Waxaa marag madoonto ah in gabdhaha Soomaaliyeed ey yihiin kuwa ugu fir-fircoon uguna waxqabadka badan dunidaan. Waxaa laga yaabaa in aad layaabantahay hadalkeyga laakiin waxa aan kusiinayaa tusaalooyin cad-cad oo aad adigu ku garwaaqsan doonto, gartana aad ku goyn doonto in ey yihiin kuwa ugu fiican ee dunidaan kunool tusaale:

  1. Diinta?

Dunida islaamka waxaa kajira dhaqan lagasoo minguuriyay reer galbeedka, Sacuudiga oo kamid ah dalalka ugu faca weyn marki laga hadlaayo dhanka diinta Islaamka waxa aad arkeysaa gabdhahooda in ey xiranyihiin oo ey caadi utahay surwaal iyo wax lamid ah. Gabdhaha Soomaaliyeed malahan dhaqan xumo diin, waxaad arkeysaa in qofka kudhaqma ama soo xirta dhar aan diin iyo dhaqan ahaanba wanaagsanayn aad loolayaabayo waliba lagu canbaareynayo qaladkaas, bulshaduna waxa ey qeyb kaqaadatay hab-dhaqanka wanaagsan ee gabdhaha.

2. Dhaqan:

Dhaqanka waa lawada jecelyahay wiilal iyo gabdhaba inkastoo dhallinyarada qaarkeed ey dhallan rogmeen waliba iyaga oo aad ugu dayda dhaqamo aan annagu lahayn. Hase ahaatee dhallinyarada waxaa kamid ah kuwa aad ugu xooggan ilaalinta dhaqanka iyo hidaha sida labiska, Af-ka, ixtiraamka reerka iyo guud ahaan hidaha suuban ee aanu leennahay.

Waxaase ugu cajiibsan ee aan layaabaa marki aan arko doorka gabdhaha ey kaqaataan bandhigyada hidaha iyo dhaqanka waliba iyaga oo aan noloshooda cag-saarin {aanan tagin} dhulalka dhaqanka ee baadiyaha ah.

3. Karti:

Haddii aadba jeceshahay in aad ogaato kartida iyo awoodda gabdheenna aanu leennahay bal waxa aad fiirisaa gabadha ugu da’da yar ee gurigiina ku nool. Waxaa caadi ah in aad aragto shan jir xinbaarsan labo sano jirka iyada kayar iyada oo ilaalisa baahidiisa kuna dadaasha sidi uusan ku ooyi lahayn, hadana xaaqda bannaanka waliba iyada oo saacideysa hooyadeed ee kujirta jikada waxaana laga sii yaabaa in ey alaab dhaqitaan ey sugeyso.

Waxaanse aad ujeclahay in aan sii ogaanno in kartidu ey tahay udhalasho, waxaa dhacda in wiil iyo gabar isla dhashay halmar jaamacadda soowada aadaan iyada oo wiilki sida uu uga soo toosay hurdada ey tahay kaliya shaqada uu soo qabtayna ey tahay in uu soo cunay quraac diyaarsanayd, halka walaashiisna ey toostay dadkoo wada hurda diyaarisayna cunnada iyo quraacda reerka, waliba iyada oo jikada wax ku dhax aqrisaneyso subixiina xiisadda ey laqaadatay, kaaga siidarane imtixaanka kaga buundo badisay.

Gunaanad: Ujeedku waa in ey ogaadaan gabdhaheenna in ey yihiin hormarka iyo hiilka naftooda waliba iyaga ayaa halyeeyo u ah qaranka haddii ey u istaagaan, waana kuwa karti uleh qabashada howlo badan oo qaranka u bbaahanyahay. Wiilasheenuna waa hormuudka iyo halyeeyada aan garab kaga baahannahay.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa erayadii Abwaan Maxamed Wersame Hadraawi ee ahaa:

Gabigeed adduunyada

Gobol-gobol u qaadoo

Hablo weerar geli kara

Hablo geela dhicin kara

Hablo geesi dili kara

Gobonimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka naqan kara

Garashana isaga mida

Quruxdana ka wada gob ah

Geesteena mooyee

Gayi kaleba ma joogaan

 

Fikirkaada Waa Muhiim