Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo xiriirkoodu yahay mid soo jireen ah dhinaca kale, wadanka Kenya waa dalkii kaliya ee gacan qabtay Soomaalida markii uu dhacay burburkii dowladii kacaanka.

Kenya abaalka ay Soomaalidu ku leedahay waa mid aan la dafiri karin loona baahanyahay qaladaadka togan ee Soomaaliya kala dhaxeeya loo xaliyo qaab is faham siyaasadeed ah. Soomaaliya iyo Kenya waxaa in muddo ah ka dhaxayn jiray xiriir walaaltinimo taasoo dowladihii kumeel gaarka ahayd ee soo maray dalkan Soomaaliya aysan jirin waxyaabo ay isku qabtaan labada dhinac.

Geesta kale faa’idada ugu badan ee Soomaalidu ku qabto Kenya waxaa ka mida iyadoo ganacsiyada ugu badan, ay kaga furanyihiin dadyowga ku dhaqan magaalada Nairobi taasna waxaa laga yaaba haddaanan Soomaaliya aysan siin waxay ku qanacdo Kenya dhici karto in Soomaalidaasi ay ku reebto saameyn lidku ah ganacsigooda waayo Soomaalidaasi waa dad la qabsaday nolosha halkaasi jirta waxaanan u suura galeyn in xitaa Muqdisho hadey u soo wareegaan ay dhib weyn ku tahay.

Xalka ugu haboon

Xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya waxay salka ku heysaa arinta muranka badda taasoo ay Kenya iyo Soomaaliya isku heystaan loona baahanyahay in si is faham ah ay ku heshiiyaan oo aan loo baahneyn dacwad loo gudbiyo maxkamadda caalamiga ee Heeg, waxaa jiray dhowr mar oo ay Kenya ka dalbatay in Soomaaliya arinta badda si hoose laysugu afgarto balse badalkeeda ay Soomaaliya ayadoo dafireysa wax qabadkii Kenya u gashay iyo faa’idada ugu jirto Soomaalida ku dhaqan dalkeeda gaashaanka u duruurtay, iyadoo ka tilaabsanaysa ay ku adkeysato dacwada ICJ taasna Kenya waxay ku sababaysaa in ay ka carooto lagana yaabo in Kenya ay ku dhaqaaqdo falal aan la mahdin islamarkaana dhabar jab ku ah dowlada Soomaaliya oo iyana awoodeeda caga dhameystiran ku taagneyn.

Hadaba maqaalkan qoristiisa oo aan ku cabiray aragtida Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah ayaa waxaa iisoo baxday qodobadan:–

  • In laga aqbalo Kenya codsiga sheegaya in si hoose loo wada hadlo lana joojiyo dacwada ICJ, iyadoo markaa dowlada Kenya lagu xushmeynayo walaaltinimada iyo xiriirka qurux badan ee Soomaalida kala dhaxeeya

  • In dowlada Soomaaliya ay sameyso tanaasul ku aadan arinta badda ee Kenya ay ku doodeyso lahaanshiyaheeda si loo illaaliyo wada noolaanshaha dadka Soomaalida ah ee labada dhinac ku kala nool.

Labadan qodob ayaan isleeyahay in Kenya iyo Soomaaliya uu xiriirkoodu dib u bilaabi karo ayadoo la xaqdhowrayo saaxiibtinimada labada dhinac si loo abuuro is faham wada noolaansho oo hormar badan u muuqdo kana curta bariga afrika.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay waxaanu joognaa xilligii dadka Afrikaanku is raaci lahaa, waxaanu joognaa xilligii Afrika ay isku qiimeyn lahaayeen wada noolaanshaha darisnimadooda, waxaanu joognaa xilligii Afrika ay ula jaanqaadi lahayd dadyowga hormaray ee dhiggeeda ah, mana joogno xilli aan isku qabano arimo yar darteeda, mana joogno xilli aan isku qabano arimo dhuleed ama badeed, Muhiimaduna waxay tahay tanaasulka daacada ah si laysku taageero laguna guuleysto.

Afrikaay israaca aan asaaggeena gaarnee

Afrikaay israaca is qabqabsiga daayo

Afrikaay is raaca aan duul midoway noqonoo

Fikirkaada Waa Muhiim