Anigoo magacaygu yahay Qoraa Ismaaciil Ibraahim Xasan. Qormadan waa mid aan ugu tala galay inaan bulshada Soomaaliyeed

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Soomaalidu maxaa hadeertan ku reebay Saantii jaahiliga iyo suntii mooganayd?
Kan qabyaalada lagu barbaariyay iyo kan qabiilka lagu barbaariyay waxaa farqi u ah dhanka fahamka waalidkii dhalay ay tuseen taasoo ah habdhaqanka qoyskiisa.

ku kala fahansiiyo, waxa loo yaqaan Qabyaalad iyo Qabiilba.

Qabiilku waa wax jira waana summad tilmaanto abtirsiinta iyo nasabka dhalasho ee qofku ka soo jeedo. Qabiilku waxaa lagu sheegay Qur’aankeena kariimka Illaahay wuxuu yidhi:

“dadku waxaan u kala saarnay qaybo shucuub iyo qabaa’ilo kala duwan si midba midka kale isu aqoonsadaan” waana aayadda 13aad Ee suuratu Al Xujuraat.

Qabiilku haduuba mar yahay calaamada ama wax laysku aqoonsado, annaga Soomaali ahaan qabiilka sideen u fahannaa?

Tan iyo burburkii wadanka 1991dii illaa iyo hadda Soomaaliya waxaa ka jira cudurka qabyaaladda iyo nin jecleysiga, waxayna tusmeyn u tahay wuxuu ilaa iyo waagadan dalku la xasili la’yahay.

Hadaba farqi noocee ah ayaa u dhaxeeya qabiilka iyo qabyaaladda?

Qabiilku sidiisuba wuxuu qabyaalad noqdaa markii laysku caayo, layskugu faano, layskugu handado, layskuna baa bi’iyo waxaana aragnaa inbadan dad la leeyahay waxaa loo dilay aano qabiil taasna waxay caddeyn u tahay foolxumada qabyaaladda ee Soomaalidu dhaqan iyo caado u ah, aafada laga dhaxlay qabyaaladu waa tan maanta ina dhigtay dowlad la’aan shaqo la’aan, kala carar, tahriib, iyo in wadankii aan lahayn aan u qaadno nacayb iyo inaan ka fogaanno.

Abwaan hadraawi mar uu ka hadlaye qabyaalada wuxuu tix ku yidhi “dugsi malahan qabyaaladi waxay dumiso mooyee!”

Oo micneheedu ah in qabyaaladu aysan lahayn hooy la gabaadsado ama geed hadhsi leh oo qabyaaladu markii sifo loo yeelo waa mid ah guri dunsan gurigaasoo dadku ku nool ay yihiin kuwa isku qaba cadowtooyo aan camal ka dambeyn.

In laysugu faano ama laysku caayo qabiilku asal ahaan xagee ayay ka timi?

Waxay ka timi dadkii hore ee aan ku soo gaarin diinteena suuban ee Islaamka loona yaqiin waagii jaahiliyada ayaa dhici jirtay in beel ka beel ay isku weeraraan ayagoo markaa is dhaafsan jiray suugaan ama gabayo uu midba kankale abwaanadoodu isku amaanaan qabiiladooda iskuna caayaan.

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Soomaalidu maxaa hadeertan ku reebay Saantii jaahiliga iyo suntii mooganayd?

Kan qabyaalada lagu barbaariyay iyo kan qabiilka lagu barbaariyay waxaa farqi u ah dhanka fahamka waalidkii dhalay ay tuseen taasoo ah habdhaqanka qoyskiisa.

Fikirkaada Waa Muhiim