Waa maxay hadaf?

‘Qofka guulaystaa waa kan leh hadaf kaas oo aan weligii niyad jabin.’
_Nelson Mandela

Hadafku waa dariiqii aad ku xaqiijin lahayd ama hanaanka aad ku gaadhayso guul kaasi oo ka kooban tallaabooyinka aad u qaadayso xagga yoolka kuu dajisan. Noloshaada haddaba inaad hadaf ka yeelatid waa furaha hormarka noloshaada haddii aadan nolosha hadaf u dajin waxaa kula soo gudbayo guuldarrooyin fara badan. Waa in aad yeelataa hadaf si aad iskaga ilaaliso in aad ku jahwareerto guuldarrooyinka yar yar.

‘Yoolalkaaga meel sare ku laal, hana istaagin illaa aad halkaas gaadho.’

_Bo Jackson

Faa’iidooyinka hadafka

Cilmi baadhistii YALE University ee yoolka 1953kii waxay samaysay jaamacadda YALE cilmi baadhis ay ku ogaanayso ardaydeeda ganacsiga iyo yoolalka ay dhigteen, ardaydaasi oo ay wadartooda ahayd 10,000 (toban kun) waxay cilmibaadhistaasi soo saartay, in 93% aanay lahayn hadaf cad ee ay iska noolyihiin, halka 3% ay leeyihiin hadaf waliba ay qorteen, iyadoo la ogaaday 20 sanno ka dib oo ku began 1973kii in intii qoratay ee 3% ahayd ay ka guul gaadhay oo ay la maal noqdeen marka la isku wada daro 97% kii soo hadhay. Cilmi baaristana waxaay na tusaysaa ahamiyada in hadaf nolosha laga sameysto.

Sheeko xikmad leh: hadaf la’aantu waa guuldarro

Nin baa beri magaalo weyn dhex lugeeyey isaga oo iska socda oo aan wax hadaf ah lahayn. Markii uu in badan socday ayaa waxa uu gaadhay isaga oo daallan meel isgoys ah oo ay dhawr waddo iska gooyaan. Inta uu istaagay ayuu nin waayeel ah oo meel u dhow marayey wax weydiiyey. Inta uu mid ka mid ah waddooyinkii dhawrka ahaa farta ku fiiqay ayuu waayeelkii su’aalay: “Waddadani halkee ayey i geynaysaa?” Ninkii waayeelka ahaa ayaa isla isagii su’aal kale ka hor keenay oo ku yidhi: “Horta adigu xaggee ayaad tegaysaa?” Ninkii ayaa yidhi: “Waan iska socdaa oo ma jirto meel ii qorshaysan oo aan tegayo ” Waayeelkii ayaa isaga oo yaabban ninkii ku yidhi: “Hadduu sidaas xaalku yahay, jidkaad doonto iska mar kolay meel uun buu ku geyne!”

Shuruudaha hadafka

Waxaa lagu soo koobaa qodobbada ugu muhiimsan shuruudda u ah sameynta ama dajinta hadafka kalmad English ah oo la yidhaahdo SMART

S- specific xad leh: waxaad rabtid inaad xaqiijiso ha noqdo wax xad leh(go’an)

M- measurable qiyaas leh: waxaad rabtid waa inuu noqdo wax qiyaas leh

A- achievable la gaadhi karo: waxaad xajiijinayso waa inuu noqdaa wax la gaaro

R- reality suura gal ah: waxaad rabto yuun ahaanin khayaali

T- timebale wakhti go’an leh: waa inaad wakhtigaad ku soo dhamaynasid hadafkaaga aad garanaysid ,ma ahan inuu noqdo waxaan wakhti laheen.

“Markaad rabtid inaad nolosho meel heersare ka gaadho waxaa hubaal ah in seddexda C (3C) caqabado, cabsi iyo cudurdaarku ay kuu diidayaan inaad gaadho hadafkaaga noloshaadana aad maarayso laakiin waxaad kaga gudbi kartaaa hadafkaagana ku gaari kartaa sedexdanD (3D ) dadaal, dulqaad, iyo daacadnimo.”

_Yaxye Yaasiin Xasan

Aqoonyanadu waxay hadafka ka yiraahdeen

Tomos killer wuxuu yidhi: ‘hadaf la’aan waxaad noqon sida dooni aan lahayn meel ay ku soo xidhato safarkeeduna ku dhamaado inay burburto oo gobolo yaryar noqoto.’

Confucius wuxuu yidhi: ‘marka ay caddahay in aanad yoolkaagii gaadhi karaynin, ha beddelin yoolka ee beddel dhabbada aad u maraysid.’

James Cameron wuxuu yidhi: ‘hadii aad ku laasho yoolkaaga meel aad u sarreysa oo aad guuldarraysato, waxa aad ku soo dhici doontaa meel ka sarreysa dadka kale oo dhan guushooda.”

Helmut Schmidt wuxuu yidhi: ‘mid kasta oo raba in uu gaadho yool fog waa in uu gaadho tallaabooyin yaryar.”

Cabdilaahi suldaan maxamed (timacadde) wuxuu yidhi: ‘lama helo wadaadoow waxaan cidi ku hawshoone, naftaa loo hanqal taagaa waxaad hiigso leedahay.” Albert Eistein wuxuu yidhi: ‘hadii aad doonayso in aad nolol farxad leh noolaato, noloshaada ku xidh himilo iyo yool oo ha ku xidhin shakhsiyaad iyo wax kale.’ Xikmad ayaa tidhaahdo: ‘furaha farxaddu waa inaad riyo iyo hiigsi yeelato, furaha guushuna waa in aad riyadaada rumayso.’

Fikirkaada Waa Muhiim