Maleedahay balwad xun aad doonaysid in aad badashid oo aad ku badashid balwad fiican. Taasi oo ku horkacayso in aad noloshaada horumariso wax kasta aad rabtan aad guul ka gaadho haday tahay jawaabtaduu Haa kaalay oo ila fuul doonta isbadalka doontaas oo ka qaadi doonta halkaa aad maanta taagan tahay kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo aad naftaadu raali ku tahay in ay ku sugnaato oo ay mudo joogto. Balwad waxaa la iskaga dayn karaa:

Habka SWOT

SWOT waa eray English ah oo afsoomaali micnihiisu ku noqonaya DADAAL. Habka SWOT waa habka ugu fiican ee balwad la iskaga dayn karo, naftaadana aad ku horumarin kartid, isbadal la taaban karana aad ku gaari karti. SWOT waxaa loo soo gaabiyay

S – strengthness oo micnaheedu yahay waxaad ku fiicantahay sii kordhi.

W – weakness oo micnaheedu yahay waxaad ku liidato yaree.

O – opportunites oo micnaheedu yahay fursadaha ka faa`iidayso.

T – treats oo micnaheedu yahay saameeynta dadka iska ilaali

Habka SWOT waxaad u isticmaali kartaa sidan

  1. Qor wax yaa laha aad ku fiicantahay ee aad doonayso in aad kordhiso
  2. Qor waxyaa laha aad ku liidato ee aad doonaysid in aad yarayso
  3. Qor fursadahaaga aad doonaysid inaad ka faa’iidaysato
  4. Qor dad ku waxa yaalaha ay kugu saamaynayaan.

 

Tusaale ahaan waxaad samaysataa habraacan oo kale. habeen kastana sax waxaad soo sameeysay, khaladna waxaadan soo sameeyn.

Strength Sabti Axad Isniin  Talaado  Arbaco  Khamiis  Jimce
Salaada tukasho
Jimcsiga ×
Quraan akhriska
Weakness
Sigaarka × ×
Jaadka
Khamrada
Opportunites
fasaxyada ×
Fursad kadis ah × × ×
Treats
Hadalka xun
Balwada xun × ×

Jaan.1.4.habraaca qiimaynta ee SWOT

 

Maxaa kuu diidan inaad isbeddel samayso?

Inaad isbeddel sameyso waxaa kuu diidan shayo badan oo ay ka mid ka yihiin:

– Baraarug la’aan

– Cabsida guuldarrada.

–  Go’aan la’aan.

– Rabitaan la’aan.

– Adkaysi la’aan.

– Xamaasad (laab la kaca)

– Cabsida isbeddelka

 

– Wakhti lumiska

– Wahsiga

– Caajiska

Waxaad qortaa sagaal shay oo rabtid inaad isbadel ku sameysid kadib go’aanso oo baddel.

1)    …………………………………………………………………………………………………………………

2)    ………………………………………………………………………………………………………………….

3)    ………………………………………………………………………………………………………………….

4)    ………………………………………………………………………………………………………………….

5)    ………………………………………………………………………………………………………………….

6)    ………………………………………………………………………………………………………………….

7)    ………………………………………………………………………………………………………………….

8)    ………………………………………………………………………………………………………………….

9)    ………………………………………………………………………………………………………………….

Fikirkaada Waa Muhiim