Marka la rabo in la ogaado guud ahaan borootiinka ku jira jirka waxa muhiim ah in markasta bukaanka laga wareysto xaalladiisa inta aan loo samaynin baaritaanka waxyaabaha bukaanka laga rabo waxa ka mid ah in uusan wax soo cunnin sidoo kale in uu iska illaaliyo daawooyinka qaar sida daawooyinka ka samaysan hoormoonada iyo wixii la mid ah.

Marka hore waxaa soo diyaarsanee qalabka aad u baahan tahay sida. 

  • Semi-automatic analyzer waa qalabka lagu baaro dheecaannada jirka ku jirka.
  • Centrifuge: waa qalab lagu kala dejiyo wax walbo oo dareera ah sida dhiigga iyo kaadida oo kale.
  • Plain tubes: waa dhalo fur-gaduudan oo lagu shubo dhiigga
  • Pipette: waa qalab lagu soo qaado dhiigga hadba inta aad rabto ayaa kusoo qaadanee oo dhiig ah.
  • Gloves: waa gacmo gashi kaa difaacyo waxyaabaha jeermiska ah.
  • Test tubes: waa dhallooyin aan wax calaamad ah aan laheyn
  • Timer: waa sacaad yar oo loogu tala galay in waqtiga lagu fiirsado inta ay howsha socoto
  • Reagents: waa daawooyin loogu tala galay in lagu baaro, baaritaan kasto oo aad samayneyso waxaa u baahan tahay daawo u gaar ah waxa aad baareyso isku mid ma ahan daawooyinka.

Qofka sheybaariistaha ayaa dhiigga ka qaadaayo qofka bukaanka ah asigoo si wanaagsan ula hadlaayo qofka bukaanka ah, gacanta bidix ama midigta midka uu rabo ayuu ka qaadi karaa dhiigga asigoo isticmaalaayo jeermis dile marka uu dhiigga qaadaayo, ilmaha yar yar waxa loo isticmaalaa cirbido yar yar sida lancet ka oo kale.

Bukaanka marka dhiigga laga soo qaado waxa lagu geddinaa dhalo loogu talagalay in lagu shubo waa dhalo fur gaduudan leh waxa loo yaqaana plain tube ama waxaa ku shubi kartaa SST oo ah serum separate tube.

Marka lagu shubbo dhiigga dhalada loogu tala galay waxaa la dhex-gelinaa qalabka kala dejiya dhiigga ee loo yaqaano centrifuge. Centrifuge-ka waa qalab loogu talagalay in uu kala dejiyo wax kasta oo dareeraha ah sida dhiigga iyo kaadida.

Marka uu kala dago dhiigga waxa laga soo qaadtaa qaybta sare ee aan midabka lahayn waxaana loo yaqaana serum.

Waxa soo diyaarsanee seddax dhalo oo loo yaqaano glass test tube, adigoo u samaynaayo seddax magac oo kala ah standard, blank iyo sample dhalo kasta waxa ku shubaysaa daawada (reagents) oo loogu talagalay in lagu baaro borotiinka ku jira jirka, dhalo kasta waxa ku shubbaysaa 1000 µl, machein-ka marka aad kiciso ama shido wuxuu ku waydiinaa wax loo yaqaano standard iyo blank, standard-ka wuxuu la socdaa daawada wuxuu ku jiraa caag yar, standard-ka waxa ka soo qaadanee 20µl dhiigga aan midabka lahayn ama serum-ta waxa kasoo qaadanee asigane 20µl.

Dhalo kasta waxa ku jira waa isku qasee kadib waqti ayaa u qabanee ilaa iyo 10 daqiiqo ayaa sugee kadib machein-ka ayaa la tagee hadba midka ugu soo horeeyo ayaad siineysaa.

Shaxdaan waxay ku muujinee sida loo diyaariyo daawada

Sida layskugu daro Dhalada 1aad Dhalada 2aad Dhalada 3aad
Blank Standard Sample/serum
Reagents 1000 µl, 1000 µl, 1000 µl,
Standard 20µl
Sample 20µl

Cabbirka laga rabo borotiinka ku jira jirka 6 ilaa iyo 8.3g/dl

Fikirkaada Waa Muhiim