Dhiig baxa  ku imaado xilliga ay hooyada uurka leedahay, waxuu ka imaadaa xubinta taranka ee dumarka waxuuna dhacaa 24 isbuuc uurka markuu maraayo ama foosha ka hor. Waxaa loo qeybiyaa dhiigbaxa labo qaybood: Mid dhaqso imaado, uurka markuu maraayo 12 -24 isbuuc gudahood ayuu dhacaa badanaa dhiig baxaan waxaa sababa dhiciska.

Qeybta kale waa dhiig baxa soo daaho, waxuu imaadaa 24 isbuuc ka dib uurka markuu  maraayo ama xiliga foosha ka hor.

Maxaa Sababa Dhiigbaxa Ku Imaado Hooyada Xilliga Ay Uurka Leedahay?

  Dhiciska  ayaa sababi karo dhiigbaxa xilliga ay hooyada uurka leedahay.

  Ibida oo cunuga ka soo hormarto

  Ibidi oo meeshii loogu tala galay ka soo fuqdo

  Uur dibadeed, uurka oo ku abuurmo meel ka baxsan minka

  Dilaac ku imaado minka

Calaamadaha Lagu Garto Dhiigbaxa Hooyada Ku imaado Xilliga Ay Uurka Leedahay.

o-  Dhiig bax ka imaado xubinta taranka

o-  Xanuun minka xagiisa ah

o-  Afka ilmo galeen oo furmo mararka qaar

o-  Ilmaha oo xaladiisa halis gasho

Dhibaatoyinka  Ka Dhalan kara Dhiigbaxa ka Imaado Hooyada Xiliga Ay Uurka Leedahay

Dhinaca Hooyada:

  • Dhiig yari ku imaado hooyada 
  • Infekshon ku dhaca hooyada
  • Hooyada inay shook qaado waxaad ku arkaysaa calaamadahan: hooyada in lagu arko wadna garaac badan, wareer, tabardaro, matag iyo lalabo, qaboob inuu noqdo maqaarka hooyada.
  • Dhiigbax  ku imaado hooyada markay dhasho ka dib
  • Waqti badan inay joogto isbitaal
  • Dhibaatoyin  ka dhalan kara dhiig ku shubida

Dhinac Cunuga:

«- Cunuga oksijiinkisa  oo yaraato

«- Cunaga oo ku dhasho 37 isbuuc ka yar

«- Cunuga oo dhinto

Sidee Looga   Hortagi  Karaa  dhiigbaxaan

§-  Jugta inaan ka ilaalino  hooyada

§-  Inay booqato hooyada xarun caafimaad

§-  Wax yalaaha culeeyska inay qaado hooyada waa inaan ka ilaalinaa

§-  Markasta inay  la xariirto hooyada dhaqtar  taqasuus u leh cilmiga uurka iyo dhalmada.

§-  Markay hooyada ogaataba inay uur leedahay waa inay  aadaa xarun caafimaad, oo la socataa xalkeeda ilaa ay ka dhasho.

Dhammaan hooyinka Soomaaliyeed waxan kula talin lahaa inay booqashada xarun caafimaad ay joogteeyaan, marka ay hooyada dhiigbax isku aragto waa inay yareesan hooyinka qaar ayaa ka xishooda sheegida dhiig baxaas waxaa u badan arintaas hooyoyinka da’ada yar, hooyinka soomaliyeed waa in ay ogaadaan  caafimaad hooyada iyo cunugeeda inay muhiim u tahay bulshada.

Waxaan kaloo kula talin lahaa hooyoyinka soomaaliyeed ,oo garanaayo aqrinta waa inay isku taxluujiyaan inay barantaa sidii lola tacaali lahaa dhiig baxa ka imaada hooyada. Markaas waxaa yaraanaayo aqoon la,aanta hooyoyinka soomaliyeed uleeyihiin   dhiig baxaa.

Fikirkaada Waa Muhiim