Murti Tiroleey ah ‘Labo Ma Labo yara’

Soomaalidii horre waxay ahayeen dad aan iska hadlin, laakiin kuhadla hadal murti leh. Murtida Soomaalida waxay kaalin wayn kaga jirtaa adeegisa ka hortaga in bulshada lagu faafiyo khatarta ay leedahay qabyaaladu iwm. 

 

1) Hal fiican ninkii leh ma caano yara.
2) Naag fiican ninkii lihina ma sed yara.

Cuskashada murtidan tiraleyda waxay tibaax dhig u tahay inaanu kala yareysan hadduu qofku mar isla helo laba aankala yareysanin sida murtidu inoo sheegtay waxaa la yidhi hal fiican ninkii leh ma caano yara. ‘Micneheedu waxay noqonkadhaa in ‘ninkii hal fiican oo geela heysta walle inaanu caano yaraan.

Tibaaxda kalana waxay leedahay naag fiican ninkii lihina ma sedyara oo ah ‘Ninkii raaliyo ama zowjad suuban qaba manoqdo mid sad iyo saamiba yaraada oo Faa’idada ugu weyn ayaa ah in ninkii nasiibkiisu noqdo Zowjad raaliyad ah innuu waxbadan dheeryahay ragga kale. Muhiimaduna waxa weeye guusha noloshiisa ayaa u daahirsan.

Labo muuqaaga ayey ku farxaaan:

1) Martidaada
2) Maalkaaga

Markay ku arkaan martidaa oo waxaad tahay ‘kii loo soo martiyay marka martidaadu markey arkaan wajigaaga waa kuwa farxa oo dhoola cadeeya. Geesta kalana qofku markuu arko maalkiisa waa uu ku farxaa oo waayo waa tacab uu IIlaahey siiyay qofka.

1) Caro aan laga soo noqon.
2) Ceyr aan laga dhaqan.
3) Cudur aan laga bogsoon.
4) Colaad aan laga heshiin.

Mida koowaad waxay tahay Caro ama xanaaq kasoo noqosha lahayn oo qofku uu qaado waxay ku hoggaamisaa innuu ka dul dhoco hog buura leh oo habbaar iyo dhib kasoo gaadho waayo xanaaqu waxaa sababa markuu qofku dareemo fal uusan raali ka ahayn oo laga sameeyo qofku waa uu caroodaa balse xanaaqaasi looma baahna in qofka uu la go’o oo uu noqdo mid waligiiba cuqdadii caradiisii ka dhalatay uu qalbigu ku heysto.

‘Taana waa laga ducaystaayo caro aan laga soo noqon waa ‘ciqaab adduun Iyo cadaab naareed.

Ceyr aan laga dhaqan waxaa weeye abaar aan laga dhaqan oo tusaalle haddaan soo qaato qoys markoodii horre si heer sare ku dhismay gurigoodii ayaaba dhacday oo waa tii layidhi adduuni waa hadhka labadiisa galin oo qoyskii qaniga iyo farxada ku noolaa mar hadey cayr iyo abaarba timaada way adagtahay dhaqanka qoyskaasi in uu sii jiro sababtoo ah markoodi hore nolol heer taajirnimo ayay isla soo qaateena waana ay adkaaneysaa balse cayrtaasi waxaa ka gudba kuwa isugu samro oo dulqaad isugu sameeya.

‘Hayeeshee taa badalkeeda waa laga duceystaa.

Cudur aan laga bogsoon marka laleeyahay waxay tahay inta badan anagu ka soomaali ahaan cudurka ina heystaa waa qabyaalad oo marnaba aan ka bogsoonin. Tusmo kale hadaan dhahno qofku hadduu cudurkiisu bato dadku waa ay nacaan oo bugta badan dadku way isku nacaan oraah dhahda ayaa jirta marka muhiimadu waxay tahay in laga ducaysto cudur laga bogsoon oo bugta badan waxaa dhaanta bari horuu dhintay in la yidhaahdo hase ahaate qofku waa inuu ka ducaystaa mahadnaqaa oo mahadnaqa badan oo ilaahey xagiisa loo celiyo iIlaahey wuu ina siiya badalkeedii iyo ka badan seembari nimcada aan heysano aanku shukrino.

Mida ugu dambeysana waxay tahay colaad aan laga heshiin waa laga ducaystaa oo dagaal waa tii layidhi wiil kuma dhashee mid nool buu duugayaa oo colaad iyo dagaal aanan laga heshiin waa laga duceystaa oo badalkeeda halkii laysku baa bi’ilahaa waxaa dhaanta in xal la raadsho oo la heshiiyo heshiiskuna wuxuu badbaado u yahay marasta iyo dadka loogu yeero birimageydada oo inta badan aafadu soo gaadho markey colaadi jirto colaad aan heshiis lahayna waa laga duceystaa.

Fikirkaada Waa Muhiim