Dr. Cabdiraxmaan Max'ed Cabdiraxmaan

About the Author Dr. Cabdiraxmaan Max'ed Cabdiraxmaan

Waa qoraa ka tirsan Tuke Somalism. Wuxuu wax ka qoraa caafimaadka, xanaannada xoolaha, arrimaha bulshada, waxbarashada iwm. Dhinaca kale qoraagga ayaa soo saaray laba buug oo kala ah buugga Tababarka Daryeelayaasha Caafimaadka Xoolaha iyo buuggga Aqoonso Cudurka. Kuwaas oo labadooduba ah kuwa xambaarsan aqoonta, daryeelka, xanaanayta iyo caafimaadinta xoolaha. Qoraagga ayaa heerkiisa koowaad ee waxbarashada jaamacadeed ka diyaariyey caafimaadka xanaanaynta xoolaha (Bachelor of Science in Veterinary Medicine), heerkiisa labaad ee jaamacada waa caafimaadka dadweynaha (Master of Public Health). Sidoo kale qoraagga ayaa bare sarre ka ah jaamacada Gollis iyo dhakhtar xoolaad oo ka shaqeeya wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga ee maamulka Somaliland.

error: Content is protected !!