Aqoonta bani-aadamka waxaa lagu gartaa awoodda ay u leedahay horumarinta iyo cusboonaysiinta maskaxda. laakiin waxay u baahan tahay in laga caawiyo arrintan, waxaa ugu muhiimsan ee kobciyo maskaxda aadanaha waa akhrinta. Waan sabbata aan wax uga qoray maskaxda iyo xasuusta. waayo buuggu waa dad cawiye oo fura dareenka akhriyaha. Waxuu awood u leeyahay in uu Ku siiyo fikrado badan. Halkaan waxaan ku soo koobayaa 7 hab ee lagu xoojin karo xasuusteenna.

  1. Habka ugu horeeya ee lagu xoojiyo xusuusta caado wanaagsan waa in la helo hurdo fiican habeenkii. 8 saacadood oo hurdo ah habeenkii ayaa hagaajin karta xasuustaada.

  2. Cabitaanka biyo fara badan waa qayb muhiim ah oo ka mid ah maskaxda xoogga leh iyo hab wanaagsan oo lagu hagaajinayo xasuusta.

  3. Jimicsigu waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu xoojiyo xusuusta. Waxay ka caawisaa siyaabaha tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn, maxaa yeelay jimicsigu wuxuu yareynayaa caabuqa wuxuuna kobciyaa koritaanka unugyada dhiigga cusub. Si aan toos ahayn waxay kaa caawineyaan inaad si fiican u seexato oo aadna yareyso walbahaarka.

  4. Cusbo badani waa mid waxyeello u leh xasuustaada laakiin cusbo yar oo aad u yar ayaa sidoo kale waxyeello leh. Habka lagu haggaajin karo xusuusta waa inaad iska yarayso cusbada.

  5. Yareynta heerka cadaadiskaaga waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aad sameyn kartid si aad u hagaajisid xusuusta. Tani waxay ka caawineysaa jirka iyo maskaxda.

  6. Habka soo socda ee lagu hagaajin karo xasuusta waa in laga fogaado sonkorta xad dhaafka ah.

  7. Talooyinka ugu dambeeyey ee siyaabo lagu hagaajiyo xusuusta waa inaad isticmaasho Joogtaynta Cibaadada Allah.

Guud ahaan maskaxda waxay u baahan tahay cunto joogto ah oo isku dheelitiran cuntada waxay fure u tahay shaqada habboon ee maskaxdu qabato. Noocyada cuntooyinka qaarkood si joogto ah ayaa loogu shaqeeyaa si joogto ahna waa loogu xoojiyaa unugyada maskaxda, taasoo keenaysa xasilooni iyo horuminta maskaxda.

Fikirkaada Waa Muhiim