Qabsanka waa caabug ku dhaca mindhiciraha qeybtiise hoose xubin ku taalo taasoo loo yaqaan (appendix). Waa wax far la’eg oo

Qabsanka waa caabug ku dhaca mindhiciraha qeybtiise hoose xubin ku taalo taasoo loo yaqaan (appendix).

dhinac kaga dhagan mindhiciraha waaweeyn  ee caloosha.

Waana xaalad caafimaad oo deg-deg ah kaasoo qofka uu la kulmaayo xannuun aad u daran, waxa uuna u baahan yahay  qaliin si looga  soo saaro qaybta   xabunta  caabuqsan, haddaan lasoo saarin waxa ay keeni kartaaa xuubka caloosha innuu ku fido caabuqaas, waxa kale uu keeni karaa  dhimasho.

Caalamahdaha Lagu Garto Qabsinka

·       Xanun aad u daran oo ka imaanayo  dhinaca midige ee caloosha qeeybteda hoose.

·       Matag iyo lalabo

·       Shuban ama saxarada oo qofka ku adkaato

·       Dibiro

·       Omateedka oo qofka ka lumo

·       Qandho

·       wareer

Maxaa Sababa Qabsinka ?

Waa xirnaansho ku imaado dahaarka  xabunta qabsinka, taasoo ah natiijo ka  dhalato bakteeriyada  sababta caabuqa xubinta qabsinka, taasoo ay bakteeriyada ku fido oo ay keento barar iyo innuu dhacaan galo xubbinta qabsinka.

Sideen Ku Ogaanaynaa Inuu Jiro  Qabsin, Kuna Daaweyn Karnaa?

·       Dhiig inaa ka baarno qofka

·       Kaadi inaan ka baarno qofka

·       Kumbiitarka caloosha inaan saarno qofka

·       Qaliin ayaan lagu daaweeyn karaa

·       Daawoyin inaa siino qaliinka ka dib

·       Xannuun baabi’yaal

·       Daawoyinka bakteeriyo dila yaasha ah  inaan siin

Bulsha waynta Soomaliyeed waxaaan kula talin lahaa inay badsadaan cuntooyinka  qolofta leh (fiber) , waana  cunooyinka jilciyo caloosha,  si ay u yaraato saxarada qofka ku dhagta taasoo qayb ka qaadato imaanshaha  qabsinka.

Fikirkaada Waa Muhiim