Wasiirka Difaaca Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa dalka Jabuuti kaga qeyb galay Wasiiradda difaaca ee dalalka Bariga Afrika.

Shirkan ayaa looga hadlayay dhismaha Ciidanka heeganka dalalka bariga Afrika, waxaana ciidamadan loogu tala galay inay ka qeyb qaadaan howlaha deg dega ah, marka ay xasarado ama waxyaabo kale oo amniga lidi ku ah ay ka dhacaan dalalka bariga Afrika.

Wasiirka Difaaca C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay muhiimadda uu shirkan lahaa, waxaana uu tilmaamay in dhismaha Ciidamadan ay noqon doonaan kuwa heegan u ah inay u gurmadaan dalalka bariga afrika marka ay soo kororto amni darro.

“Ciidamadan dalalka Bariga Afrika ay sameysanayaan waxay noqon doonaan kuwo heegan u ah marka ay falal amni daro soo wajahdo wadamada bariga Afrika, waxaa rajeynayaa in hadii dhismihiisa lagu guuleysto inay buuxin doono baahiyaha xaga amniga ee ka jira dalalka qaar”ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika oo muddo saddex maalin ka socday dalka Jabuuti ayaa la isku raacay in ciidamada heeganka ay shaqadoodu bilaabi doonaan dhamaadka bisha December ee sanadkan, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay inay gaareyso 25 kun oo askari.

Fikirkaada Waa Muhiim