Warbaahinta Al-Jazeera ayaa afka Carabiga ku qortay maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigeen “Soomaaliya, dalka gargaarka u diri jiray Sacuudiga”. Waxaa maqaalkaan qorey Mucaad Maxamad Al-Xaaji Axmed, oo ah qoraa carbeed oo u dhashay dhulka Falastiiniyiinta. Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sharraxaad ku aadan xaaladda Soomaaliya ee maanta, oo waxaa uu leeyahay waxa laga maqlo dalkaasi haatan ayaa ah; burcad badeed, hoggaamiye kooxeed, kooxo hubeysan, dambiilayaal hubeysan, oo way adagtahay in maanta wax wanaagsan laga maqlo Soomaaliya.

Qoraaga waxaa uu sheegay in inkastoo horumar la taaban karo uu jiro, haddana waxaa weli maskaxada dunida ku qufulan dhibaatada Soomaaliya, oo intooda badan Soomaaliya tusaale ahaan u soo qaata dadka dunida markay ka digayaan in dal kale uu qaado waddada bur-burka.

Balse Soomaaliyada maanta wareersan, ee kala tegtay, dhiigga qabaayaladda dhex-dabbaalatay, weligeed sidan ma ahaan jirin. Xornimadii kaddib, Soomaaliya waxaa looga yeeri jiray “Switzerland-ta Afrika”, maxaa yeelay dadkeeda waxay lahaayeen xoolo badan iyo beero wax soo saar fiican leh.

Qooraaga waxaa uu leeyahay Soomaaliya waxay hormuud u ahayd dimuqraadiyadda iyo awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, wixii ka horreeyay afgembigii Siyaad Barre ee dhacay 1969-kii.

Qoraaga waxaa uu sheegay in xilligii ay dhibaatada badan ka jirtay dhulka Muslimiinta, qofkii lagu badbaaday uu ahaa

Soomaaliya ayaa burbur iyo dagaal sokeeye gashay kaddib markii dalka laga saaray Maxamad Siyaad Barre

hoggaamiyihii “boqortooyada cadaaladda”, Axmed Ibrahim, (oo Soomaalidu ay u taqaanno Axmed Gurey). Wuxuu qabriga nebiga ka difaacay isbahaysi ka dhexeeyay xabashida iyo Burtuqiiska, kuwaas oo doonayay inay qabsadaan magaalada Madina, sidoo kalena doonayay inay qaataan Qabrigii Nebiga (SAW), si ay ugu gorgortamaan magaalada Quds oo ay Muslimiinta haysteen. Ugu dambeyntii, Axmed Gurey waxaa u suuragashay inuu ka guuleysto oo uu dilo hoggaamiyihii Burtuqiiska, Vasco Da Gama.

Maqaalka wuxuu soo xigtay Qoraaga taariikhda ee Cabdulqadir Bin Cabdalla Ceydaruus, oo sheegay in Axmed Gurey, uu markii dambe gaaray guulo waaweyn, oo uu magaalooyin badan ka furtay Xabashida. Maqaalka waxaa kale oo uu sheegayaa in guulaha uu gaaray Axmed Gurey ay la mid yihiin kuwii la gaaray xilligii Saxaabada.

Qoraaga ayaa wuxuu sheegay in nuxurka maqaalkiisa uu yahay in Soomaalida maanta sidan ah ay ahaan jireen dad hodan ah oo Sacuudiga gaarsiiyay gargaar, inkastoo uu sheegay in dadka qaar ay doonayaan inay arrintaasi dafiraan.

Qoraaga waxaa uu sheegay in intaan la helin betroolka, Sacuudiga uu ahaa dal faqiir ah, dadkiisana waxay ku noolayeen timir iyo caano oo keliya, waxaana taariikhda ku cad, in abaar ballaaran ay ku dhufatay Sacuudiga sanadkii 1909-kii. Waxay dadka cuni jireen caleynta si ay noolashooda u badbaadiyaan.

Xilligaasi, Soomaalida aad ayay qani u ahaayeen, oo xitaa waxaa la weriyaa in qofku intuu neef qasho, uu beerka keliya ka cuni jiray, inta kalena uu tuuri jiray. Taariikhdu waxay qoreysaa in Culimada Soomaalida ay xilligaasi fatwoodeen in xoolo sadaqo ah loo diro dadka Sacuudiga, waxaana xigtay in ganacsatada Soomaalida ay billaabeen inay halkaasi u raraan xoolo nool, raashiin iyo xitaa dahab.

Soomaaliya maanta waxay ku sugantahay xaalad aan wanaagsaneyn, waxay ahaan jirtay dimuqraadiyad aan xasuusta ka bixi Karin, maantana waxay noqotay maamulo yar-yar oo kala taagan. Waxay horey u ahaan jirtay aag cagaar ah oo leh doomo dunida oo dhan u kala goosho, oo kaalmo gaarsiiyo, hasa yeeshee hadda noqotay dal ay ka jirto gaajo iyo rafaad, balse taariikhda aanan la hilmaami karin.

Fikirkaada Waa Muhiim