Uur dibadeedka waa xaalad, taasoo ukxaantii bacrintay, ay ku talaalmeyso meel ka baxsan xuubka Minka. Dhinaca ugu caansan uu ku talaalmo inta badan waxa loo yaqanaa tube (Fallopain tube). Meelaha kale oo ku talaalmo waxa ka mid ah: Ukxaanta (Ovary), Af ka ilma-galeenka (Cervix), iyo Xuubka Caloosha .

Maxa Sababa Uur  Dibadeed?

· Caabuqa ku imaado tubooyinka minka, taaso ay keenayso iney  xirmarto qayb ka mid ah Tuubooyinka. Uurkana uu gaari waayo Minka.

· Qalniin hore hadduu jiro oo Hooyada laga qalay Miskaha ama Tuubooyinka.

· Dhalma oo ay Hooyada ay ku dhibaatoowdo

· Buro ka soo baxdo miskaha.

 Yaa Halis Ugu Jiro Uur Dibadeed?

·       Hooyada oo Da’deeda ka weyn tahay 34 sano.

·       Hooyada oo cabto sigaarka.

·      Uur dibadeed hore hadduu jiro, halis ayey ugu jirtaa hooyada.

·      Cudurada ku faafo galmada.

·      Dhicis badan.

 Calamahada Uur Dibadeedka

·      Caadada oo lawaayo 2 bil ilaa 3 bil.

·      Calool  xanuun daran.

·      Matag.

·      Dhiig bax ka imaanayo xubunta taranka.

·      Wareer.

 Sidee Lagu Oganayaa Uur Dibadeed?

 Dakhtarka kuma ogaanka koro muqaalka kore, balse talaabda kale  oo lagu ogaanayo waxay tahay kompitarka hoose (transveginal ultrasound).

Side Ayaa Lagu Xaliyaa Uur Dibabdeed?

·      Hooyada ina la jiifiyo isbitaal.

·      Dhiigeda noocisa in la ogaado.

·      Kateetar in Hoyada loo galiyo.

·      Dhecan ina Hooyada lagu xiro felenboyin.

 Ugu danbeyn in Hooyada loo sameeyo qaliin dag dag ah. Qalinkasoo Hooyada laga soosaarayo Uur Dibadeed (salpingectomy).

Fikirkaada Waa Muhiim