‘Haddii aad ku guuldarraysato inaad qorshe sameysato waxa aad qorshaysatey guuldarro.’

_qoraha la ma yaqaan

Markaad rabtid inaad sameyso hawl waxaa muhiim ah inaad qorshaysatid sida aad u fulin laheed iyo wakhtiga aad ku fulin laheed hawshaada. waa inaad ka digtoonaataa hawluhu inay iskaga kaa dhexyaacaan, maxaa yeelay is dhexyaacu waa jahwareer waxayna kaa hor istaagi inaad guul gaadho.

Qorsha lagu meel maraa

Naftaada lagu mareeya

Markastana lagu socdaa

Qorshaa maskax dhaloo

Waxaad maagantihiyo

Meeshaad hiigsanayso

Muftaaxa lagu furo weeyaan

Qorshuhu waa laga marman

Miciinka noloshaada weeyaan

Hagaha masxadaada weeyaan

Abwaan nuur deeq daahir (N.D.D)

 

“ Dadaala xaaji cabaas wuu gaara .”

_Mahmaah soomaaliyeed.

Dadaalku waxaa weyaan furaha ugu muhiimsan ee guusha lagu gaadho. kuwa guulaysta iyo kuwa guuldarraysto waxaay is dheer yihiin kaliya waa dadaaalka. Hadaba hadii aad rabto ina aad nolosha meel heer sare ka gaadho kuna noolaato nolol fiican dadaal joogta ah la imoow.

Albert Einstein oo ahaa sayniskii ugu caansanaa qarnigii 20aad mar wax laga wey diiyay guusha iyo dadaal waxaa uu yidhi:

‘Guushu waxaay saamigal toos ah la tahay dadaalka.’

Hadii aan u badalo odhaahdiisa qaacido xisaab ahaan waxaay noqonaysaa sidan. Odhaahda micneheegu waxaa weeye hadii dadaalku kordho guushuna waay badataaa, hadii dadaalku yaraadan guushu way yaraataa. fiiri graphy kan si aad si fiican u fahanto qaacidada.

Hadaad riyo leedahay oo doonaysid in eey kuu rumoowdo dadaal joogta ah la kaalay iyada ayaa ku rumoobi. Xikmad greek ah baa tidhaahdaa

“marka aynu dadaalno baa ilaahay inoo fududeeyaa waxaynu ku dadaalnay.”

Bal aan kula wadaago qisadii Thomas Edison iyo siduu u dadaalay si uu u rumeeyo riyooyinkiisi. Thomas alva Edison oo ah ninka saddexaad ee ugu ikhtiraaca badan ikhtiraacayna laydhka aan shidano ee guri walba ku jira qof kastaana ku raaxaysanayo adeegsigooda waxaa uu ku gaaray riyadiisa waa dadaalkiisii joogtada ahaa ee uu samaynayay. Thomas Edison wuxuu ahaa markii uu yaraa ilmo yar oo su’aalo badan wax kasta oo uu arkana su,aal buu iska waydiin jiray dadkana waydiin jiray muxuu sidaa u yahay?

Maxaa u sababa?, faa’iidadiisu maxay tahay? hadii xataa jawaabta uu ku qanci waayana wuxuu ba isku dayi jiray inuu isaga laftiisu gacanta u la tago oo uugaado. Thomas Edison markii uu gaadhay waqtigii iskuulka ayaa lageeyay laakiin nasiib daro mudo badan kuma sii jirin iskuulka. Wax kasta oo loo dhigo wuu iloobi jiray sidaa daraadeed wuxuu ahaa ardayga ugu liita fasalkiisa.

Macalimiintiisuna way ka quusteen waxaanay ku tilmaameen qof yar oo ay wax u dhiman yihiin. Caruurta iyo macalimiintuba way ku caayi jireen saaqidnimadiisa. Maalin walba isaga oo ooyaya ayuu hooyadii ku noqon jiray xataa dhakhaatiirtu waxay saadaaliyeen inuuna caadi ahayn. ugu danbayntii maamulkii iskuulka wuu kasoo eryayay waxaanay xujo ka dhigteen inaanay dugsigu in uun ahayn meel dadka caqli gaabka ah loogu tala galay. dadaalka ugu badan hooyadii ayaa u gashay markii danbe oo ku dadaashay sidii ay wax u bari lahayd gaar ahaan akhriska iyo qoraalka. Waxaanay ku dadaashay sidii ay kalsooni naftiisa ugu beeri lahayd. Wuxuu bilaabay inuu wax kasta oo uu arko akhriyo habeen iyo maalina wax akhriyo.

Mudo sadex sano ah ayay hooyadii wax baraysay. Markuu gaadho toban jir ayuu aabihii wuxuu u keenay buuga saynis ah oo ah manhajkii waqtigaa la dhiganayay. Manhajkaas oo ay ku jirtay daahfurkii saynis ee waqtigaa la gaadhay. Buugtaasi Thomas alva Edison waxay uu ahaayeen guul wayn oo usoo hoyatay. Markii danbe Thomas Edison wuxuu ogaaday inaanay akhriska oo kaliya aanay anfacayn ee loo baahan yahay inuu tijaabooyinka gacantiisa ku sameeyo. Wuxuu samaystay shay baadh gurigiisa dhexdiisa ah. Wiixii uu lacag heli karayayna wuxuu ku iibsaday wixii qalab ah ee uu u baahnaa si uu tijaabooyin u samayn karo. Sanad kadib waxaa reerkoodii ku dhacay faqri aan caadi ahayn.

Thomas edison wuxuu go,aansaday inuu shaqo galo. Wuxuu bilaabay inuu jaraaidka ku iibiyo tareenada dhexdooda. Inkasta oo hooyadii markii hore diiday arinkan da,diisa oo aad u yarayd awgeed iyo iyada oo ka baqaysay inuu tareenka ka dhaco ilayn waa hooyee, hadana ugu danbayntii wuu ku qanciyay.

Qorshihiisuna wuxuu ahaa inuu jaraa’idka wixii ku qoran oo dhana akhristo oo hadana iibiyo da,adiisu waxay ahayd laba iyo toban jir waqtigaas. Mudo kadib Thomas Edison wuxuu tareenka dhexdiisa ka samaystay maktabad iyo shay baadh yar oo uu tijaabooyinkiisa ku wato. Maalin maalmaha ka mida ayuu tareenkii meel duqeeyay markaasaa waxaa soo wada daatay daasadihii iyo quraaradihii ay ugu jireen kimikooyinka uu tijaabada ku wado.

Kadib maamulkii tareenka way ka eryeen tareenkii alaabtiisiina dibada ayay ugu tureen. Laakiin Thomas edison arintaasi may niyad jabin wuxuu hadana go,aan ku gaadhay inuu wato shaqadiisa oo tareenada kale u wareego. Markii danbe wuxuu wax ka bartay qalabka isgaadhsiinta ee waqtigaa jiray oo la odhan jiray telegraph sida uu u shaqeeyo oo dhan kadibna horumarin buu ku sameeyay dadkuna waxay la yaabeen horumarka uu soo kordhiyay oo fududeeyay isticmaalka telegraafka. Mudo yar ka dib ikhtiraacaadkiisii ayaaba batay markii la qiimeeyayayna lacag aad u badan ayay ku qiimeeyeen isaga oo wali da,diisu yartahay.

Qisadiisa ah inuu ku hamiyo soo saarida laydka aynu maanta shidano waxay ka dhalatay markii uu arkay baahida wayn ee loo qabo laambad yar oo guriga lagu xidho oo iftiinta. thomas edison ayaa intuu fuulay meel sare magaalada dusha ka eegay wuxuu arkay magaalo madaw. Wuxuuna sawirtay isaga oo magaaldaas ku ifiyay laambado ifaya oo qiimaheeduna jaban yahay qof kastaan shidan karo. Waxay noqotay riyo maskaxda thomas edison ka dhexguuxda habeen iyo maalin.

Ugu danbayntiina wuxuu ogaysiis ku bixiyay inuu doonayo inuu sameeyo laambadaas aan gubanayn ee ifaysa mudo fara badan. thomas edison waxaa ka hor timid mucaarado aad u wayn gaar ahaan sharikaadkii gaaska kuwaas oo u arkayay Thomas wax soosaarkiisu inuu duulaan ku yahay sharikaadkooda. Maxaa yeelay dadku gaaska way ka maarmi doonaan hadii ay helaan laambada uu Thomas edison ku hamiyayo soo saarideeda. Dagaal adag bay la galeen Thomas edison wuxu bilaabay hirgalinta qorshihiisa. Habeen iyo maalinba shaqo isdaba joog ah oo aan nasasho lahayn. Marka uu tijaabo ku fashilmaba mid kale ayuu guda galaa.

Ugu danbayntii dadkii la shaqaynayay oo dhan ayaa quus gaadhay iyadoo sidaa ay tahay hadana Thomas eddison waa sii waday shaqadiisa. Ugu danbayntiina sharikaadkii maalgalinayay ayaa ka joojiyay maalgalintii waxayna u arkeen inuu Addison khasaarinayo oo waxan uu ka sheekaynayaa ayna suuragal ahayn soo saaristoodu.

Laakiin Thomas edison wuxuu rumaysnaa iimaan qoto dheer inuu guulaysanayo maalin uun inkasta oo dadkii kale oo dhani quusteen. Wuxuu raadiyay cid kale oo maalgalisa. Thomas Edison wuxuu sii xoojiyay shaqadiisa wuxuuna gaadhay heer aanu seexan oo aanu cunto doonan oo cuntada daaqada ayaa looga dhiibi jiray wuxuuna cuni jiray isaga oo taagan. Wuxuu hal hayskiisu ahaa ‘guul ama geeri.’

Ugu danbayntii Thomas Edison wuxuu ku guulaystay hadafkiisii wuxuu sameeyay laambad ifaysa oo guri kasta laga shidan karo. Waxaa daawasho ugu yimid dadkii oo dhan meel ay kala joogsadaana waayay iyaga oo layaaban waxsoosarkan cajabta leh. Halkaa ayaa waxaa ku xaqiiqoobay riyadii Thomas Edison ee ahaa inuu magaalada mugdiga leh iftiimiyo.Wuuna ku guulaystay riyadiisii. Waxay yidhaahdaan wuxuu fashilmay maraar badan iyadoo taasi jirtana ma niyad jabin mana quusan ismana dhiibin inkasta oo ay quusteen saaxibadii iyo dadkii maalgalinayay oo dhan.

‘Guushu 99% waa dhidid sayrid , 1% na waa dhiirigalin.’

_Thomas Edison

Fikirkaada Waa Muhiim