Ugu horeyn waxaan fasiraad  ka bixineynaa waa maxay qoys? Qoysku waa halka uu ka unkamo taranka bulshada iyo

Qoysku waa halka uu ka unkamo taranka bulshada iyo bini’aadanka, waana halka isku haysa qeybaha reerka, lagana helo sacaadada, daganaanta iyo isku xirnaanta.

bini’aadanka, waana halka isku haysa qeybaha  reerka, lagana helo sacaadada, daganaanta  iyo isku xirnaanta.

Sidaa oo ay tahay hadana qoysaka waxa soo waajaha dhibaatooyinka mushkilado khilaafaad la socda nolosha caadiga ah.

Arinta waa nolosha xaalkeeda waana abuur Alle oo dadku way isku dhacaan waxaana ugu wacan kala duwanaashaha abuurka dabeecadaha iyo kala fikir duwanaasha dadka ka dhex jira  hayeeshee xallin ayaa loo baahanyahay.

Qoyska lamaanaha dhexdooda waxaa ka dhex dhici karaa khilaaf caruurtana waxay sameen karaan waxay labada waalid rabin.

Macnaha khilaafka qoyska: Waxaa weeye in ay jiraan noocyo  xiriiro kala duwan oo wata khilaaf ha ahaado mid ka yimid labada waalid ama qaar ka mid ah caruurta dhexdooda.

Xallin la’aan ka dhex dhacda qoyska waxay keentaa in reerka uu soo kala dhex galo is faham waa kaa oo keena in qoyska ay lunto heybadiisa iyo is ixixtiraamka ka dhaxeeya iyo in la heli waayo wada jirka qoyska.

Culimada ka faaloota arimaha qoyska waxay ku macneeyaan khilaafaadka qoyska fasiraado  badan oo kala duwan midka ugu dhaw waa (mowqifka arimaha dhibta badan ee qoyska ee lagu wareero soona food saara qoyska arimihiisa habsami u noolaashahiisa rabtana xallin naf  ahaaneed qoys ahaaneed qof ahaaneed ayay ku soo koobeen xalinta mushkilafaha qoyska.

Maxay kala yihiin dhibaatooyinka soo food saara qoyska?

Dhibaatooyinka ay la kulmi karaan qoysaska waxaa ka mid ah:

  1. Mushkilado ka yimaado naf sada taa oo ah kala duwanaashaha labka iyo dhediga marka la noolyahay oo ay soo marto qoyska arimo taabanaya duruufta ku xeeran.
  2. Dhibaatooyin ka dhasha kala duwanaasha dhaqanka iyo ilbaxnimada labada qof waana wax ka yimaada kala duwanaasha hooyada iyo aabaha reeka wada leh waxana jira inay ku kala duwanaan karaan dhaqanka caadooyinka soo jireenka ah iyo qaabka loo soo kala tarbiyeeyay lamaanaha.
  3. Dhibaatooyinka dhaqaalaha waana sababta keenta in xaalada wareer ah galo qoyska xaaladiisa maaliyeed kana imaan kara dibada ama gudaha qoyska.
  4. Caafimaad darada tusaale sida cudurda ku dhaca dadka ee halista ah ama kuwa masakax ahaaneed.
  5. Mushkulido ka dhasha bee’ada iyo bulshada ku xeeran qoyska  iyo inay kala cadeen qof walba iyo halka kaga aadan qoyska arimihiisa oo keenta in qoyska ka dhex dhaco khilaafaad.

Waxa kaloo jira dhibaatooyinka ku dhaca qoyska waxaana keena:

Is badalka buslahada ku yimadaada kagana yimaada caadadii iyo dhaqankii oo is badala islamarkaan keena isku dhaca labada waalid.

Jahliga  kana yimaada aqoon la’aanta arimaha qoyska waqtiga bilowga iyo marxalada dhexa iyo marxalada korinta caruurta.

Wacyi gelin la’aanta ayaa ah iyadana dhibaato kale.

Kala duwanaashaha fikir ahaaneed iyo dareen ahaanba  wuxuu bilowdaa marka ay bilow tahay xaalada qosyka  tarbiyeenta caruurta  qaadasahada qaraarada qoyska la dhaqanka dadka kale.

Cadaadiska ka yimaada dhanka dhaqaalaha  waxaa lagu tiriyaa wax la’aanta dhibaato mugeeda leh waayo qoyska haduu heli waayo wax ku filan ama soo dhaweeya nolol maalmeedkiisa waxaa ku dhaca khilaaf.

Sidoo kale dhaqaalaha badan iyo maalka  waxa uu keeni karaa khilaaf  iyo isku qabsi wixii qoska soo gala haddii aan loo maareen si wanaagsan.

Xaaska oo shaqada kaga mashquusha tan reerkeeda  waxay keentaa khilaaf  ba’an haddii hooyada ay ka maqnaato caruurteeda in badana iyadoo aadeysa  shaqo  kaliya ilaaweysana dantii reerka ee ahayd tarbiyeenta caruurta ogaashaha reerka iyo howsha guriga.

Qaraabada iyo saaxibada waxay raad ku yeeshaaan qoyska  raadka hadii uu yahay mid wanaagsan reeka waa uu wanaagsanaanayaa hadii asaxaabta iyo qaraabada yihiin kuwa xun waxay dhibaato u geeysaneyaan reerka waxay sababtaa reerkaas inuu dumo.

Dariiqooyinka loo maro xallinta mushkiladaha qoyska:

Waxaa waajib ah in qoyska lahaado hogaamiye tala wanaagsan waana aabaha hooyadana waxa alaga rabaa inay saxdo aabaha wixii ka qaldan haddii ay ku qabsato talada reerka waxaa imaaneysa in laisku dhaco si looga maago isku dhacaas waa in mid walba lagu qadariyaa  booska uu taaganyahay.

Wadahaladka waa dariiq wanaagsan oo lagu xaliyo khilaafaadka reerka soo kala dhex galo wada hadalkaas waa inuu ahaada mid mira dhal ah oo leh natiijo xal iyo wanaag doonis ah ee ma aha wadahadal wata midi midi ku tag.

Shaki bixin  malaha wanaagsan waa kan reerka isku wadkiisa  malaha xunna waa kan keena isku dhaca reerka dhexdiisa ah.

In la iska ilaaliyo gacan qaadka waayo gacan qaadka waxa uu keena colaytan  iyo in reerka sii kala fogaado.

Carada oo laga fogaado  qoska waa inay ka taliyaan farxadda lagana fogaado waxyaabaha carada keeni kara,.

Qosyka waa inay sameestaan nadaam iyo kala danbeen lagu xaliyo arinta qoyska.

Waa in loo sameeyo reerka  nadaam siiba caruurta sida wiilasha waxa laga rabo gabdhahana waxa laga rabo. Labada waalidna waxa alaga raba inay tusaale wanaagsan  u noqdaan ilmahooda oo aysan ku hor caroon caruurta ama ay ku hor hadlin caruurta waayo ilmahaaga waxay ku dhaqmayaan habkaad u dhaqanto.

Ugu danbeen waxa ugu muhiimsan ee reerka xalka u ah waa in  la  is qabalo la iskuna sabraa lana dhiso kalsooni lamaanaha dhexdooda ah iyo tan qoyska.

Fikirkaada Waa Muhiim