Waa maxay kalaamis? Kalaamisadu waa xaalad caafimaad-daro oo u gaar ah hooyoda uurka leh, waxa ay badanaa ku dhacdaa hooyada marka uurkeedu uu maraayo 20 isbuuc ama ka badan,  taasoo ay ka dhalato dhibaatooyin caafimaad daro  oo la xariirta hooyada iyo cunageeda.

Illaa 10 Milyan hooyooyin oo ku nool daafaha caalamka ayey  ku dhacdaa  kalaamisadu sanadkii. 76 kun  oo kamid ah  hooyooyinkaas  ayaa u dhimato wax yeelo la xariirto kalaamisada,  guud ahaan dunida aynu  ku nool nahay  7dii  daqiiqaba waxa aan weeynaa(dhinto) hooya tasoo sabab ay u tahay wax-yaalo laga hortagi karo.

Dhinac kale  5kun oo cunug ayaa u dhinto  sabab la xariira kalaamisada ku dhacda hooyada uurka leh.  Wax ka badan 2.5 milyan oo caruur ah ayaa ku dhasha waqtigooda ka hor (Preterm  Birth) taasoo ay sababto kalaamisada.

Haddaba Kallay Aan Isla Aragnee Calaamadaha Lagu Garto Kalaamisada:

  1. Kacsanaanta cadaadiska dhiigga hooyada .
  2. Madaxa xanuun aad u daran.
  3. Hooyada in ay dhibsato jabaqda{buuqa}.
  4. Barar xagga lugaha iyo gacmaha lagu arko.
  5. Hooyada in ay miir daboolanto(coma).
  6. Hooyada in lagu arko gariir (convulsion).

Maxaa Sababa Kaalamisada?

Wax-yaalaha sababa waxaa kamid ah:

  • Ibida cunuga oo si aan caadi aheeyn u sameeysmato(Abnormal formation of the placent).
  • Hooyada in ay horay u qabtay 
  • In ay hooyada ku nooshahay deegaan hawadiisa ay wasaqeeysantahay.

Haddaba Hooyadee Halis Ugu Jirta kalaamisada?

  • Hooyada cayilan halis ayeey ugu jirtaa kalaamisada
  • Hooyada qabta cudurka macaanka halis ayeey ugu jirtaa kalaamisada
  • Hooyada Ugubka ah halis ayeey ugu jirtaa 
  • Hooyada qaraabadeeda ay ku dhacday kalaamiso halis ayeey ugu jirtaa
  • Hooyada dhashooyda ah halis ayeey ugu jirtaa kalaamisada .
  • Hooyada dheecanada qanjiraha ay dhacsanyihiin ( hyporthyriodism), halis ayeey ugu jirtaa 

Dhibaatooyinka Ka Dhasha Kaalamisada   ku dhacdo hooyada uurka leh;

 Dhinaca Hooyada:

  • Ibada oo soo fuqda dhalashada cunuga ka hor, 10% ayaa lagu arkay hooyinka.
  • Shaqo gab in ay ku dhacdo xubnaha muhiimka u ah nolosha sida: wadnaha, Beerka, Kiliyaha, Dhiig in uu ku furmo maskaxda qeeyb kamid ah.
  • Xanuun ay hooyada kasoo kabsan weeydo ayeey  ku rebtaa hooyinka qaar (permanent ill)
  • Sanbabaha in ay bararaan hooyada.
  • Hooyada in aan weeyno (Dhimato)

Dhinaca Cunuga:

  • Cunuga in uu ku dhasho 37isbuuc ka hor.
  • Cunuga in uu caloosha ku kori waayo.
  • Dabaasha cunuga in ay yaraato.
  • Cunuga oo oksijiinta ku yaraato.
  • Cunuga in uu dhinto.

Waxa aan ugu baaqayaa bulshadeenna Soomaaiyeed marka ay Hooyada uur yeelato in laga taxadaro caafimaadka hooyada iyo midka cunugaba, sida aan kor ku soo xusnay kalaamisada waa xaalad qatar ah  oo halis galin karto nolosha hooyada iyo midka cunuga, waxa aan ugu baaqayaa Hooyoyinka in ay ay ku xirnaadaan xarun caafimaad mar walbo ay uur yeeshaan, hooyada in ay mar walbo la socoto cadaadiska dhiigeeda meesha uu maraayo, in laga ilaaliyo hooyada welwalka taasoo keeni karta in uukaco caadiska dhiiga, haddii u cadaadiska dhiigga hooyada uu kaco waxaa ay halis ugu jirtaa in ay hooyada kalaamiso asiibto. Sidoo kale Hooyada in laga ilaaliyo cuntada ay u badan tahay cusbada, badalkeeda in la siiyo cunta isu dheelitiran.

Fikirkaada Waa Muhiim