhaatiirtu waxay rumaysan yihiin in khuraafaadka wadaaddadu ay sare u qaadayso tirada bukaan-socodka imaanaya xarumahooda caafimaadka. Laakiin marka aan si dhab ah ugu kuurgalno arrinka waxaan ogaanaynaa in dadkii ku yaraanayaan xarumihii caafimaadka ayna ku badanayaan xarumaha loogu yeero shifada, balse dhabtii ah xarumo wadaaddo dad-qalatoobay ay caamada ku maalaan. Xilka aqoon-yahanku waa inuu bulshada waxbaro, iskuna hawlo inay abuuranto bulsho nabdoon oo caafimaad qabta. Xilka aqoon-yahanku ma aha inuu ku hadaaqo waxa bulshadu jeceshahay inay maqasho, balse waa inuu bulshada u tilmaamo waddada horumarka lagu gaaro. Bulsho kastaa waxay caado u leedahay in ay ku dhagganaato wax walba oo ay u aragto in ay ka dhaxashay aabbayaashoodii hore, iyada oo aan u eegin in waxa la dhaxlay uu yahay wax anfacaya iyo in kale. Aqoon yahankuna waa kan la doonayo inuu bulshada u kala caddeeyo waxa anfacaya ee loo baahan yahay in la haysto iyo waxa horumarkeeda caqabadda ku ah ee ay tahay in la tuuro.

Ugu danbaystii, aqoon-yahannada Soomaaliyeed waxaan mid mid u xusuusinayaa xaqiiqada tiraahda: “ Ilayska yar ee meel mugdi ah ka bilig yiraahdaa wuxuu ifiyaa dhul ballaaran.” Haddaba, aqoon-yahan walbow isku day inaad iftiin yar meel mugdi ah ku ifiso. Waxaa la wariyey in 1920kii, mar feylasuufkii George Bernard Show uu booqasho ku joogay dalka Masar, uu wariye Masaari ahi weydiiyey su’aal ahayd: “ Goorma ayaad filaysaa in dowladdayadu noqoto dowlad ilbax ah?” Mr. Show oo arkay sida ba’an ee Masaaridu waddoonyinka ugu duufsadaanna wuxuu ugu jawaabay: “ kolka aad barataan inaad duufkiinna jeebka ku qaadataan!!.” Soomaaliduna waa inay ogaadaan in dowladnimada ay ka horrayso in marka hore la fahmo macnaha dowladnimada. Qaran ma aha qaalin la kala qaado, ee waa qaalin la wada dhaqdo. Dowlad islaam ahina ma ah dowlad wadaad waran la hortaagan yahay ee waa dal nabdoon oo ay ku nool yihiin dad nabdoon.

Iyaga iyo ku Allahoode, sidoo kale waxay wariyeen in xilligii uu socdey dagaalkii 1-aad ee adduunku, uu ciidan ka mid ah ciidamadii dagaallamayey uu farriin qaylo-dhaan ah u dirsaday xaruntii saadka iyo dagaal socodsiinta u qaabilsanayd. Farriintaasi waxay u qornayd sidatan:

Dhimashaan u soconaaye dhallinyaro noo soo dira”, hase yeeshee kolkii farriintu gaartey dhankii kale, waxay u fahmeen inay leedahay: “ Dhaantaan u soconaaye dhaqaale noo soo dira.” Haddaba Soomaaliyeey aan kala dooranno dhimasho iyo dhaanto tii aan dhallinta u diyaarin lahayn “Dhaanto = Nabad = Nolol iyo Baraare”


Website: www.machadkaaj.com

Facebook LIKE: https://www.facebook.com/AfkaartaJoogtada

Twitter Account: https://twitter.com/MachadkaAJ

Instagram: machadka_aj

G­oogle Plus: machadkaaj@gmail.com

Skype: machadkaaj.com

Professional Email: info@machadkaaj.com

Email: machadkaaj@gmail.com

Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCiplQWQxqR5WEjMtmVh5BIw

Fikirkaada Waa Muhiim