Marka aan rabno inaan ogaano da’da ilmaha ku jira caloosha hooyada waxa la baaraa oo laga ogaadaa creatinin-ta ku jirta dheecaanka amniotic fluid-ka waa xilliga hooyada uurkeeda gaaro 36 isbuuc waa bilaha ugu dambeeya ee uurka.

Creatinine-ta ku jirta dheecaankaan amniotic fluid-ka cadadkiisa ama tiradiisa wuxuu gaaraa 1.5 ilaa iyo 2.0 mg/dl

Dheecaannada jirka iyo baaritaankooda haddii uu ka siyaado 2.0 mg/dl ilmahaas waxay ka badan yihiin 36 isbuuc, macnaha sagaal bilood ayuu ka badan yahay.

Waxa jira baaritaano kale oo lagu ogaado caafimaad qabka ilamaha calshooda ku jira sida qalabka loo yaqaano amnioscopy, amnioscopy waa qalab lagu baaro uur jiifka biyaha ku wareegsan ayadoo la adeegsanaayo qalab yar oo lagu dalooliyo caloosha taasoo sahasha in si toos ah loo arko uur jiifta koreysa.

Waxa kaloo jira baaritaan kale oo loo sameeyo hooyada uurka leh marka ay foosha tahay baaritaankaas waxa loo yaqaanaa fetal blood sampling.

Fetal blood sampling: waa xirfad la sameeyo waqtiga hooyada foosha ay billowdo taasoo ah in dhiig laga soo qaado xididada madaxa ilmaha caloosha ku jira si loo ogaado hadii aasiidhka ku jira dheecaanka ilmaha ay tahay mid ka badan ama ka yar qiyaastii la rabay oo ah inta u dhexeeyso 7.25 ilaa iyo 7.45 haddii ay yaryihiin qatarta ilmaha ku jiraan ayaa aad u badadta waxa qasab ah in foosha la joojiyo sababtoo ah ilmaha halis ayey ku jiraan.

Dheecaannada jirka iyo baaritaankooda

Sidoo kale waxaa jira qalab kale oo loo adeegsado in ilmaha uurka ku jira waqtiga u dhexeeya 18-ka isbuuc ilaa iyo 20-ka isbuuc lagu baaro si loo ogaado hadii ay jiraan cuduro dhibaato u keeni kara inta ay caloosha ku jiraan ama marka ay dhashaan.

Sawirkaan wuxuu kuu muujinaa sida dheecaanka looga qaado hooyada uurka leh.

Ilmo galeenka ayaa tubbo kaamiro wadadto la geliyaa taasoo ka caawisa in si toos ah loo arko uur jiifka, hadii loo baahdana dhiig laga soo qaadi karo inta uu qalabkaas ku jiro ilma galeenka, waxaa loo yaqaana qalabkaas fetoscopy.

 

Fikirkaada Waa Muhiim