Maalin kasta qiyaas ahaan 830 hooyo ayaa waxay u  dhintaan sababo laga hortagi karo oo la xariira uurka iyo dhalmada. 99%  waxay dhimashada hooyada ka dhacdaa wadamada  soo koraayo, dhimashada hooyada way ku badan tahay dumarka ku nool  meelaha fog fog ee miiga  marka loo fiiriyo dumarka ku nool magaalada.

Hooyada da’ahan  ka yar  18 ayaa ugu badan cawaaqibaha iyo dhimashada ka imaado uurka iyo dhalmada.

Waxayalaaha ugu badan ee keena dhimashada hooyada  waxaa kamid ah:

–  Dhiig baxa imaado   xiliga dhalmada ka dib

–  Infekshan ku dhaca hooyada

–  Cadaadiska dhiiga oo bata  xiliga uurka

–  Cawaaqibo ka imaado dhalmada

–  Dhicis ku imaado taxadar la’aan

–  Cudurada qaar ayaa keeni kara dhimashada hooyo sida : malaria iyo AIDS  ku dhaca hooyada xiliga  ay uurka  leedahay

Sideee ku yareen karnaa dhimashada hooyada xiliga dhalmada iyo xiliga uurka

–  Dhiig baxa  waxaa lagu yareyn karaa hooyada inay markay dhasho aan siino cirbada minka aruurinaysa dhiig baxana yareenaayo.

–  Infekshenka waxaan ku yareen karnaa nadaafada inay ku dadaasho hooyada ,daawoyinka  inaa si dhaqsa ahba aan u siino marka an ogaanaba inuu jiro infekshan

–  Cadaadiska dhiiga oo kacsan waa inaan dajinaa waa inaa sinaa daawoyinka caadiska yareenaayo si ay u yaraato dhimashada

–  Inay hooyada booqato xarun caafimad in ka badan 7 jeer inta ay uurka leedahay

–  Inay hooyada la xariirta dhaqtar haday isku aragto dhiig bax xiliga uurka

Hooyada waa ubad dhaxadka qoys iyo unuga bulshada, caafimaadkeeda waa inaa ku dadaalnaa ,waa inay ka warqabtaa xaladeeda. Hooyada  waa inaa siinaa  cunta isu dheelitiran walow ay hooyinka soomaliyeed ay aaminsan yihiin in uu ilmaha ku waynaanayo taasoo ka fog xaqiiqda. Waa inan hooyada u sheegnaa xarunta caafimad inay booqato inay muhiim u tahay nolosheeda iyo mida cunuga. Hooyada waa inay qaadataa talalka teetanada xilaga ay uurka leedahay.  

Fikirkaada Waa Muhiim