Maqaalkan kooban ee aan idinla wadaagi doono haddii rabbi ogolaado, waxa aan ka curiyay dhacdo xaqiiq ah oo ka dhacday

Maxay garawshiiyo ku noqotay in ay dhalintu tahriibtaa?

Soomaaliland sannadkii 2016kii, taas oo dhex martay qaar ka mid ah masuuliyiin xilal culus ka haysay wakhtigaas qaar ka mid ah xafiisyada dawlada iyo mid ka mid ah dhalinyarada marxaladoodii tacliineed dhamaysatay isla markaasna ku jirta wakhtigii ay ku shaqayn lahaayeen xirfadihii ay soo barteen si ay naftooda, qoskooda iyo dalkoodaba wax uga bedelaan mustaqbalka.

Akhriste sida aad ka dhadhansan doonto maqaalka dhexdiisa waxa aafo qaran iyo u qaadan waa ku noqotay wiilkii dhalinyarada ahaa wixii uu kala kulmay wasiir dawladeed, taas oo wax wayn ka bedeshay fikirkiisii hore ee ahaa qiimaha ay waddaniyadu leedahay iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo nolosha dalal shisheeye oo aanu noloshiisa habbeen ku laddin in uu u haajiro.

Haddaba maxay ahayd aafadaasi?

Balse, maxay garawshiiyo ku noqotay in ay dhalintu tahriibtaa?

Akhriste jawaabaha labaddan su’aalood iyo kuwo kale oo maskaxdaada ka dhex guuxayaba waxa aad si fudud ugaga bogan doontaa maqaalkaygan dhexdiisa.

In aad shaqo u doonataa xafiis dawladeed run ahaantii maaha maanta mid daboolaysa baahiyaha nololeed ee dhalinta aqoonyahanka ah ee dalka joogta, iyada oo aynu ognahay mushaharka laga qaato shaqooyinka dawladu inuu inta badan celcelis ahaan yahay $100, taas bedelkeedana shaqooyinka gaarka ah ee laga shaqeeyo uu qadarka mushahar ee ugu hooseeyaa yahay $200.

Haddaba waxa kaliya ee ay kaga qiimo badan yihiin shaqooyinka dawladu kuwa gaarka ah ayaa ah in uu adeeguhu dareemayo mas’uuliyad muwaadinimo oo uu u arko in uu gudanayo waajib qaran oo dalkiisu ku leeyahay, wax dhaqaale ah oo buurani yuusan kaba soo gelin’e. Mar haddii qaran aynu xusnay waxaynu dhadhansananaynaa wax lawada leeyahay,cadaalad iyo sinnaan iyada oo lagu kala sarreeyo darajada aqooneed iyo midda xirfadeed ee shaqaaluhu kala leeyihiin uun.

Waxba yaanu hadalku ila sii durkine haddaan gudo galo nuxurka iyo ujeedada hadalkayga, waa mid kamid ah wasiiradii xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo ee wakhtigooddii dhamaaday, waxa uu mas’uulka ka yahay waa wasaaarad qaran, waa hanti ummadeed, waxa uu magaca rabbi ugu dhaartay waa cadaalad iyo dhexdhexaadnimo, waa oday waayeel ah oo timuhu cadaadeen, geeri mooyee gu’ uma hadhin balse waa garaad laawe aan wuxuu gawska geliyo mooyee garasho u hoosaynin.

Agaasimaha wasaaraddan iyo geeddi adeerkii waa saaxiib inbadan is yaqaanay balse garasho jufo iyo hayb qabiil midna kama dhaxayso, geeddi waa muwaadin buuxiyay shuruudihii waxbarasho isla sanadkaasna ka qalin jabiyay jaamacadda kaabista shaqaaalaha dawlada (Civil Service Institute) ee Hargaysa ku taala, kana qaatay shahaadada heerka koowaad ee xisaabaadka ganacsiga (Bachelor of accounting).

Geeddi adeerkii waxa uu ka dalbaday agaasihii ay asxaabtaahaayeen intii aan xilkan loo igman, balse hadda ah masuul dawladeed oo qalinkiisu shaqaynayo inuu wiilka ugu daro shaqaalaha wasaaaradda loo qaadanayo sannadkan, wixii shuruudo aqooneed iyo xirfadeed ee looga baahdana uu diyaar u yahay inuu geeddi buuxiyo.

Agaasimihii aqbal, geeddina wali xafiis dawladeed uma shaqo tagine CV-yadiisii xaraysay, isbarte oo ballame agaasimihii, inkasta oo aanay ballanta wada oofin masuuliyiintu iswaa iyo isdaba-wareeg wakhti qaatay kadib, kulme geeddi iyo agaasimihii, warqadna u qor uma gudbi xafiiska wasiirka wasaaraddan ka arrimiya oo ah meesha u saraysa ee taladu ka go’do.Talo waa ta rabbi, qadarkuna qoran, balse dedaaalka iyo dabciga wanaagsani waa mid diinteenu amaaantay dadkana wada deeqa.

Geeddi isaga oo filaaya in hadda uun hawsha badankeedii dhamaatay, wasiirkuna saxeexa ugu jiidi doono warqada shaqo gelinta ayuu soo galay xafiiska xog-haynta wasiirka, salaan ka dib, waxa uu u sheegay inankii xog-haynta ahaa in wasiirkauu hawl ka leeyahay, balse waxa uu ku wargeliyay in uu kulan ku jiro wasiirku iskana sugo, daqiiqado aan badnayn ka dib, dadkii kullanka wasiirka la lahaa way ka soo baxeen geeddina u daba mar albaabkii wasiirka, salaan ka dib, waxa uu Geeddi u qadimay warqaddii uu ka siday agaasimaha, ka guddoon isna oo akhri saxeexiina shuruud la’aan ugu dhufay.

Geeddi oo dhoola cadaynaaya ayaa ka soo baxay albaabkii wasiirka una haysta in hawshaasi khayr ugu dhaamatay, balse balo way dambaysaa! wuxuun baan maqli jiray xafiis dawladeed hawli kama dhamaatee dilaal ma uu diratay.

Maalintii xigtay sidii caadadu ahayd ayuu kusoo kalahay wasaaradda si uu warqada hawsheedu dhantahay ugu celiyo agaasimaha taas bedelkeedana, loogu tilmaamo xafiiskii uu ka hawl geli lahaa maadaamaa oo uu dedaal iyo tacab badan kadib ay hawshaasi u dhamaatay sida uu isagu u haysto, laakiinse geeddi iyo wasiirku kala war la’.

Xafiiskii agaasimaha ayaa uu soo galay isaga oo faraxsan,salaan ka dib, warqaddii ayuu hor dhigay agaasimaha, balse waa cibaaro adduune iyo arrin aan ku cusbayn agaasimahee si aan dhib lahayn ayaa uu geeddi ugu yidhi adeer yaa kuu soo saxeexay warqadan?, isna hadalka lamama gabbane, ugu jawaab wasiirka, kuye adeer kani saxeexii wasiirka maahee runta sheeg?

Geeddi si aan waabasho lahayn ayuu ugu celiyay adeer wasiirka ayaa leh saxeexane haddii caddayn loo baahdo waynu uwada tegi, agaasimihii isaga oo indhaha ka lalinaaya xaqiiqada ayaa uu qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo xafiiskiisa joogay ku yidhi adeer saxeexani kii wasiir hebel ma yahay? Iyaguna ugu jawaabe maya agaasime.

Yaab iyo amakaag ayaa iskugu darsamay geeddi!! wuxuuna hoos u yidhi tolow ma adaa waalan mise cadan baa laga heesayaa, shaw saxeexa uu wasiirku ugu jiidayba waa khalkhalin iyo majaro habaabin ay isla yaqaaniin mas’uuliyiinta hawl-wadaagta ahi iyo baadhasho cad oo loogu tashaday bulshada tabalaysan ee loo adeegayo.

Agaasimihii iyo geeddi oo wada socda waxa ay u kicitimeen xafiiskii wasiirka si ay usoo xaqiijiyaan xagga salaadu ka xidhmi la’dahay balse ay isfahansan yihiin wasiir ku sheegga kursiga isku ruxaya iyo agaasimaha daacadnimada jilaya ee geeddi weheliyaa.

Salaan ka dib,agaasihii ayaa hadalkii qaatay oo dhahay wasiir qalinka warqadan ku yaalaa saxeexaagii miyaa?Geeddi oo yaabban oo dhegta u dhigaya jawaabta xigta ee ka soo yeedhi doonta wasiirka afkiisa, illay shaki kuma jiro inuu wasiirku warqada saxeexa ku dhuftaye ayaa wasiirkii hadlay oo dhahay adeer Reerkee baad tahay? geeddi oo jawaab ka sugaayay wasiirka ayaa uu wasiirkii intaas ku yidhi!

Geeddi yaabkii hore tanna ugu biirtay laakiin, markan u qaadan waagii waxa ka soo yeedhay mar kaliya odhaahda ah yaah!!! Yaah!! yaah!!Agaaasihii oo isha ku hayay geeddi xaaladiisa ayaa si degen ugu dhahay, u sheeg adeer dhibi kuma jirtee! Geeddi: yaab waynaa!!intuu naxay ayuu ku qawlay reer hebel adeer, shaw illaahay idankii yarku waaba jufada uu ka soo jeedo wasiir ku sheegga baas ee meesha kuududaa.

Wasiirkii: adeer ma reerka aan ka soo jeedo sheego ayaa lagugu soo dardaaray? Geeddi: maya adeer ee waa sida uu rabbiigu ogyahay, ayuu ku jawaabay isaga oo dhabannada is haya illay naxdin looma dhinto.

Wasiirkii: oo ina ayo ayaad tahay? Se, Yaa ku keenay meesha?

Geeddi: ina hebel baa lay dhahaa, adeerkay sheikh hebel ayay agaasimaha is yaqaaniin sidaasaanaan ku imi wasaaradda.

Wasiirkii: orod ninka adeerka kuu ah, ee aad sheegaysobal iigu yeedh.

Subaxaasi waxa uu ahaa mid uu farxad ku soo toosay, balse waxa uu wasaaraddakala kulmay wax aanu noloshiisa habeen ku hamiyin dhawr iyo labaatan sanno uu da’da jiray, maalintaasi waxay noqotay mid wax wayn ka bedeshay fikirkiisii hore iyo sawirkii uu ka haystay shaqooyinka dawlada iyo khayraadka waddanka yaala oo ula muuqday in la wada leeyahay, waxa uu xaqiiqsaday in ay jiraan danaystayaal iyo dad si gaar ah ugu takri fala awooddaha dastuur ee lagu dhaariyay, waxa uu garwaaqsaday odhaahda ah” Gar weeye dhalintu in ay tahriibtaa!” taas oo bara-kicisay in badan oo ah xooggii, maskaxdii iyo warshadii isbedelka abuuri lahayd, iyo dhalinyaradii hantida u ahayd qarankan.

Geeddi oo la moodo in maalintaas buuri kusoo duntay ayaa waxa uu isla markiiba tegay xafiiskii shaqada ee adeerkii una sheegay arrinkii halka uu marayo iyo in uu wasiirku isaga u baahan yahay.

Odaygii wadaadka ahaa amakaag iyo fajac ayay isna ku noqotay wixii wiilka helay, habaar iyo inkaaar wuxuu hayayna ku dareeri coomirkii cirrada lahaa ee wasiir ku sheegga ahaa, isla markiiba waxa uu si degdegah u wacay oday kaalin shiidaal hargaysa dhexdeeda ku haysta oo wasiir ku sheegga madhan adeer u ah, illay waa isku jufo oo way is yaqaanaane, arinkiina u sheeg garo oo ninka la hadlayaa waa geeddi adeerkiiye.

Ballame oo kulme Odaygii kaalinta haystay iyo geeddi iyo adeerkii oo wada socdaa, si dhakhso ah ayaa uu Odaygii kaalintu isna wasiirkii ugu dhuftay garooo waaba isla maalinkiiye salaan ka dib, kuye wasiir ma inamadeenii ayaad jufo qabiil iyo garasho ku xidhay maanta? yarkii geeddi ahaa birta ka hor leexi waa inagee.Garaad laawihii Wasiirka ahaa ee cirrada lahaa naxdin iyo ceebayaaiskugu darsanaty in kasta oo aanu dhegba u dhigin waxaas, wixii noolbay ceebtu danaqdaaye, kuna jawaab haye adeer aqbal weeye warkaagu. Soomaalidaa dhihi jirtay “wax kaleba ha sameeyee ninku xagga odayaasha uun yaanu kaa marin” iyaga oo u jeeda xeer qabiil uun baa inna xidhi kara.

Odaygii kaalinta haystay oo hawshan isaguba wax ka fahmaya illay faro aan dufan lahayni wax ma duugaane ayaa geeddi adeerkii ku yidhi hawshu way dhan tahee, dhibtu waa xagga agaasimahee $100 u tuur, yarkuna berri haku kalaho xafiiska agaasinka.

Wadaadkii geeddi adeerka u ahaana aqbal yidhi sidiina samee, geeddi oo la socda hawshu halkay marayso niyad-jabna u dhamaaday, is arag dambe oo ay yeeshaan agaasimaha iyo wasiirka budhcada ahna dhibsanaya ayaa qaatay taladii adeerkii ee ahayd in uu berri ku noqdo wasaaradda, wuxuun baan maqli jiray berri iyo beeni toona ma dhamaato.

Laba maalmood oo dambe kamuu soo ag-wareegin agaasimihii xafiis iyo wasaarad toona, markii loo diray 100kii baadda ahaa, mana jirto waji uu geeddi kula noqdo wasiirkii su’aasha mawdka kaga adag waydiiyay!

Waxba yaan hadalka kugu daaline maalintii saddexaad markii uu geeddi xafiiskii agaasimaha soo galay, waxa loo xaqiijiyay in uu agaasimkii xaalad caafimaad darro uu maalmahanba u iman waayay xafiiska, cunahana lagasoo baxay! Qofwalba wuxuu galabsadaa laga goynayaaye cuqubadii geeddi iyo doollaarkii uu dulmiga kaga qaaday ayaa hunguriga goysay. Iyadoo xaaladu halkaas taagan tahay geeddina ay laba mid uun u tahay inuu iska sugo inta agaasimuhu caafimaadayo iyo in uu Samir eebe qaato ayaa muddo ku siman 15 cisho ka dib, digreeto madaxwayne oo lama filaan ahi soo baxday wasiirkii garaad laaawaha ahaa dhulkaa lala gooyay agaasimhii iimaan laawaha ahaana hay’ad kale oo aan dakhli buuran lahayn ayaa qoorta loo geliyay.

Akhriste iminka waxa aan filayaa inaad ila fahatay nuxurka iyo ujeedada uu xambaarsan yahay maqaalkaygani, sidoo kale waxaan rajaynayaa inaad jawaab u heshay su’aalihii aynu hore u soo xusnay, waxaana aan aaminsanahay haddii aan isbedel laga samaynin arimaha noocan ah, in ay cawaaqib xumo aan la mahadin ay ka dhalan doonto, rajada ah qaran sii jiraana ay riyo noqon doonto, qof kastaana garawsan doono odhaahda ah ”Gar weeye dhalintu in ay tahriibtaa!”ma aha mid iyo laba dhacdooyinka noocan ah ee ay ku kacaan in badan oo ka mid ah masuuliyiinta loo igmaday in ay u adeegaan bulshada, kuwaas oo shaadh qaran inoo huwan, balse boob, dulmi, dhac iyo takri-fal aan loo meel dayin kula kaca shilimaadka laga soo uruuriyo danyarta suuqyada wadhan.

 

DHAMAAD

Wabillahi Tawfiiq.

Fikirkaada Waa Muhiim