Cudurka faaliga waa xaalad caafimaad daro oo halis galin karto nolosha Aadanaha. Faaliga waxa uu dhacaa marka ay   maskaxda  aadanaha heli wayso dhiigg ku filan ama marka  maskaxda ku  furmo dhiig xadigeeda ka badan,taasoo sababta dhimashada unugyada maskaxda.

Cudurka faaliga aduunka waxa uu ku dhacay 15milyan oo dadka oo ku nool dunida dacaladeeda, 5 milyan oo dadkaa  kamid ah waa ay ka caafimaadeen, 5milyan oo dadkaa kamid waxa ay noqdeen kuwa la nool saameeynta xanuunka faaliga halka  5milyan oo dad ah ay u dhinteen sababa la xariiro  xanuunkaan.

Faaliga inta badan waa cudur soo booda ah, inkastoo culumada caafimaadka ay sheegaan in uu ku badan yahay dadka da’da ah ,haddana waxa aan isbitaalada ku aragnaa  dhalin yarada  uu ku dhacay  cudurka faaliga  taasoo sabab u ah wal-walka iyo buuqda faraha badan oo ku furan maskaxdooda.

Mararka qaarna way u dhintaan dhalin- yarada uu a siibo Faaliga taasoo keeneeysa caadadiska badan in u adkeeysan waydo maskaxda  markaa ka dibna uu ku furmo dhiig fara badan oo wax-yeeleyo unugyda  maskaxda  iyo nolosha qofka.

Guud ahaan faaliga waa labbo nooc: iskiimik istarook(ischemic stroke) iyo hemoreejik istarook ( hemorrahage stroke. Iskeemic istaroog (Ischemic stroke) waa nooc faalig ah oo u badan dadka waxaa lagu qiyaasaa 87% in uu ku dhaco dadka noocaan.

Iskiimik istaroog  faaliga   noocaan ah waxa uu dhacaa marka maskaxda ay gaari waayaan qulqulka dhiigga iyo oksijiinka sababa la xiriira  halboolyaasha maskaxda oo ay xirto xinjir.

Himoorejik isatarook  (Hemorragic Stroke) faaliga noocaan sidoo kale waxa uu dhacaa marka uu dilaac gaaro halboowlaha maskaxda ee dhiiga qaado taas sababeeyso  xadi badan in uu ku furmo unugyada maskada.

Haddaba Kaallay Aan Isla Aragnee Caalamadaha Faaliga Lagu  Garto:

  • Madax xanuun aad u daran.

  • Qofka oo isku dhaxyaaco.

  • Qof oo lagu arko hadal badan oo aan la fahmeeyn,

  • Hal dhinac in ay noqoto howl gab(paralysis one side), sida gacan iyo lug in ay qofka dhacdo.

  • Cadaadiska dhiigga oo aad sareeyo marka la cabiro.

  • Matag iyo lalabo.

  • Qof oo araga labbo labbo ay noqato(Double vision).

Bulshadeenna Soomaaliyeed  waxa aan ugu baaqaayaa si aan oga hortagno cudurka faaliga  waa in aan yareeynaa cunista cusbada badan, in aan badino jimicsiga, in aan yareeyno miisaanka  Kg haddii uu qofka uu aad u cayilan yahay, in aan joojin gabi ahaanba cabidta sigaarka iyo qamriga , in aan badsano cunista cuntada dheelitran, ugu danbeeyn in aan fakerka iyo walwalka badan iska yareeyno kuwaasoo waxyeelo caafimaad daro u keeni karo jirkeen.

Fikirkaada Waa Muhiim